Baidoa Media Center » Maqaalo

Ma Mudna In La Eedeeyo Wasiirka Gaashaandhiga Mudane C/xakiin Fiqi.
Sida aan la wada socono ama aan dareenshay burburkii qaranamida Soomaaliya iyo waqtiyadii Qabiilka loo kala baxay waxaa moodaa in Soomaali ahaan wax badan laga dhaxlay oo dadka Soomaaliyeed kala qaybinayaa oo qabiil iyo jahli ah kaas oo umadeenii wax badan u dhimay oon marnaba la soo koobi Karin.

Dhismahii dowldaha kumeelgaarka ahaa mudadii 12 sano ahayd ooy soo mareen Madaxweynayaasha kala duwan waxaad moodaysay inay Soomaalida ka sii baxaysay qabiilka una gudbaysay marxalad wanaagsan oo Soomaalinima ah balse waxaa moodaa in hada dib loo noqonayo.

Lagasoo bilaabo 2008 dii  inta badan Bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya waxaa maamulayay ururka Al-shabaab kaas ood moodo inuu Qabiilkii iyo Qabyaaladii baa’biyay  meelaha uu ka talinayo ood moodo inay xukun loo siman yahay ka sameeyay.

Hadaba aan u soo noqdo ciwaanka barnaamijkaygee ka bixitaankii kumeel gaarka ,dhalashadii Dowlada Soomaaliyeed ee federaalka ah doorashadii Madaxweyne Xasan Shiiq,Raysalwasaare Cabdi faarax iyo Gudoomiye Maxamed Jawaari waxa uu wadanka galay marxalado badan oo kala duwan iyo siyaasado cusub taas oo ka farxin wayday qaybo ka mid ah ummada Soomaaliyeed ama qabaa’ilada ayada ood moodo in Qabyaaladii soo noqotay durbaan cusubna la tumayo.

Bilowgii maamulka Jubaland iyo shirarkii is daba socday oo ka socday Magaalada Kismaayo waxay gilgileen siyaasadii wadanka iyo midii dowlada ayada lagu kala aragti duwanaa awooda dowlada ku leedahay iyo awooda maamulada federaalka ah ay yeelanayaan .

Waxaa jiray madax badan oo dowlada ka tirsan in Airoporka Kismaayo lagu celiyo ugu danbayntii waxaa magaalada degay wafti uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhiga kaas oo u m agacaabay magaalada kismaayo ciidamada dowlada oo joogo taliye cusub balse waxaa soo baxay in amarkii dowlada loo hogaansami waayay.

Mudane fiqi dad ayaa waxay ku eedeeyeen dagaalkii kismaayo inuu ku lug lahaa taas ood moodo runtii inay tahay mid xaqiiqda ka fog dadka Wasiirka eedaynaya aad moodo inay daacadnimda ka tageen waxa ay dad badan la socdaan in dagaalka uu ka bilowday hor is tag la hor istaagay nin ka mid ah ragii madaxweynayaasha uga dhawaaqay magaalda Kismaayo oo lagu magacaabo  Mr.Iftiin Baasto kaas oo doonayay inuu tago sida la sheegay hotelkii ay daganaayeen waftiga dowlada asna diiday in laga hor istaago halkaana dagaalka ka bilowday maalinkii hore halka maalinkii danbe ay ahayd mid si cad asaga iyo reerkiisa weerar loogu soo qaaday.

Waxaa wasiirka lagu eedeeyay in

•    In ciidamo uu ka qoray Magaalada

•    In ciidamadii dowlada ee magaalada uu Mushaar u keenay

•    In Taliye cusub uu soo magacaabay

•    Kadibna saas dagaalka ku dhacay.

Wasiirku soomaaha wasiirkii Gaashaandhiga Soomaaliya soo xaq uma laha inuu ciidamo qaran ka qoraa magaalada Kismaayo oo ka tirsan Soomaaliya soose xaq umalaha ciidamadii dowlada oo joogay deegaanka inuu u keeno Mushaar ama xaqoodii Maxaase diiidayay inuu ninkuu u garto inuu maamuli karo ciidamada qaranka u soo magacaabo taliye cusub shalayba soo lama soo magacaabin kuwa hada jooga.

Waxaase is waydiin mudan in qof walba oo soomaali ah is waydiiyo ma waxaa dagaalka bilaabay.

•    Ninkii asaga meel iska jooga

•    Ma ninkii asoo meel u socda loo diiday mise kii u diiday ayaa bilaabay dagaalka.

Ugu danbayntii aniga iyo inta ila rayiga ah waxaan aaminsanahay in laga fiirsado hadalada xanafta leh oo wax loogu dhimayo madaxda dowlada gaar ahaan Wasiirka Gaashaandhiga kaas oon mudnayn mida kale waxaa aad nasiib daro u ah in 2013 ka halka aan ka shaqayn lahayn wadajirka iyo qaranimada Soomaaliyeed raadin lahayna soomaalinimada aan durbaan qabiil iyo Qabyaalad garaacno kaas oon ognahay halka ay nagu furtay.

Waxaan sii raacsan lahaa oon dadka Soomaaliyeed u sheegi lahaa inuusan qabiil qaran noqonin mudnayna waqtigaan inaan qabiil taageerno ee waxaan ku talinayaa inaan dowladeena la shaqaynaa waxay mudan tahayna siinaa waayo dowladihii aduunka ugu waawaynaa ayaad u jeedaan say diyaar ugu yihiin inay dowladeena taageeraan marka adinkana taageera.

Mohamed.Hashi.Abdi

MA international Relations.

TAXLIIL SIYAASADEED DHISMAHA DOWLADDA KOOFUREED (Southern State of Somalia)
Ujeeddada qoraalkaan waa inuu baraarujiyo laba qodob muhiim u ah ‘gogosha dhismaha maamul-goboleedka koofureed’ ee haatan fidsan Baydhaba; qodobadaan oo aan u maleynayo in si looga ilduufay ama si looga warwareeganayo.Qodobadaan labada ahi, gaar ahaan qodobka koowaad, waxaan u arkaa inay FURE u yihiin ka miradhalinta gogosha fidsan ee dhismaha maamul-goboleedka.Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in labadaan qodob siday u kala horeeyaan loo kala hormariyo; maxaa yeelay haddaan qodobka koowaad hirgelin midka labaad ma hirgeli karayo.  Qodobada aan muhimaddaa gaarka sidaa u siinayo isla markaana qoraalka ugu adkaynayo waxay kala yihiin:

DIB-U-HESHIISIIN SIYAASADEED:  Yaa la heshiisiinayaa?  Waxaa la heshiisiinayaa siyaasiyiinta haatan ku kala jabsan siyaasadda DM.  Haddaan la dafireynin xaqiiqda waaqiciga, waxaanu ka wada dheregsannahay inuu jiro khilaaf siyaasadeed xoog leh oo u dhexeeya siyaasiyiinteena hormuudka ka ah siyaasadda maanta.  Faahfaahinta nooca khilaaf ee jira, cidda uu dhexmaray, goortuu dhacay iyo siduu u galaaftay in badanoo ka mid ah dadweynaha waxaad kaga bogan doontaan faahfaahinta sawirka-guud siyaasadeed ee halka hoose ku xusay.  Waa caadi in khilaaf uu dhaco, laakiin waxaan caadi ahayn inaan khilaafka la xalliyin.  Sideedaba dadku bil isma dheera, waana isku bidhaan iyo birlab simmanna weeyaan, hayeeshee hadba kuwii is buurta, hadba kuwii is baanta oo bar qura lahaada, bushi hadduu yimaadana basarka looga baxayo beekhaamin garan yaqaana boqorkoodu waysaga.  Hadday masuuliyiintii sarsare ee siyaasadda isku dhaceen ma inaan sidaas ku daawanay ahayd ilaa khilaafkoodaas uu raggaadiyey wax walboo horumar siyaasadeed ee la sammeyn lahaa?  Waayo khilaafka dhexmara siyaasiyiin sarsare lamid ma ahan khilaafka dhaxmara laba qof caadi ah:  khilaafka siyaasiyiinta wuxuu u gudbaa bulshada inteedii kale ilaa uu wax badan galaafto, ugu darane wuxuu limiyaa awooddaadii midnimo ee aad ku wajahi lahayd siyaasadda gudaha iyo dibadda labadaba.  Waa in nalaka helaa waxgarad (rag iyo dumar) isku howla ‘dib-u-heshiisiinta siyaasiyiinteenii is gaaray’ si cakirnaantaan siyaasadeed looga gudbo.  Wixii horey u dhacay waa inaanay kaa horjoogsan wixii horumar siyaasadeed ay ugu horeyso ‘dhismaha dowlad-goboleedka’.

KULUNG GUUD:  Waxaa laysugu imanayaa shirweyne MEY NIING DANG E, kulankaasoo laysugu yeerayo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada si go’aan wadajir loo dhanyahay uga soo baxo shirweynaha isla markaana qof walba ugu qanco natiijada kulanka.  Waxaa lays weydiin karaa, “Kulung guud miyaanu ahayn midka ay hadda gogoshiisu taallo Baydhaba”?  Jawaabtu waa  “Haa”.  Hadday jawaabtu “Haa” tahay muxuu u hirgeli waayey?  Maxay qeybaha bulshada ee ku kala nool gudaha iyo dibadda ugu qulquli waayeen goobta madasha shirka?  Maxay dadweynaha guud ahaan uga cag jiidayaan taageerada hiil iyo hooba leh ee ku aaddan hirgelinta kulanka?  Maxay jaalliyada dibadda siday u dhan yihiin, marka laga reebo Jaalliyadda Melbourne Australia, looga la’yahay taageeradii looga baahnaa?  Miyaan la gaarin waqtigii lays weydiin lahaa halka ay wax ka khaldanyihiin: mise sidaasaan isaga wadnaa ilaa lagu kala tagno gogosha haatan fidsan?

Si aynu uga jawaabno su’aasha halka sare ku xusan, waxaa lagama-maarmaan ah inaynu sawir guud ka bixino siday ahayd xaaladda siyaasadeed ee Digil-i-Mirifle kahor iyo kagadaal doorashadii dhismaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.   Sawirkaan wuxuu faa’ideynayaa in ugu yaraan wax laga fahmo xaaladda murugsan iyo khilaafka siyaasadeed ee maanta raggaadinaya in laqaado talaabo horumar siyaasadeed: talaabooyinkaasoo ay ugu horeyso taageerada  dadweynaha ee ku aaddan ‘dhismaha dowlad-goboleedka koofureed’.

Xaaladda siyaasadeed ee DM kahor iyo maalmihii ay soo dhoweyd dhismaha Dowladda Federaalka waxay ahayd mid rajada iyo xamaasadda dadweynaha reer-Arlaadi gudaha iyo dibadda ay aad u heer saraysay.Waxaaa lagu taamayey in lagaaray doorkii siyaasadda reer-Arlaadi ay taabagal noqon lahayd.Rajadaasi waxay cirka isku shareertay kadib guushii midnimada ku dhisnayd ee ay muujiyeen ka qeybgalayaashii shirkii Turkiga.  Midnimada iyo iskuduubniduba waxay marayeen meel aan dhowaanahaan nasoo marin.  Raja aad u wanaagsan baa waxaa laga qabay in haddii iyadoo sidaan laysugu duuban yahay la galo ololihii lagu dhisayey Dowladda Federaalka Soomaaliyeed guul la taaban karo ay soo hoyan doonto.  Diiraddu waxay si gaar ah u saarnayd laba hadaf siyaasadeed waaweyn oo labadaba lawada higsanayey laguna mideysnaa.

Siyaasadda koowaad waxay ahayd in doorkani wax kayar ‘jagada madaxweyne’ aan la qaadanin si looga gudbo magacaan ‘guddoomiye baarlamaan’ ee shaabadda nalooka dhigay.Waxaa laysla gartay in doorkani aanu jirin qof Digil-i-Mirifle ah oo isu soo sharxa jagada ‘guddoomiye baarlamaan’.Waxaa la isku qanciyey qofkii doonaya jago inuu isu soo sharraxo jagada ‘madaxweynaha’ keliya.Maxaa dhacay haddaba, khilaafkii ugu horeeyey ee lagu kala jabay siyaasad ahaan wuxuu bilowday markii si lama filaan ah jagada ‘guddoomiyaha baarlamaanka’ uu isugu soo sharaxay aqoonyahan/siyaasi Digil-i-Mirifle u dhashay.Dhacdadaasi waxay laba mar dhabarka ka jebisay siyaasaddii DM.  Marka koowaad waxay u adeegtay danihii siyaasadeed  ee beelaha kale Soomaaliyeed (Hawiye, Dir iyo Daarood).  Marka labaad, waxay gudahayaga ka abuurtay kala jab iyo khilaaf siyaasadeed taasoo kala dhantaashay isku duubnidayadii.Kala jabkaas siyaasadeed ka sokow arintaasi waxay maroora dilaac iyo niyad jab aan lasoo koobi karin ku ridday rajadii dadweynaha.

Hammigii iyo xiisaddii loo qabay siyaasadda Digil-i-Mirifle ayaa mar qudha afka ciidda gashatay.  Moghdy ley horta e, moghdy ley reedka e, maangy’y hasly baroothaso moojythooshe ng damaany, masiiby-masiiby ku wiino meel haluul e ng lahaayne mithig i bithy koo e bay xaaladdii noqotay.  Dhacdadaasi waxay sababtay in dadweynihii ay u kala jabaan saddex qaybood: i) kuwo u arkay arintaasi inay tahay khiyaano qaran laga galay qaddiyadda Digil-i-Mirifle sidaa darteed gebi ahaanba qaaddacay; ii) kuwo la saftay oo taageeray; iii) iyo kuwo iska aamusay oo afkii baa juuqda gabay noqday!

Siyaasadda labaad ee barbar socotay siyaasadda koowaad oo iyana lawada higsanayey, raja aad u weynna laga qabay waxay ahayd ‘dhismaha dowlad-goboleedka koofureed’.Macal aasif, siyaasaddani waxay ku soo aadday iyadoo ay jirtay xaaladda murugsan ee aan halka sare kaga soo hadalnay ‘habky ye ng aangne ky ufurti’.  Mahadi haka gaadhee, dadaalkii ay wadeen guddigii farsamo ‘dhismaha dowlad-goboleedka’ ee ka koobnaa siyaasiyiin iyo aqoonyahanno istood isu xilqaamay wuxuu galay laba siyaasadood oo is diiddan dhexdooda.  Nasiib darro, guddigii farsamo laftigoodii baa ugu dambeyntii waxay noqdeen qayb khilaafkii kamid ah.Guddiga Farsamo waxay cayaari kareen door dhaxdhaxaadnimo si ay u kala dhaxgalaan oo isugu soo dhoweeyaan raggii hor boodayey labada siyaasadood ee is diiddanaa, maxaa yeelay howsha hortaala ee ‘dhismaha dowlad-goboleedka’ waxay ku hirgeli kartaa keliya siyaasad mideysan oo ka tarjumaysa rabitaanka iyo ka qaybgelinta dadweynaha maamulka loo dhisayo.

Wixii markaas ka dambeeyey waxay siyaasaddayada sii galaysay mugdi hor leh.Khilaafkaas jiray darteed, waxaa laga fursan waayey in wareegto lagu magacaabo ‘guddigii farsamo’ laf ahaantiisa si rasmi looga dhigo.Guddiga Farsamo waxay iyana ka fursan waayeen inay awoodda Dowladda Dhexe u isticmaalaan hadba wixii talaabo siyaasadeed ee ay qaadi maagaan.Waxaa tusaale kaaga filan wareegtadii lagu beddelay Guddoomiyaha Gobolka Baay.Wareegtooyinkaas waxay calaamad u ahaayeen heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka siyaasadeed ee ka jira gudahayaga.  Waxay arintu gaartay inay dadka gaarkii ka shakiyaan oo ay is weydiiyaan nooca maamul-dowlad-gobol ee naloo wado in naloo dhiso!  Waxay su’aalo badan ka yimaadeen ‘wareegtooyinka’ iska soo daba dhacaya oo dadka qaarkii u fasirteen inay meel ka dhac iyo gacan dhaaf siyaasadeed ku tahay dadweynaha DM, maadaama waxa la dhisayo ay tahay dowlad-goboleed madax banaan.Waxay leeyihiin, “Sharaf iyo dadnimo ayay noo ahaan lahayd haddii guddiga farsamo ay magacaabaan odayaasha (malaaqyada) isla markaana ay iyagaas beddelaan guddoomiyaha gobolka, waloow dood la gelin karo in beddelaadda guddoomiyaha gobolka ay dhacday waqtigii munaasibka ahaa”.  Affuuffa taasi may dhicin!

Waxaa meesha kasoo baxay sawir layaab leh iyo nooca fadaraal ee ay doonayaan siyaasiyiinteena inay noo dhisaan!  Ma fadaraalkii uu doonayey halyey Al-waalid Cabduqaadir Maxamed Aadan Zobe (Raxmatullaah Calayhi); ma fadaraalkii ay doonayeen siyaasiyiintii HASBIYA; ma fadaraalkii uu ku hamin jiray Prof. Mukhtaar’;mise waa fadaraal cusub oo fadaraalkaas hore magaca uun ay wadaagaan oo awooddiisu ay gacanta ugu jirto ‘dowladda dhexe’, haba yaraatee wax iraaddo iyo tala ahna aanay ku lahayn dadweynahayaga?

Calaa kulli xaal, dowlad-goboleedda aan doonaynay waxay ahayd mid ku timaadda iraaddada, talada, ka qaybgalka iyo go’aaminta dhismaheeda min bilow ilaa dhammaad.Waxay ahayd in dibadda iyo gudaha laysaga yimaado kulan weynoo looga arrinsado dhismaha dowladda sida kii MEY NIING DANG E oo kale baddalka halka wareegtooyin wax naloogu magacaabi lahaa.Haddaba sidee bay macquul ku noqon kartaa in la helo taageerada buuxda ee dadweynaha iyadoo ay jiraan intaasoo kala qaybsanaan iyo khilaaf siyaasadeeda; intaasoo gacan dhaaf siyaasadeed ah; intaasoo khaladaad maamul ah; intaasoo is indhatirid ah markay timaaddo xaqiiqda waaqiciga ee jirta?Waxaa layiri, “Waxaad qarsato way ku qarsadaan”.

