Kulan ka dhacay xarunta jaamacada Hiiraan ee magaalada Beledweyne ayay macalimiinta iyo ardayda ilaa sadex jaamacadood oo ku yaala magaaladaasi kaga codsadeen ciidamada AMISOM ee Jabuuti inay gacan ka geystaan sidii xarumaha jaamacadahaas dib loogusoo
celin lahaa gacanta jaamacadaha maadaama ay hada fariisimo ka dhigteen ciidamada Itoobiya.
Taliyaha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Beledweyne ayaa ballan qaaday inay arinkaasi gacan ka geysan doonaan intii karaankooda ah.
Dhanka kale, ciidamada Jabuuti ayaa maanta ku wareejiyay dawo isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne oo mudooyinkaanba dawadu kusii yaraanaysay kadib markii ay iskaga baxday hay’ada MSF oo horay uga howlgali jirtay isbitaalka.
Dr Cabdi Fataax Waaberi Geedi oo ah Dhaqtar Guud ee Ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa dawada ku wareejiyay Dr Xasan Cumar Siyaad oo ah dhaqtarka guud ee isbitaalka magaalada Beledweyne.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com