Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay ku xireen degmada Daafeet dhalinyaro ay tiradoodu gaarayso 12 sida uu sheegay gudoomiyaha degmadaas Isaaq Maama oo saxaafada la hadlay.
Isaaq Maama ayaa sheegay in dhaliny
arada la xiray lala xiriirinayo inay wax ka ogaayeen qarax shalay lagu weeraray gaari ay saarnaayeen qaar kamid a ciidamada dowlada Soomaaliya.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in bam gacmeed lagu weeraray gaari ay la socdeen ciidamada dowlada Soomaaliya balse aanay ka dhicin halkaas wax qasaare ah.
Dhalinyarada lagu xiray magaalada Wanla weyn ee gobolka Shabeelada hoose ayaa waxaa lala xiriirinayaa Xarakada Alshabaab oo dhawaan lagala wareegay magaaladaas.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com