Wednesday, June 19th, 2013

Ciidamada dowlada oo la wareegay garoonka Lambar 50.

Hawlgal ay saakay  ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si wada jir ah u fuliyeen ayay kula wareegeen deegaano hor leh oo katirsan gobolka Sh/hoose.

Ciidamada oo is kaashanaya ayaa la wareegay garoonka diyaaradaha Lambar 50, deegaanada Muuri, Saliini ilaa iyo Lambar 60.

Jeneraal Gacmo Dulle oo ah taliyaha ciidamada lugta ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inaysan hawlgaladaasi kasoo gaarin wax qasaare ah maadaama sida uu yiri wax iska caabin sidaas u buuran aanay kala kulmin dagaalyahanadii Alshabaab ee horay ugu sugnaa halkaas.

Taliyuhu waxa uu sheegay inay ujeedadoodu tahay sidii ay horay ugusii socon lahaayeen islamarkaasna ay ula wada wareegi lahaayeen deegaanada ka harsan gobolka Shabeelada hoose.

Weli wax war ah oo ku saabsan dagaalka saakay iyo deegaanada lagala wareegay Alshabaab kamasoo bixin Xarakada Alshabaab

 

Baidoa media.com


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply