Thursday, May 23rd, 2013

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo saakay u dhaqaaqay dhanka magaalada Jowhar.

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo saldhig ku leh degmada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa saakay u dhaqaaqay dhanka degmada Jowhar oo xarun u ah gobolka.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya oo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman iyo taangiyo ayaa u dhaqaaqay dhanka Jowhar sida ay soo sheegayaan dadka ku dhaqan degmada Balcad.

Taliyaha Ururka labaad ee Ciidamada xooga dalka Col. Abshir Shataqey ayaa sheegay in hadafkooda yahay in meel walba oo Al-Shabaab kaga sugan yihiin dalka inay tagaan, isagoo xaqiijiyay in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin magaalada Jowhar.

Horay ayay dhowr jeer ciidamada is garabsanaya ee AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya u sheegeen inay la wareegayaan magaalada Jowhar taasoo aan weli dhicin.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa lagusoo waramayaa inuu xaalkeedu iska deganyahay ayada oo ay ku suganyihiin dagaalyahano aad u tira yar oo ka tirsan Xarakada Alshabaab.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa lagusoo waramayaa inay hada gaareen deegaanka Qalimow oo 30 km u jira magalada Jowhar.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply