Ciidamada isgarabsanaya ee dowlada FKMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay subaxnimadii hore la wareegay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe kadib markii ay xalay iskaga baxeen degmadaas dagaalyahanadii Xarakada Alshabaab ee horay ugu sugnaa halkaas.
Ciidamada oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa wada dheer ee laamiga ah ee ka timaada dhanka magaalada Muqdisho kasoo galay Balcad kadib markii ay maalmihii lasoo dhaafayba dhaq dhaqaaqyo ka wadeen hareeraha Balcad.
Lawareegida Balcad ayaa timid ayada oo aanay wax dagaalo ah ka dhicin gudaha ama daafaha degmadaas maadaama ay magaalada iskaga baxeen ciidamada Alshabaab.
Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowlada FKMG Soomaaliya waxa ay saldhigteen buundada degmada Balcad iyo weliba saldhiga booliska degmadaas waxaana lagusoo waramayaa inay magaalada ka barakaceen dadkii ku dhaqnaa badankood walow ay dadka qaar weli kusii harsanyihiin magaalada.
Qabsashada Balcad waxa ay imanaysaa ayada oo ay dagaalo ka soconayaan gobolka Sh/hoose oo ay xuduud leeyihiin gobolada Banaadir iyo gobolka Sh/dhexe iyo weliba yada oo ay ciidamada dowlada FKMG Soomaaliya wadaan is ballaarin ay ku sameynayaan gobolada dalka intooda badan ayaga oo kaashanayo ciidamada AMISOM.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com