Saturday, May 25th, 2013

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Wanla weyn.

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay kaabayaan kuwa AMISOM ayaa saakay ku waabariistay gudaha degmada Wanla weyn kadib markii ay halkaas iskaga baxeen ciidamadii Alshabaab ee mudada ka ariminayay.

Wararka ka imaanaya degmada Wanla weyn ayaa waxa ay sheegayaan inay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku jarmaadeen degmadaas ayaga oo fariisimo ka sameystay gudaha iyo daafaha degmada Wanla weyn oo ah degmo muhiim ah iskuna xirta gobolada Bay, Banaadir, Shabeelada hoose iyo gobolka Bakool.

Dadka reer Wanla weyn ayaa boob iyo bililiqo kula dhaqaaqay xarumihii Alshabaab ee degmada Wanla weyn kadib markii ay xalay iskaga baxday Alshabaab halkaas.

Ciidamada is garabsanaya ee AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay la wareegeen deegaano ku dhow dhow degmada Wanla weyn.

Degmada Wanla weyn waxa ay u dhowdahay degmada Buur hakaba ee gobolka Bay ayada oo leh garoonka weyn ee militari ee Beli doogle.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply