Cayaaryahanka u dhashay dalka Argentine ee lagu magacaabo Lionel Messi ayaa ah cayaaryahanka ugu mushaarka badan cayaaryahanada caalamka ayada oo uu ku xigo cayaaryahan David Beckham oo u dhashay dalka Ingiriiska iyo weliba cayaaryahanka u dhashay dalka Potugal ee lagu magacaabo Christiano Ronaldo.
Cayaaryahan Messi oo u cayaara kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa waxa uu qaataa 33 milyan oo Euro una dhiganto 43.5 milyan oo dollarka Mareykanka ah sanadkiiba.
10.5 milyan oo Euro waxa uu u qaataa mushaar ahaan 1.5 milyan oo Eurona waxa uu u qaataa lacagaha dhaa dhaca loo yaqaano halka 21 milyan oo Euro ku qaatoo cayeysiinada iyo qandaraasyo kale.
2012 lacagta uu qaatay: €33 Million (£27.5m)
2011 lacagta uu qaatay: €31 Million
U dhiganto: $110 Million – (qiyaastii)
Naadiga uu hada u cayaaro: FC Barcelona
Xidiga Barcelona lacagta 33 milyan ee Euro waxa uu ugu kor maray shirkadaha waa weyn ee Spain iyo shirkado ay kamid yihiin Pepsi iyo adidas oo uu xayeysiino u sameeyay.
La soco qaybta xigta iyo cayaartoyga labaad ee ugu mushaarka badan cayaaryahanada hada jira.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com