Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhawaanahaanba deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada dhexe ku sugnaa ayaa hada isku diyaarinayo sidii ay kula wareegi lahaayeen magaalada caasimada u ah gobolkaas ee Jowhar.
Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa horay usoo qabsaday degmada Balcad, deegaanka Ceel macaan iyo degmada War sheekh oo dhanka xeebta xigta.
Taliyaha ciidamada lugta ee dowlada Soomaaliya Jeneraal Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) ayaa sheegay inay hada beegsanayaan degmada Jowhar oo uu sheegay inay dhawaan la wareegi doonaan,
“Yoolkeena hada waxaa uu ku wajahan yahay magaalada Jowhar, inkastoo aan dooneyn inaan saxaafada u sheegno waqtiga iyo goorta aan duulaanka qaadeyno”ayuu yiri Jen. Gacma-duule.
Magaalada Jowhar ayaa kamid ah deegaanada ay Xarakada Alshabaab mudada kasoo ariminaysay inkastoo hada la sheegayo inaysan ku sugnayn ciidamo sidaas usii badan.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com