Wednesday, June 19th, 2013

Ciidamada dowlada ku kala sugan gobolada Bay iyo Shabeelada hoose oo ku ballansan Balidoogle

Waxaa soo baxayo warar sheegayo inay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee ku kala sugan gobolada Bay iyo Shabeelada hoose oo ay kla taageerayaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM ku ballansanyihiin deegaanka Balidoogle oo katirsan gobolka Shabeelada hoose.

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa inay xaqiijiyaan gacan kuhaynta deegaanada Buurhakaba, Leeqo ilaa iyo Wanlaweyn halka ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee hada ku sugan degmada Afgooyana lagu wado inay deegaanada u dhexeeya Wanlaweyn iyo Afgooye ka saaraan ciidamada Xarakada Alshabaab ee kusii harsan aagagaas ayada oo ay ciidamadu ugu dambeyn kuwada ballansanyihiin deegaanka Balidoogle.

Qorshahaan ayaa waxa uu yahay mid ay iska wada kaashanayaan ciidamada huwanta ah si loo wiiqo awooda Alshabaab oo hada deegaano badan lagaga qabsaday dagaaladii ugu dambeeyay.

Dhanka kale ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay wadaan qorshe ay kula wareegayaan gacan kuhaynta gobolka Shabeelada dhexe.

Wax war ah oo weli kasoo baxay saraakiishii ugu sareysay Xarakada Alshabaab ayaan jirin ayada oo aan la ogeyn qorshahooda ku aadan dagaalada wejiyada badan ee ku furan ciidamada Xarakada Alshabaab.

Magaalada ugu muhiimsan ee hada Alshabaab gacanteeda ku hartay ayaa ah magaalada dekeda leh ee Kismaayo marka lagasoo tago magaalooyinka kale ee yar yarka ah.

 

Baidoa media. 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply