Sunday, May 26th, 2013

Cayaaraha Olombikada aduunka oo si toos ah u bilawday iyo cayaaryahanada Soomaaliyeed oo ka hadlay.

Waxaa si toos ah u bilowday cayaaraha Olombikada caalamka habeenkii xalay ahaa ayada oo ay ka dhaceen magaalada London oo martigelinayso cayaarahana ka dhaceen fantasiyo lagu furayay cayaaraha.

Boqorada dalka Ingiriiska Queenta 2aad ayaa sheegtay inay cayaaruhu si toos ah u furanyihiin ayada oo ay 7 cayaaryahan daareen/shideen tooshka ay cayaaraha Olombikada caanka ku yihiin.

Maxamed Xasan Maxamed iyo Zamzam Maxamed Faarax oo matelaya dalka Soomaaliya ayaa calanka Soomaaliya qaaday xalay ayaga oo sheegay inay guul kasoo hoyn doonaan cayaaraha sida ay ku rajo weynyihiin, ” Waxaa garbahayga taagan jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska, haweenka London iyo kuwa Manchester ee Soomaaliyeed waxaana rajeynayaa haduu Illaah idmo innaan ka keeno cayaarahaan wax ay ku farxaan ummada Soomaaliyeed” sidaas waxa tiri Zamza  Maxamed Faarax oo muujisay inay rajo weyn ka qabto cayaaraha.

Dhankiisa, cayaaryahan Maxamed Xasan Maxamed ayaa sheegay inuu filayo inuu wax ay shacabka Soomaaliyeed ku farxaan ka keeno cayaaraha Olombikada caalamka ee ka furmay magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply