Monday, May 20th, 2013

ciidamada dowlada ee ku sugan lafoole ilaa iyo xaawo cabdi oo qaati laga taaagan yahay.

Tan iyo markii ay ciidamada dowlada la wareegeen gacan ku heynta wadada isku xirta xamar ila iyo afgooye waxaa kusoo badanayay furashada la furto shacabka mara dariiqaas asaga ah

Xiriir aynu la sameyney qaar ka mid ah dadka maalin walba mara dariiqaas ayaa inoo sheegey ineysan wax dhib ah kala kulmin jidkaas asaga ah ilaa iyo ceelasha biyaha dhibtana ey ku bilaabato marka ey gaaraan lafoole iyo xaawo cabdi.

Waxaa kaloo meesha aad iyo aad uga cabanaayo gawaarida Bl-ka ee ka shaqeeya wadadaas ayagoo sheegey in mar walba ey maraan jidkaas dhib loo geysto rakaabka ey wadaan taasoo laga furto lacagta ey heystaan iyo weliba telfoonada.

Markii eynu u kuur galney ciidamada dowlada ee ka howlgala lafoole ilaa iyo xaawo cabdi  ayaa waxaa ey gebi ahaantood kasoo jeedaan beelaha abgaal kuwaas oo wax arxan ah u gelin shacabka iyo baabuurta Bl-ka ee ka shaqeeya jidkaas.

Ma aha markii ugu horeysey oo ey dhacaan falal noocan oo kale ah marar badan ey ciidamadaasi dhibaato u geysteen shacabka iskaga goosha wadadaas dacwooyin badan ayaa laga geeyey laakiin ilaa iyo hada ma jirto wax ey ka qabatey dowlada.

Baidoa media.

 

 

 

 

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply