Saturday, May 25th, 2013

Ciidamada dowlada oo sheegay inay Ciidaan ku ciidayaan magaalada Jowhar.

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay qorsheynayaan inay qabsadaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka SHabeelada dhexe kahor maalinta Ciida Carafo oo ay naga xigaan shan cisho oo qura.

Ciidamada AMISOM ayaa lagusoo waramayaa inay gaadiid badan oo nooca dagaalka ah geeyeen degmada Balcad ee isla gobolka Shabeelada dhexe ayaga oo qayb ka ah weerarka la qorsheynayo in lagu qaado magaalada Jowhar.

Xarakada Alshabaab ayaa waxaa ka jooga magaalada Jowhar ciidamo aan badnayn ayada oo ay horay ugasoo goosteen ciidamo ka badan 200 kuwaasoo ayaga iyo hubkooda iskusoo dhiibay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Jowhar waxa ay kamid tahay magaalooyinka waa weyn ee kusii harsan gacanta Xarakada Alshabaab ayada oo ay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM horay u qabsadeen inta badan magaalooyinkii waa weynaa ee ay Alshabaab ka arimin jirtay sida, magaalooyinka Baydhabo,Beledweyne, Buulo Xaawo, Garbahaarey, Luuq, Berdaale, Xudur, Marka, Muqdisho iyo Kismaayo.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply