Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxa ay maanta la wareegeen wado muhiim u ah isku socodka gaadiidka iskaga kala goosha gobolada Shabeelada dhexe iyo Shabeelada hoose gaar ahaan degmooyinka Balcad iyo Afgooye.
Wadada oo ku taalo deegaanka Basra ayaa waxaa ka dhacay dagaal kooban oo dhex maray ciidamada huwanta ah iyo kuwa Xarakada Alshabaab oo lagala wareegay wadadaas.
Ciidamada dowalda iyo kuwa AMISOM ayaa sidoo kale waxa ay ku baxeen dhanka wadada laamiga ah ee aada degmada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe islamarkaasna u jirta 30 klm caasimada Muqdisho.
Wadada ay qabsadeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay muhiimad gaar ah u leedahay sidii ay ciidamadaasi laba jiho uga weerari lahaayeen degmada Balcad oo hada u muuqata taargetka labaad ee ciidamada wada socda ayaga oo horay u xaqiijiyay gacan kuhaynta wadada dheer ee tagta Afgooye ilaa iyo degmada Afgooye.
Xarakada Alshabaab ayaa uu culeysku kusii kordhacayaa ayada oo haddii ay ciidamada dowlada KMG iyo kuwa Itoobiya ee kusugan gobolka Hiiraana soo dhaqaaqaan kuwa AMISOM iyo kuwa dowlada KMG ee hada kusii siqaya Balcad horay ugusii socdaan jahwareer ku keenayso Xarakada Alshabaab oo hada u muuqata in lagu kala go’doominayo gobolada dalka Soomaaliya ayada oo ay ciidamo isbaheysanayo iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya iska kaashanayaan qorshahaa.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com