“Taktoothy hilmaami timaadothy my toosiyaaw”.Macnaha qofkii taariikhda ilaawa waxa kusoo socdana ma toosin karo.Taariikhda – haddii laga dhowro eex, nin-jecleysi,dafiraad iyo garasho la’aan – waa MARJAC ay dadku u laaban karaan hadday arrini ka xumaato.Halkaana weeye xuddunta uu qoraalku ku dulwareegayey.  Muhimaddiisa marka lasoo koobana waxay ahayd keliya inuu wax ka iftiimiyo khilaafka siyaasadeed ee gudahayaga iyo heerka uu gaarsiisan yahay ama raadka uu nagu reebay.  Haddaba,waxaan kusoo gabagabaynayaa qoraalkani waa u nasiixo guud ahaan ummadda uu la hadlayo; waa ku xujo qofkii dafirsan jiritaanka khilaafka siyaasadeed; waa u baraarug ciddii ka il-duuftay; waana u ilqabowsi ciddii ictiraafsan jiritaanka khilaafka siyaasadeed isla markaana doonaysa in xal waara loo helo.

FIIRO GAARA:  Ujeeddada qoraalkaan waa daah ka rogid, talo bixin iyo toosin ku aaddan siyaasadda guud DM ee ma ahan mid lagu taageerayo ama looga soo horjeedo garab siyaasadeed iyo shakhsi koona.Qof walboo ku howlan siyaasadda DM waxay agteyda ka yihiin halyeeyo xushmad mudan; wixii ka xumaadana waxaan u arkaa inay yihiin dadaal qaddarin iyo tixgelintiisa leh oo in loogu cudurdaaro ay tahay.

Isaak Hassanow

Melbourne, Australia

Unishef@live.com

Kenya: Caqabada ugu weyn ee dowladnimada Soomaaliya. Akhriso qormadaan xiisaha badan.
Akhristayaasha sharafta lahow waxaan qormadaan ku eegaynaa sida ay dowlada Kenya ugasoo horjeedo dowlada cusub ee u dhalatay dalka Soomaaliya iyo dibindaabyada ay ku hayso howlaha dowlada Soomaaliyeed.

Taariikhdu waa mid is qorta, ciidamada Kenya waxa ay kusoo galeen gudaha dalka Soomaaliya ayaga oo ku andacoonaya inay Alshabaab baacsanayaan balse Kenya soo gelitaankeedu ku keli ma ahayn, Kenya intii aanay ciidamadeeda usoo dirin gudaha Soomaaliya waxa ay ciidamo Soomaalida Kenya ah iyo kuwo ku dhashay xeryaha qaxootiga Kenya ah kasoo kala qortay magaalooyinka Garisa iyo weliba xeryaha qaxootiga.

Kenya ciidamadaas tababar ayay mudo soo siinaysay oo ayaga oo hubeysan watana magaca Raaskambooni ayay hogaan ugasoo dhigtay hogaamiyekooxeed Axmed Madoobe.

Kenyanku waa ay kasii baaraandageen howlaha ay u adeegsandoonaan ciidamadaan magaca Soomaaliga wata ee ay qaarkood Soomaaligaba ku hadli karin.

Dana dhaqaale iyo dhul ballaarsan labadaba waa ay ku jireen meesha oo si ay Kenya ugu fududaato arintaasna waxay usoo adeegsatay ciidamada ay soo tababartay iyo Axmed Madoobe.

Kenyanku waa ay ogaayeen in ciidamadaan Axmed Madoobe uu horkacayay keligood waxna qabsan karin una babac dhigi karin awoodii Alshabaab oo ahayd mid xoogan, sidaas darteedna Kenyanku kumanaan ciidamo ah oo wata taangiyo iyo diyaarado kala duwan ayay horay usoo raacsiiyeen.

Ciidamada Kenya iyo kalkaalayaashooda uu Axmed Madoobe hogaaminayay markii ay Kismaayo soo gaareen waxaa bilaabatay howshii labaad oo ahayd in maamul wata magaca maamul goboleed looga dhawaaqo Kismaayo, si arintaas ay u suurta gashana Kenya waxa ay hadana ka caawisay Axmed Madoobe odayaal laga kala keenay gobolka Waqooyi bari Kenya, Kilinka shanaad iyo kuwo tira yar oo lagasoo ururiyay gobolada qaar.

Si dunida iyo dadka Soomaaliyeedba loo qaldo ayaa odayaashaasi waxa ay dhowr bilood iskaga xareysnaayeen kuna hilbo cunayeen xarunta jaamacada magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyntii is magacaabay iskuna caleemasaaray madaxweynaha maamul loogu magacdaray Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa markastaba safar u aadayay Nairobi taasoo muujinaysa inuu yahay adeegaha ugu weyn ee Kenya isaga oo caasimadii Soomaaliya ee Muqdishana maalin keliya imaanin.

Kenyaatigu waxa ay dejiyeen qidad cusub oo ah in wixii masuuliyiin ah ee ka socda dowlada Soomaaliya lagu xanibo garoonka diyaaradaha Kismaayo loona sheego inuu maamul ka jiro magaalada amarka gudaha loogu galayana uu ayaga ka imanayo.

Ciidamada Kenya oo qaatay magaca ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxa ay bilaabeen inay masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ku xanibaan garoonka diyaaradaha ayaga oo u sheegaya inaysan damaanad qaadi karin amnigooda haddii ay gudaha u galaan magaalada Kismaayo, oo waa yaabe, ”Kismaayo ciidanka AMISOM ayaa gacanta ku haya maxaa loo dhahaa?”

Dowlada Soomaaliya ayaa waxa keliya ee la gudbooni ay tahay hada inay ciidamada Kenya ka saarto geyiga Soomaaliya kuna bedesho ciidamada kale ee AMISOM ee amarka dowlada qaata kuna shaqeeya awaamiirteeda hadii kale waxaa meesha ka baxaysa haybadii dhuleed ee qaranka Soomaaliya.

Arinta Axmed Madoobe iyo maleeshiyaadkiisa gumeysi u adeegana waxaa la gudboon dowlada inay qaramayso kuwa Soomaalinimadoodu dhabta tahay ee doonaya in qaranka Soomaaliya cagihiisa isku taago, kuwa aan ahayn Soomaalida dhaladka ahna laga masaafuriyo dalka dibna loogu celiyo halkii laga keenay.

Guntii iyo gabagabadii qormadeena waxaan ugu baaqaynaa dowlada Soomaaliyeed inay dadka walaalaha ah ee ku dhaqan gobolada Jubbahada hoose, Jubbada dhexe, Bay, Bakool, Gedo iyo Shabeelada hoose kala shaqayso inay maamul goboleedyo waafaqsan dastuurka Soomaaliyeed dhistaan waa haddii la rabo in la arko Soomaaliya oo ah federaal walaalo ah.

Baidoa Media Editorial.

FEDERAAL Vs DOWLAD-DHEXE SiyaasaddaDigil-i-Mirifle
Marba haddii wax lagu dhisayo ‘halbeegga siyaasadeed ee calmaaniga’ caadiyan danaha siyaasadeed ee ummadi leedahay waa kuwa la guurguura ama isla beddela hadba xilliga, xaaladda iyo duruufaha gaarka ahee waqtigaa jira.

Dadka ay ‘danahaa siyaasadeed’ khuseyso ayaa laga doonayaa in si saaniya ula socdaan uguna kuurgalaan hadba waxa iska beddela talaabada siyaasadeed ee ay qaadayaan marka loo eego isbeddelka xaaladaha siyaasadeed ee dalka gaar ahaan degaanka.

Waayo waxaa dhici karta in talaaba siyaasadeedoo shalayto kugu haboonayd in aanay maanta kugu habooneyn ama kuu hirgeli karin li’ajli duruufahaaga gaarka (dad iyo degaan) oo isbeddelay darteed.  Talaabada siyaasadeed ee la qaadayo waa sidii fursad oo kale, haddaadan uga faa’ideysan waqtiga ay munaasibka tahay lagama yaabo inay sideedii meesha kuu taagnaato lagana yaabo inay fursaddii u wareegto dadyow kale.

Siyaasadduna sideedaba waa sida jarta la cayaaro oo kale: haddaadan dhagxaantaada dhiganin godad fiican, waxaa dhacaysa in ‘saddex ama afar iyo af-la’aan’ kugu dhacdo.  Cayaarta marna qofka kaasoo horjeeda ayaa bilaabaya oo dhagxaantiisa hordhiganaya; marna adiga ayaa bilaabaya oo dhagxaantaada hordhiganaya.  Macquul ma ahan in labadaan xaaladoodba aad si isku mid ah ama isla godadkii hore aad dhigatid dhagxaantaada.

Markarka qaarkood waxaa dhacaysa in dhigashada cayaarta lagaala hormaro oo godad halis lagaa dego taasoo kugu qasbaysa inaad dalbato ‘kala qaad’ iyo in cayaarta mar kale laguugu celiyo si mar kale laysula soo bilowdo.  Mararka qaarkood hadday bahashu kugu foorarto waxaa la qaataa inaad gobannimo ka xigsatood ‘lugta ku walaaqdo’ (KUSH MALE) baddalka intaad qaadan lahayd guuldaro abida.

Haddaba, soo jeedinta Prof. Mukhtaar ee ku aaddan FEDERAAL dani nooguma jirto waqti-xaadirkaan ee dowlad-dhexe aan war doonno iyo diidmada qaar badanoo akhristayaasha dareen baan ka qaaday.  Run ahaantii waxay tahay doodda Profasoorku inay ku soo aadday waqti xasaasiya oo ummaddii indhahoodu u wada jeesteen kana dhursugayaan natiijada kasoo bixi doonta howsha dhismaha maamul u sammeynta Dowladda Koofureed ee saldhigeedu yahay Baydhaba.

Dadka badankii waxaa layaab iyo amakaag ku noqotay waxa warka Profasoorka waqtigaan kusoo beegay!   Dhacdadani waxay daliil u tahay sida aanay isaga warqabin isula soconin SIYAASADDA iyo AQOONYAHANKA Digil-i-Mirifle, taasoo ku tuseysa sida aan talaabada siyaasadeed ee la qaadayo loogu mideysnayn.  Qaarkiin waxaa laga yaabaa inay yiraahdaan, “aqoonyahanno kaloo badan baa jira oo ………………….”.

Aqoonyahanka aan ka hadlayo ma ahan mid ‘magac u yaal ah’ oo wax baarid iyo daraasad (baxthi) midna ku lahayn mowduuca miiska saran: haba yaraatee xitaa hal buugna aanu weligii ka qorin mowduuca siyaasadeed; balse aqoonyahanka aan ka hadlayo waa aqoonyahan sida Prof. Mukhtaar oo kale ahoo daraasadda cilmiyeed (baxthiga) uu ku leeyahay mowduuca siyaasadeed ee Digil-i-Mirifle aan la heleynin wax u dhigma.

Haddii qof walba lagu qaddarinayo wuxuu galay, Prof. Mukhtaar waa ‘AABAHA BARAARUGGA SIYAASADDA CASRIGA’ee Digil-i-Mirifle.  Waa halyey astaan (ramzi) u ah magaca iyo siyaasadda Digil-i-Mirifle.  Waa aqoonyahan si dhaba uga tarjumay waajibkii qofeed ee ka saarnaa qadiyadda Digil-i-Mirifle, saaxiibo iyo dad badanoo ay isku dhowaayeena iyadaas ku kala tageen.

Wuxuu dinihiisa shakhsiyadeed ka hormariyey difaaca iyo horumarinta danaha guud ee Digil-i-Mirifle.  Wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay siduu kor ugu qaadi lahaa magaca, luqadda, siyaasadda iyo jiritaanka Digil-i-Mirifle.

Ma filayo in Prof. Mukhtaar uu la imanayo wax haba yaraatee wax u dhimaya danaha siyaasadeed ee Digil-i-Mirifle, waayo waxaa is diidaya qaddiyaddii horey loogu bartay iyo in si sahal ah loogu tuhmo wax iyadaasi ka hor imanaya.  Waxaan aaminsanahay haddii jiheynta talada siyaasadeed ee Digil-i-Mirifle isaga looga dambeyn lahaa ay wax badan iska beddeli lahayd siyaasaddayada.

Sow ma dhici karto in Prof. Mukhtaar uu ogyahay sir aynaan ogaan karin raggeenaas caadiga ah, maadaama uu heli karo xog iyo sir aan loo faafinin dadka caadiga ah.  Maadaama siyaasadda caalamka laga hago Washington, wuxuu si sahal ah u ogaan karaa wajahadda (directive) siyaasadeed ee ay beesha caalamka ka damacsan tahay arimaha Soomaaliya!  Sow ma dhici karto inuu si dadban wax noogu sheegayo?

Sow ma dhici karto inuu noo damqanayo oo uu is leeyahay yaanay dadkaaga noqonin ‘keerow qherer ky bururi’ oo iska dul fadhiyin siyaasad aan caalamka dan ka lahayn?  Sow ma dhici karto inuu ogaaday inay cayaartu nagu foorarto dabadeedna uu doonayo kala qaad cayaartiyo KUSH MALE sidoo kale?

Sidaasoo ay tahay, waxaan xaq ugu leenahay Prof. Mukhtar inuu noo far waaweyneeyo si aan u fahanno meesha uu ka hadlayo.  Waxaan xaq ugu leenahay inaan istifsaar ama faahfaahin ka weydiisano fikradda cusub (federaal dan nooguma jirto) ee uu la yimid.  Waxaan doonaynaa inuu naga shaafiyo sida khaldan ee aan u fahmi karno hadba wixii nagu cusub ee loo arki karo inay ka hor imanayaan wixii caadiga ahaa.

Profasoore, annagu waxaan ahayn dad si xowli ah (220km/h) ugu socday dhabbe aad u weynoo (free way) aan leexleexad iyo samaafaro toona lahayn.  Halka aan ku soconana waa gaaridda dhisme DOWLAD-GOBOLEED.  Annagoo xowliga iyo xawaaraha intaa le’eg ku socona ayaad mar qudha meel gadaale nooga dhawaaqday ood nagu tiri, “Dib haloo soo noqdo meeshaas jid idinkama jiree”.

Haddaan gaariga farriinka (Brake) ku boobno waxaa dhacaysa inuu gaariga nala qalibmo.  Darawalkii iyo wixii gaariga saarnaa waxay bilaabeen inay is weydiiyaan su’aalo badanoo la xiriira dhawaqa kaasoo yeeray!

Su’aal:  Profasoore waxaan hore casharadaadii uga soo baranay in burburka siyaasadeed iyo kan bulsho ee Digil-i-Mirifle ay sabab u ahaayeen dowladihii dhexe ee dalka soo maray.  Haddaba, waxaad noo bayaanisaa sida qaadashada isla ‘nidaamkii dowlad-dhexe’ ee sabab u ahaa burburkayaga uu hadda noqon karo xalkayaga siyaasadeed?

Maxaa damaanad ahoo aan u haynaa in haddaan qaadanno nidaamka dowladda-dhexe aanu sidii kuwii isaga ka horeeyey aanu noo horseedeynin burbur kale?  Sidoo kale waxaad noo bayaanisaa faa’iidada noogu jirta qaadashada nidaamka ‘dowladda-dhexe’ ka Digil-i-Mirifle ahaan ee aan noogu jirin nidaamka ‘federaaliga’?

Waa ardaygaagii,

Isaak Hassanow

Unishef@live.com

Cadaalad darida dowlada FS iyo dadaal xumada hoggaanka Digil iyo Mirifle.
Dowlada federaalka Soomaaliya waxa ay ku dhisantahay isbaheysi kawada dhexeeya ummada Soomaaliyeed ayada oo wax loo qaybsaday 4.5 oo markii dambe uu madaxweynaha dowlada Soomaaliya u bedelay shan beel oo isla eg taasoo ay ummada Soomaaliyeed badankeed u riyaaqday.

Balse waxyaabaha ilaa iyo hada aanay dowlada hirgelin ee uu madaxweynahana ku cel celin jiray ayaa ah ‘Cadaalada’ Erayga cadaalad micna ahaan waa in si aan sadbursi lahayn ummada wax loogu qaybiyaa ama wax loo qaybsadaa.

Soomaali dagaal dheer kadib waxa ay badankeed garwaaqsatay inaysan jirin cid cid kale waxeeda xoog ku haysan karta amaba duudsiin karta xaqeeda.

Hadaba waxyaabaha ugu yaabka badan ee cadaaladii uu sheegi jiray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud meesha ka saaraysa ayaa ah in si siman aan wax loo qaybsanayn oo hay’adihii dowliga, xilalkii ciidamada, agaasimayaashii iyo safiiradii ay iskusoo koobeen beesha madaxweynaha iyo weliba beesha raisalwasaaraha taasoo ka dhigaysa Soomaalida kale kuwo aan saameyn badan ku lahayn dowlada hada dhisan.

Waxkastase waxaa ugu yaab badan in maalin cad xaqii ay dowlada Soomaaliya ku lahaayeen beelaha Digil iyo Mirifle la duudsiiyay ayada oo ay indhaha ka eeganayaan masuuliyiintii ugu jiray dowlada sida gudoomiyaha baarlamaanka Jawaari iyo xubnaha wasiirada ah ee ku jira xukuumada.

Jawaari oo madaxweynaha kadib haya xilka labaad ee ugu muhiimsan dowlada Soomaaliya gaar ahaan sharci dejinta ayaa u muuqda mid aan wax sidaas ahba u arag xaqa la duudsiinayo beelweyne Digil iyo Mirifle ee uu magacooda qayb kaga yahay dowlada hada dhisan, sidoo kale waxaa ayana afkii juuqda gabay oo aanan weli ka hadlin cadaalad darida lagu hayo Digil iyo Mirifle wasiirada kala ah

Ibraahim Isaaq Yaroow wasiir

Maxamuud Macalin Yaxye

Jamaal Axmed Barrow

Maxamed Rashiid Sheekh Daahir

Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi

Maxamuud Axmed Xasan. (Dalab)

Wasiiradaan ayaa ayaga oo fadhiya waxna ka ansixiyay cadaalad darida lagula kacay Digil iyo Mirifle aanay hadana ka hadlin, hadaba waa maxay cadaalad darida lagula kacay Digil iyo Mirifle?

Taliyayaashii ugu sareeyay ee ciidamada dowlada ayaa waxaa kala qaatay beelaha ay kasoo kala jeedaan madaxweynaha iyo weliba raialwasaaraha marka laga reebo nabadsugida oo hada loo magacaabay shaqsi kasoo jeeda beelaha laga tirida badanyahay.

Taliyaha ciidamada xooga dalka, abaanduulaha ciidamada khalabka sida, taliyaha cusub ee ciidamada booliska, taliyaha ciidamada bada Soomaaliyeed iyo weliba saraakiisha ugu muhiimsan waxaa qaatay beelaha madaxweyne Xasan Sheek iyo raisalwasaare Saacid halka ciidamada ugu badan ee aagaga dagaalka kujirana ay yihiin Digil iyo Mirifle!

Hadaba haday sidan wax kusii socdaan waxaa meesha ka bixi doonta kalsoonida lagu qabi karo dowlada federaalka Soomaaliya taasoo keeni karta inuu dalka sii kala tago.

Taariikhdu waa ay is qortaa, cidkastana wanaag iyo xumaanteeda waa mid loo keydiyo ee Jawaari iyo wasiirada kor ku xusanow ummadiina xaqooda soo dhacsha adinka oo waajibaadkiina qarana gudanaya haddii aadan soo dhicin karina xilka iska dhiiba oo cid kale hala idinku bedelo.

FG; Maqaalkani ma ahan mid dagaal iyo xumaan lagu abaabulayo ee waa mid ummada dulman xaqooda lagu raadinayo waa haddii la rabo wanaag iyo Soomaali inay noqoto mid kalsooni ka dhexayso.

Madaxweyne Gurguurte Mise Madaxweyne Gaatamaaye?
Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah Mudane Hassan Sheekh Mohamed ayaa saxaafadu ugu yeertaa Mudane Gurguurte,balse waxaan dhihi lahaa wuxuu u egyahay nin gaatamaya oo doonaya inuu hal waraf kudilo ugu yaraan 4Shimbirood.Madaxweyne Hassan ayaa u muuqda shaqsi siyaasadiisa aan cirka kushareerayn dhulkana aan dhigayn balse

U talaabsanaya kuna wada wado aan xawaare badan lahayn,waxaana taas marqaati u ah safarada madaxweynaha oo aan

Dhihi karno way isku miisaamanyihiin marka dhinacyo badan laga fiiriyo xiligaan.

Madaxweyne Gaatamaye ayaa u muuqda inuusan cafindoonin cidii uu kaga adkaado siyaasadda balse waxaa kamuuqda inuusan nina xiirayn iyadoo timihiisu qalalanyihiin,wuxuuna xariif kuyahay sida loo farsameeyo shaqsiga kasoo horjeeda.

Dhanka kale dadka siyaasada Madaxweynaha Dhaliilaya ayaa kutilmaamaya inuu udhaqmayo sidii shaqsi keligii taliya ah,

Waxayna arimahaas uga jeedaan sida muuqata marka uu hadlayo ayuu u egyahay keligii taliye balse dhaqankiisu waa mid

Wanaagsan si kasta oo yiraah waa keligii taliyana waxay arintu salka dhigaysaa Khuluqa fiican inuu yahay waxaan laheli karin. Madaxwenaha ayaa waxaa lagu xasuusan doonaa sida uu ula dhaqmayo Maamulayaasha Gobolada Dalka,sida Midka Soomaliland,Puntland & Weliba kale dalka kajira.

Madaxweynaha ayaa si aan caadi ahayn u amaana Madaxda Gobolada wuxuuna ula jeedaa nolosha ay haystaan dadka Degaanadasi kudhaqan sida Waxbarashada,Caafimadka,& Adeegyada kale ee Bulshadu u baahantahay,madaxweyne Gaatamow ayaanse weli usoo jeesan qaybo badan oo laga sugayey abuuristooda sida,Gudiyada Qaran ee kadhiman Haykalka Dawladda,waxaana lafilayaa inuu madaxweynuhu kudhiirado dhismaha Gudiyo Qaran oo kaqayb-qaata Nabada iyo xasilinta dalka Soomaliya.

Madaxweyne Gaatamow ayaa u muuqda inuu xiligaan gaadayo waxa kasoo bixi kara shirka kasocda Gobolka J/hoose

Magaalo Madaxdiisa Kismaayo,waxaana saadaalinta ugu culus lagu sheegay inuu taageerayo madaxda halkaas kasoo Baxda balse uu shardi adag kuxirayo.Waxaana eegi doonaa sida ay arintaasi kudhamaato maalmaha nagu soo aadan.

Waxaana Maqalkeyga kusoo Gebagebaynaynaa inaan lagu deg-degin mucaaradka Madaxweyne Gaadaaye.

Suldaan Ali Abdulahi Hassan

TAHRIIB: SILLACA AY MARAAN DHALLINTA SOOMAALIYEED EE SAXARA KU SAFARTA.
Axmed waa 26 jir ku nool dalka Sweden, wuxuuna dalkaasi kaga dhiiban yahay inuu yahay canug 13 jir ah oo aa waalidkiis la socon, taas oo uu u door biday inuu kaga badbaado faraha laga qaaddo dadka qaangaarka ah.

Sanadkii 2006-dii ayey Axmed iyo qoyskiisa ka qaxeen Muqdisho xilligaas oo uu magaalada ka socday dagaalkii u dhexeeyey dagaal oogayaashii la baxayISBAHEYSIGA SOO CELINTA NABADDA IYO LA DAGAALANKA ARGAGAXISADA iyo Kooxdii maxaakiimta Islaamiga ee midowday la baxday ee iyaga dagaalka kaga adkaatay.

Qoyska Axmed oo xaafadooda Raadeerka uu ka dhacay dagaalkii ugu kululaa ayaa waxay u qaxeen xerada Qaxootiga ee Xagardheer ee dhulka Soomaalida Kenya halkaas oo ay doorbideen in ay ka helaan ammaan iyo nolol ka wanaagsan tan Muqdisho markaas ka jirtay.

Axmed waa wiilka ugu weyn qoyskiisa o ka kooban, hooyo, aabe iyo 6 caruur ah oo ay dhaleen, waana curad aad loogu wada han weynaa oo markaas dhaw dhameeyey Dugsiga Sare.

Axmed waa wiil aad baarri ugu ah waalidiintiisa, kuma af celiyo, wuu caawiyaa waxayna ku hanweynaayeen in uu u noqon doono mid nolosha qoyska wax ka bedela oo ay ku nastaan, qadartuse dhanka ALLAAH ayey ka qoran tahay.

Wuxuu ka mid ahaa ardaydii dhigatay iskuulka Axmed-Gurey eek u yaalay Degmada Yaaqshiid, wuxuuna dhameeyey dugsiga sare, balse isagoo aan Jaamacadda bilaabin ayey qoyskiisa barakaceen.

Markii ay qoyskiisii ka soo kictameen Muqdisho, kuna biireen dadkii u hayaamayay dhanka xerooyinka Qaxootiga Soomaalida eek a dhisan Kenya wuxuu ku taamayey labo arrimood. Waa midda koowaade wuxuu is lahaa waxaad gali doontaa nolol nabad iyo amni ah, midda labaadna wuxuu is lahaa waxaa la idin qaadi doonaa dalalka reer galbeed, gaar ahaanna Mareykanka.

- Waxaan sawiranayey in nolosha xerooyinka qaxootiga ay ka wanaagsan tahay middii gurigeenii Muqdisho, sababta oo ah dadka waalidkey la xiriirayey ayaa sidaas u sheegay oo ku dhiirigeliyey in ay xerooyinkaas aadaan- ayuu yiri Axmed.

- Dadka waalidkey kula taliyey in ay xerooyinka qaxootiga noo raraan ayaa ba’a nololeed noo horseeday baan oran karaa, haddii ay si sax ah war noo siin lahaayeen waxaan u guuri laheyn Hargeysa halkaas ayaan jaamacadda ka bilaabi lahaa, maantana nolosheyda sida uma rafaadsanaateen – ayuu raaciyey.

Himilooyinkiisii waxba kama suuroobin, taasi bedelkeedana booliiska iyo burcad dhalinyaro u badan ayaa qoyska Axmed durba ku soo dhoweeyey jirdil, dhac, handadaa joogto ah iyo iskuday kufsi lagula kici lahaa hablaha la dhashay ee ahaa kuwo aad u yaryar, walow uu ALLAAH ka badbaadiyey. Axmed wuxuu ka sheekeeyay xaaladii. Wuxuuna yiri:

-       Booliiska xerada jooga ayaa ugu daran, waxay nagu sameeyeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin jirdil, baad iyo xarig. Kaaga sii darane markii la isku dayey in gabdhaha ila dhashay la xoogo xilli habeen ah way diideen in ay noo gurmadaan- ayuu yiri.

-       Noloshu aadbey u adkeyd, xitaa in aad nolol maalmeedka hesho way adkeyd inta aan joogay xerada Xagardheer. Aniga waan mashquulay waxaan galay in aan nafsadeyda la sheekeysto, gabdhaheena waxay noqdeen kuwo habeen iyo maalin ooya, waalidkey welwel ayaa dilay, mana heysano dhaqaale aan dib ugu laabano.

-       Silacaas nololeed ee naga soo maray xeradaasi Xagardheer wuxuu waalidkey ku kalifay in ay ka fikiraan sidii ay ka yeeli lahaayeen xaaladda qoyska oo noqotay mid aad u cakiran. Waayo xilli walba waxaan aheyn dhib suge, weliba waa meel aadan dhaqan garaneyn oo dal shisheeye ah oo dalkaaga hooyo aan aheyn.

-       Taladii si kasto oo loo rogrogay waxaa la isla gartay in aan Muqdisho lagu laaban Karin, sababo la xiriira dagaalkii laga soo qaxay oo weli sii socday iyo qarashaad dib loogu laabto oo aan faro lagu heyn.

-       Markii arrinkii dhan walba laga eegay ee aan weli xal sax ah la helin ayaa aniga iyo waalidkey waxaa go’aansanay in aniga la ii diro Liibiya si aan halkaas badda dhexe ee loo yaqaano Mediterranean-ka ee u dhexeysaLiibiya iyo Talyaaniga, ujeedkeyguna waa in aan halkaas ka galo Yurub, kaddibna wax ka bedelo xaaladda nololeed ee qoyskeyga.

-       Aniga iyo waalidkeygaba waan ogeyn dhibaatada iyo halista loo maro in Liibiya la aado, sababta oo ah baasaboor iyo Visa maanan heysan oo waxaan doonayey in aan Kenya ka bilaabo safar dhulka ah, Ugandha maro, Suudaan maro, kaddib Liibiya halkaas ka galo.

-       Halistu in kastaba hala ekaayee waalidkey waxay go’aamiyeen in aan u bareero oo aan isku dayo in aan ka gudbo, haddii aan ka gudbi waayo ama aan ku dhintana ay ii soo duceynayaan oo ay quraan ii aqrinayaan.

-       Labada dhinacba, waa waalidkeyga iyo anigee go’aanku wuxuu ahaa mid adag oo naf hurnimo ah, wuuna xanuun badnaa bilowgiisiiba, in kastoo xanuunkaas aan dhadhamiyey inta aan ku dhex jiray tahriibka.

Sidii markii uu Muqdisho ka ambabaxaayeyba uu ugu rajo weynaa inuu nolol wanaagsan ka heli karo Kenya ayuu Axmed ugu hanweyn yahay inuu Yurub ka heli doono fursad uu noloshiisa ku hormariyo, qoyskiina wax ugu qabto oo nolol ka wanaagsan tan qaxootiga ay ku hungoobeen ugu abuuro.

Safarkii u dhexeeyey min Kenya, Ugandha illaa koofurta Suudaan wuxuu ahaa mid cabsi iyo welwel badan, balse halistiisa kale yareyd. Xudduuda Koofurta Suudaan waa lagu xiray Axmed iyo kooxdii la socotay, waxaa la weydiiyey in ay wax xoogaa lacag laaluush ah iska bixiyaan, kaddib waa la sii daayey oo way ka gudbiyeeny illaa ay gaareen magaalada Khartuun ee caasimadda Suudaan.

-       Nolosheena oo dhami waxay aheyd biimo, waayo afar dal xuduudahooda ayaa go’aansanay in aan ku gudubno si sharci darro ah, xuduudaha Kenya, Ugandha iyo koofurta Suudaan waxaan ku marnay lacago Laaluush ah, balse markii aan Khartuum gaarnay waxaan dareemeynay in aan u nimid dad kalgacaltooyo noo muujiyey, waa dadka reer Suudaan.

-       Ma dareemeysid in aad dhul shisheeyey joogtid marka aad Khartuum joogtid, waayo dadka iyo dowladdaba waa dad Soomaalida u hayaan kalgacaltooyo, inkastoo dallaaliinta na gudbinayey xaduudda Suudaan iyo Liibiya  ay ahaayeen kuwo naxariis daran oo na khiyaameeyey.

Markii ay ka safrayeen Khartuum una jiheysteen Liibiya, Axmed wuxuu la safray 15 kale oo dhalinyaro ah oo isugu jirtay Soomaali iyo Eriteriyaan, kuwaas oo kala ahaa 6 Gabdhood oo 4 ka mid ahi Soomaali ahaayeen iyo 9 rag ah.

Qof kasto oo ka mid ah Axmed iyo 15-kii la socotay wuxuu bixiyey $500, taas oo aheyd qarashka lagu safrayo illaa xaduudda Liibiya. Qarashkaasi kooxda qaadaneysay oo u badnaa Suudaaniyiin, balse ay Soomaalina la socotay, 16-ka tahriibayaal ee uu Axmed ka mid ahaa waxay u soo kireeyeen labo gaari oo an nooca Landcruiser, kuwaas oo marka lagu daro darawalka iyo min hal dalaal oo la socday midkiiba lagu saarnaa 10 qofood, ciriiriga dartiisna gabdhihii qaar way dawaqeen oo gaariga way ku matageen, kuna suuxeen.

Xilli 8-da fiidnimo ah ayuu safarkii ka dhaqaaqay Khartuum, waa berigii ayaana la keenay magaalo yar oo ay kooxdii dalaaliinta ugu sheegeen tahriibayaasha in ay joogaan Xadduudii Suudaan iyo Liibiya.

Meeshii ayaana lagu dejiyey dhammaantood oo kaddibna dhabe toobiye ah ayaa loo tilmaamay si ay u bilaabaan safarkoodii lugta ahaa oo ah mid aad u dheeraa, xanuun badnaa, halistiisuna aad u weyneyd.

Axmed iyo saaxiibadiisa tahriibka waxay lugeynayeen labo maalmood iyo labo habeen si ay u gaaraan xadduuda u dhexeysa Suudaan iyo Liibiya, taas oo ay aad uga xumaadeen maadaama ay khiyaameeyeen kooxdii waday ee dallaaliinta ahaa.

-       Askarta joogtay dhanka Xadduuda Suudaan way na marxabeeyeen, biyo ayey na siiyeen iyo cunto, kaddibna way noo ogolaadeen in aan iska gudubno, balse markii aan soo gaarnay jidgooyadii dhanka Liibiya ayaa na loo sheegay in aan xiran nahay, ciqaabtuna markaas ayey noo bilaabatay- ayuu yiri Axmed.

-       Xusuus ka qaraar tii xadduuda liibiya in ay isoo mari doonto u maleyn maayo, balse tan iyo markii aan ka soo barakacnay Muqdisho nolosheydii way jahwareersaneyd, mana aan helin fursad aan ku jiheeyo mustaqbalkeyga.

-       Liibiya wax kale oo aan ku sifeynayo ma jiraan, haddii aanan dhaheyn waa cadaab dunida korkeeda ku taalla, waayo markii aan nimid xadduudooda ayey noo bilaabatay cadaabta nolosha, askartaasi waxaan ku tilmaami karaa uun in ay ahaayeen naxariis laawayaal aan bani’aadamnimada aqoon.

-       Markii ay na qabteen askartii Liibiya ee xadduuda, waxaan ka fileynay in ay noola dhaqmaan sida kuwa Suudaan oo kale, balse inta ay na kaxeeyeen, noo sheegeen in aan xiran nahay ayey na kala sooceen raggii iyo gabdhihii.

-       Raggii waxaan aheyn 10, aniga iyo 9 kale, dumarkuna waxay ahayaayeen 6. Ragga waxaa nala geeyey teendho meel banaan ah oo saxare ah ku taalla oo kuleylka iyo siigada ay u dheertaya dabeyl indhaha dadka kala baxeysa oo ciidda hadba dhan u guuruurineysa.

-       Dhawr maalmood ayaa meeshii na lagu hayey, gabdhihii waa na laga watay oo waxaa lala galay meel aan meesha ka fogeyn oo xeyndaaban oo teendhooyin ku dhex yaalaan.

-       Maalin walba hal mar ayey askarta noo imaanayeen oo ay noo keenayeen wax aan cunno, biyo waan heleynay yar oo aan cabno ama ku dukano, walow aan na loo ogoleyn in aan qubeysano, meel lagu qubeystana aysan jirin.

-       Musqulo xitaa ma laheyn oo waxaan iska fadhiisaneynay banaanka la isugu wada jeeddo, sababtoo ah haddii aad fogaato askarta ayaa diideysay.

-       Gabdhihii na laga watay waa la fara xumeeyey, askar aan tiradooda ka yareyn 30meeyo ayaa isku dhaafdhaaftay, labo maalin iyo labo habeyn ayeyna heysteen si ay u faraxumeeyaan, waxaase noogu wada darneyd maalin ay noo sheegeen in aan baxeyno oo ay na fasaxayaan ayaa waxaa isla hadlay askartii iyo askar kale oo meesha meel u dhaw joogtay, waxay ka codsadeen in aan gabdhaha laga siideyn oo loo geeyo.

-       Waxaa naloo sheegay in gabdhihii loo wadayo xero kale oo ciidan oo ay joogaan dhawr iyo toban askari, kuwaas oo codsaday in ay iyagana gabdhaha markooda soo heystaan, waxba nalagama qarineyn oo waa naloo sheegaayay in gabdhaha la kufsanaayo.

-       Ciilka iyo calool xumada addun waxaa noo dheeraa in askarta ay aflagaadooyin noo geysanayeen, taas oo ay ka mid ahayd inaan nahay dad aan dowlad laheyn, dad aan cid daryeeleysa laheyn, in ay xaduudda ay ku go’ddoonsanaayeen ugu keennay gabdho aan cidi ka ceshaneyn, taas oo ay ula jeedaan gabdhaha Soomaaliyeed ee tahriibka ah.

-       Markii ay askartii kale gabdhihii soo fasaxeen oo ay noo yimaadeen gabdhihii oo aan u dhibaateysan, qaarkood xitaa aan socon Karin oo lugihii kala tageen ayey askartii noo sheegeen in aan nala siideyneyn haddii aan bixin wayno $500 qofkiiba. Naxdin hor leh ayey nagu noqotay, waxaan u sheegnay in aysan jirin qof lacag wadata.

-       Askarta Liibiyaanka caado ayey u aheyd arrintee waxay nagu yiraahdeen u sheega qoysaskiina in ay lacagta Soo dhigaan sharikad xawaaladeed oo ku dhex taala safaaradda Soomaaliya ee Liibiya.

-       Si aan dadkeena ula xiriirno oo ugu sheegno in nala heysto oo lacag nalaga doonayo askartii ayaa taleefoon noo keentay, sidii ayeyna qoysaskeenii nagula xiriirsiiyeen oo aan kaga codsanay in nalaga siidaayo askartan arxanka darran.

-       Qof walba lacag ayaa loo soo diray marka laga reebo gabar Eriteriyaan aheyd oo nala socotay, taas oo markii ay sheegtay inaysan lacag heli karin la garaacay kaddibna lala haray.

-       Inteenii kale ee 15-ka aheyd 2 maalmood oo dheeri ah ayaa meesha na lagu hayey si ay dadka oo dhan lacagta u soo diraan, markii la xaqiijiyey lacagaha oo dhami in ay xawaaladii yaalaan ayey na soo qaadeen askartii, waxay na keeneen magaaladii halkii ayeyna ka qaateen lacagtoodii.

-       Inta aan jidka ku soo jirnay, ayey gabar Soomaaliyeed oo ka mid aheyd kuwii sida arxan darrada aheyd loo faraxumeeyey ku dhex miir-daboolantay gaarigii, kaddibna iyadoo garaab ah ayaa la keenay magaalada halkaas oo ay ugu geeriyootay dhibaatooyinkii loo geystay iyo dhiig bixii.

-       Gabadhu waxay aheyd mid yar oo aan weli guursan, si xanuun iyo tacaddi badan leh ayaana loola dhaqmay, wayna u dhimatay tacaddigaas tartiis maalmo gudahood ayuu hadlakiisii ku soo koobay.

Axmed in uu Liibiya ka baxo waxay ku qaadatay 2 sano, waayo qoyskiisa oo uu ka sugaayey in ay u soo diraan lacagta doonta lagu raaco oo dhameyd $1200 ayaan weli u soo dhameystirin lacagtii uu ku bixi lahaa.

Labo sano kaddib markii uu fursadda u helay in uu badda soo galo, oo lacagtii ay soo gaartay waxay doontii waday ku soo xiratay marsaday Jasiiradda Lambadusa ee dalka Talyaaniga.

Durba Axmed iyo intii la socotay waxaa la geeyey xero lagu hayo qaxootiga cusub ee Talyaaniga yimaado inta xaaladahooda laga baaro oo ama la aqbalo ama laga diido.

Inta uu badda ku jiray wuxuu Axmed ka walwalsanaa in badda lagu qabto doonta oo Liibiya dib loogu celiyo, halkaas oo niyaddiisa aad u necbeyd, una qaaday cadaawad tiro badan iyo naceyb.

Markii doontii waday Axmed iyo 120 kale oo tahriibayaal ah ay soo gaartay Xaabta Lambadusa ayuu Axmed ALLAAH uga mahadceliyey inuu ka soo saaray Liibiya, wuxuuna niyeystay in riuyadiisii ay rumowday oo uu galay noloshii wanaagsaneyd ee uu ku taamayey.

Balse wax walba uma dhicin sidii uu is lahaa way noqonayaa. Talyaanigana waxaa uga horyimaadeen caqabado cusub oo hor leh. Wuxuu xaqiiqsaday in waxa uu ku taamayey iyo xaqiiqda uu u yimid ay kala yihiim labo marxaladood oo kala fog. Kaliya Talyaaniga cabsi in lagu dhibaateeyo ah ma taallo, balse hoy ma leh, shaqo ma leh, daryeel iyo xanaano ma leh, waa adiga oo ku socda haloosin muqdi ah oo kale.

Axmed waxay caqabad ka qabsatay kaddib markii saraakiil ka tirsan waaxda socdaalka Talyaaniga ay u sheegeen in uu soo cadeeyo Soomaalinimadiisa. Waxaa lagu yiri la imaw baasaboor, teesare ama wax kale oo ku cadeynaya.

Axmed weligiis ma yeelan baasaboor iyo teesare midna, karaka kaliya ee uu heystay wuxuu ahaa kan Iskuulka, balse isagiina wuxuu kaga soo tagay halkii ay deganaayeen qoyskiisa ee aheyd xeradii Xagar dheer.

-       Caqabaduhu way iska badnaayeen balse ma jirto wax ka xanuun badan markii lagu yiraahdo soo caddey jinsiyadda aad sheegatay oo haddana aadan heli karin meel aad ka caddeyso iyo si aa d u caddeyso intaba.

-       Aniga Af Soomaali waan ku hadlayey, balse wax ka badan oo caddey ah ma wadan, ciil ayey igu noqotay markii inta la igu yiri isa soo caddey kaddibna la iiga dhaqaaqay qolkii ay igu qaabileen. Meel aan ka bilaabo ma leh, si aan isu caddeeyo ma leh, qof I caawiyo ma leh, aniga iyo maskaxdeyda uun baa isku mashquulnay waana soo saarri weynay natiijo.

-       Markii aan talyaaniga imid 3 bilood ayaa laygu hayey xeradii qaxootiga, kaddibna inta la isiiyey ogolaansho in aan dalka ku noolaan karo ayaa magaalada la igu siidaayey, aniga in aan nolosheyda deberto ayaa la iigu baaqay, marka aad timaaddo dal islaameed oo aadan garaneyn meel aad noloshaada ka bilowdo way xanuun badan tahay.

Axmed markii uu muddo ku wareersanaa dalka Talyaaniga gudihiisa, ayuu go’aansaday inuu farihiisa dhaqo kaddibna dib isaga dhiibo dalalka Yurub ee qaxootiga qaabila. Daawooyin halis geliyey farihiisa ayuu ku dhaqay, kaddibna wuxuu iska dhiibay dalka Holland, halkaas oo uu ku guuldareystay inuu faraha qariyo.

Computerka ayaa farihiisa soo saaray markii uu is dhiibayba, kaddibna waxaa lagu soo celiyey Talyaaniga. Guuldarradaasi waxay gelisay niyad-jab xun, wuxuuna bilaabay inuu isla sheekeysto oo waqti badan kaga lumo fikir iyo walaac nololeed.

Dhawr bilood kaddib wuxuu haddana go’aansaday inuu aado Denmark, halkaas oo markii uu iska dhiibay sidoo kale farihiisa laga helay Talyaaniga inuu soo maray, kaddibna waa la soo celiyey.

Jarmalka ayuu tijaabiyey, wuuna ku soo guuldareystay, maaddaama si kasta oo uu u dhaqay farihiisa ay suurto gali waysay in ay ka qarsoomaan hab-ka faraha la keydiyo ee Yurub, kaas oo loogu talo galay in qaxootiga lagu xaddido in ay Yurub dhexdeeda isaga gooshaan.

Axmed oo muddo ka badan 12 bilood ku jiray hadba inuu meel iska dhiibo kuna fashilmayey ayaa wuxuu ugu dambeyntii tagay dalka Sweden halkaas oo lagula taliyey inuu ilmonimo isku dhiibo.

Axmed muuqaalkiisa waa mid ilmo oo kale ah, isagoo markii horeba jab yaraa ayaa daruufaha nololeed ee la dersay tan iyo markii ay soo qaxeen ayaa waxay ka dhigeen qof aad xayeesi u ah oo dhererkiisa xitaa oo is dhimay.

Sweden ayuu Axmed isaga dhiibay inuu yahay ilmo 13 jir ah oo aan waalidkiis la socon. Sababta oo ah Sweden qofka ka yar 16 jir sharciga ma qabo in faro laga qaaddo, sidaas darteedna Axmed maaddaama uu jirkiisii baaba’ay misena uu aad u jabyaraa waa laga yeelay inuu yahay 13 jir. Xilliga uu 13 jirka isku dhiibayo waa 24 jir, wuxuuna cimrigiisa ka jaray 11 sanadood daruufta nololeed ee qabsatay darteed.

Axmed wuxuu ka sheekeeyey noloshiisa Sweden, wuxuuna mar walba gocanayaa xaaladda uu ku sugan yahay oo ah mid uusan marna ku farxin.

-       Runtii waan ku guuleystay in aan isku dhiibo 13 jir, daruufaha i soo maray ayaana muuqaalkaas ii yeelay, hase yeeshee noloshu weli waa ciriiri. Sharcigii Sweden waan helay, qoysk Swedish ah oo iska fiicanna waan la noolahay, bulshada Soomaaliyeedna waan weheshadaa in kastoo aan ka dhuunto oo aan ka baqo in ay i arkaan dad i yaqaana oo i kashifaan.

-       Mushkiladu hadda ma ahan nolosha, waan iska wanaagsanahay dhanka nolosha, lacag yar oo aan reerka u dirana way is siisaa Islaanta aan la noolahay ee Swedish-ka ah, balse aniga oo 26 jir ah hadda ayaa dhex joogaa caruur Swedish ah oo 12 jiryaal iyo la mid ah. Mararka qaar aniga oo og da’da aan jiro ayaan la ciyaaraa gabdho yar yar oo 13 jiryaal ah, iyagii sidooda oo kale ilmo yar ayey imoodaan anigana nin qaangaar ah oo weyn ayaan ahay. Waa in aan caruurta la boodboodaa oo aan sidooda oo kale u dheeldheelaa, haddii kale waa la I weydiinayaa oo waxaa la I leeyahay yaa kaa xanaajiyey maanta.

-       Islaanta aan la noolahay waxaa guriga u joogta gabar 19 jir ah oo ay dhashay, gabadha aad ayey ii ixtiraamtaa oo ii daryeeshaa, waxay iila dhaqantaa sida wiil la dhashay oo ka yar, anigana in kastoo aan gurigooda ku joogo ilmonimo, haddana qalbigeyga wuxuu ii sheegayaa in aan ahay 26 jir.

-       Mararka qaar ay suuqa ii wadeyso oo wax ii soo gadeyso gacanta ayey iga qabataa, way iga dheer tahay una muuqataa in ay iga weyn tahay oo waa gabar korriimo sax ah heshay, balse xaqiiqda anigaa 7 sano ka weyn.

-       Marka aan guriga joogno mararka qaar qolkeedii ayey I geysaa, ‘Game’ayaan isla ciyaarnaa, waxay i dhahdaa ila soo seexo, oo shaki raganimo igama qabto, balse aniga dhibaato ayey igu tahay in aan gogosha ay ku jiifto dhinac ka jiifto, iyaduse naxariis iyo in ay aniga ii muujineyso wanaag uun bey ula jeeddaa.

-       Dharka la ii soo gado waa kan caruurta, waad u jeedaa sida ay iigu dhegan yihiin, daruufahan oo dhami wixii kalifay waa faraha iga yaallo talyaaniga, welina welwelka waan qabaa, oo haddii la ogaado in aan beenshaagay sharciga waa la igala noqonayaa.

Axmed wuxuu iskuul la dhigtaa cauur yar yar, duruusta la qaadanayana waa tii yaraantiisii uu Muqdisho kusoo qaatay oo luuqadda uun ay bedelan tahay, hase yeeshee marnaba  lagama dareemo inuu hore u yaqaanay duruusta oo wuxuu isku dayaa inuu macalimiinta dareensiiyo inuu casharka fahmay.

Axmed oo haatan 15 sano buuxiyey marka dhanka Sweden laga eego, da’diisii horena ay tahay 26 jir, waxaa inuu qaangaaro oo uu xor noqdo uga dhiman 3 sanadood, markaas oo uu ka bixi karo xanaanada Islaanta Swedish-ka ee heysata.

Axmed wuxuu fariin u dirayaa dhalinta Soomaaliyeed eek u taamaysa in ay tahriibaan, wuxuu leeyahay:

-       Qofka jooga Soomaaliya way adag tahay si loo fahamsiiyo tahriibka inuu dhibaato weyn yahay, anigaba la igama dhaadhicin karin, balse waxaan u sheegayaa tahriibku waa cadaab, waa ciqaab, in badan ayuu qofka tahriibay sillac la oynayaa, dhibaatooyin aan xisaabta ku jirin ayuu wajahayaa, waa aniga reer curadkoodii ah oo haatan dib ilmo u noqotay oo koriimo kale bilaabay xilligii aan qoyskeyga wax tari lahaa, sidaas darteed qofkii war iga maqlayow ha tahriibine dalkaaga jog, iskana iimaanso si aad ugu soo dhex dhicin bohosha aan maanta ku jiro oo kale. Ayuu Axmed sheekadii ku soo af meeray.

Haddaba, maadaama uu tahriibku leeyahay inta dhibaato ah, maxaa nala gudboon anaga, shacab ahaan, dowlad ahaan iyo shakhsi ahaanba, si loo baajiyo in ay dhalinta Soomaaliyeed ku dhacaan halistaas saxariirta ka soke ay dheg xumada iyo nolol xumada u dheer tahay.

Wixii talo, dhaliil iyo ammaan ah ku soo hagaaji Abukar.albadri@gmail.com

Maxay ka simanyihiin xoolaha & Tijaarul-xarbiga Soomaaliya?
Markasta waxaa la dhaleeceeyaa Qaar katirsan Bulshada Soomaaliyeed ,waxaana inta badan arintaas mutaysta Siyaasiyiinta,Odayaasha,Aqoonyahanka, balse waxaa arinta dhaleecaynta laga reebaa kuwa loo yaqaan Tijaarul-xarbiga. Dadka magacan leh waxay ka koobanyihiin rag & dumar intaba waxaase aad u badan raga,dadkani da,dodu Waxay u dhaxaysaa 25-50 sano degaan ahaan waxay u badan yihiin dalalka Kenya,UAE,South Africa,Tansania,Ugandha waana dalal aan kafogayn Soomaliya intooda badan.

Hadaba maqaalkeena aan ugu magac-darnay maxay kasiman yihiin Xoolaha iyo Tijaarul-xarbiga Soomaliya ayaan jawaabtiisa soo koobi karnaa dhowr qodob oo ay iskaga egyihiin ,waxaana ugu horeeya inaysan ka fekerin waxa berito dhici kara, inay iska daaqaan hilibka,dhuuxaan lafaha dadka,beec geeyaan waxay indhahoodu qabtaan dad iyo duunyaba,waxay kaloo xoolaha kaga egyiin dhereg la’aanta,waxaana intaas oo dhan cadayn u ah inaan weli la hayn shaqsi ganacsade Soomaliyeed ah oo kadamqanaya bur-burka dalkiisa gaaray iyo nolol xumada ka muuqata shacbigiisa.

Wuxuuna dalka yimaadaa isagoo dhuumanaya wuxuuna ka baxaa isagoo dhuumanaya. Wuxuuna farxad bilaaba marka uu kulaabto dhulka shisheeyaha wuxuuna murugoonayaa inta uu dalkiisa joogo. wuxuuna ka murugoonayaa inuu dib-ugu noqon waayo halkii uu kasoo tegey balse xanuun kuma hayo waxa kasocda dalkiisa.

Qaar kamid ah waxay Xamar yimaadaan iyagoo wada qorshe ay ku majaxaabinayaan maamulka halkaas kajira waxaana xiligaan Muqdisho kusugan koox ganacsato ah kana shaqaynaya sidii ay u bur-burinlahaayeen nabada iyo Xasiloonida kajirta dalka Soomaaliya.

Kooxdan ayaa marka ay dalka tegayaan waxay ku sheekaynayaan inay u yimaadeen inay heleen qandaraasyo hawlana kafulinayaan dalka, balse taas bedelkeeda waxay ku dhaqaaqaan inay abuuraan khal-khal siyaasadeed & iskahorkeenista shacbiga dhibaatadu dilootay.

Kooxdan ayaa hada waxay kusuganyihiin magaalada Muqdisho waxayna hawsha ugu badan kawadaan sidii ay iskaga horkeeni lahaayeen,qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka ayna u abuuri lahayeen fowdo cusub.

Hay’adaha Amniga ee baacsanaya Alshabaab waa inay ku daraan qorshahooda sidii ay ula dagaalami lahayeen Tijaarul-xarbiga.Hadii aad horey u moogayd hadaan kuusheegnay ee lasoco damane hanoqon, hana u damqan Dhurwaaga hasha iyo nirigtaba cunaya.

La dagaalanka tijaarul-xarbigu waa qayb- kamid ah in la helo amaan iyo kaladambayn, hadiise loo turo lagana doonto waxoogaa sandareto ah walee waxbadan ayey halayn doonaan.

Suldaan Ali Abdulahi Hassan

Sweden / Västerås

TUUG KU DHACAAYA MA U CIIDAMISAY!!
Maalmahaan hadal heynta,warbaahinada soomaalida&

generic viagra

Dadka soomaalidaba har&habeen,goob kasta& goor kasta,waxa ugu horeeya oo aad maqleeysida ama dhagahaaga ku soo dhacaaya waa Kismaanyo maxaa laga soo sheegay?arinta kismaanyo waxeey noqotay xasaasiyad&xiisad kacsan,oo ka jirta guud ahaan Dalka soomaaliya& Dadka soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa&Dibadiisa ay si aad ah u hadal haayaan.

Maalintii Axada oo ay Taariikhdu eheyd,07/04/13,ayaa shir(kullan)oo ay soo agaasimeen jaaliyada Beelaha Hawiye ee ku nool dalka  Britain(UK),ayaa lagu qabtay Magaalada London,xaafada Wambley,ujeedada kullankaas ayaa ahaa mid lagu taageeraayo mowqifkii dowlada federaalka ay ka qaadatay maamul u sameyntii boobka ahaa ee jubooyinka,iyo cambaareyn la cambaareynaayay kooxda burcad-dhuleedka ku shirsan kismaanyo.

Beelaha Hawiye oo ah beelaha ugu tunka weyn Burcad-dhuleedyada ka jira Soomaaliya,si aysan keli ugu noqonin darteed,oo raba in ay khaldaan ra’yi caalamka,sawir fiican sameeysanaaya,si aan loo dhihin burcad-dhuleednimada idinkaa nooga badan darteed,ayey soo xot-xoteen Ashkhaas sheegta in ay yihiin siyaasiyiin,aqoonyahano,madax-dhaqameedyo&waxgaradka jaaliyada qowmiyada Dighil&Mirifle ee ku dhaqan wadanka UK,ayeey safafka hore ee kuraastii,yaalay goobta shirka soo fariisiyeen,kuwaasi oo caadeestay hor-boodka jaaliyada D/M ee uk,taasi waxaa ka daran oo ah afka-shanta saar noqoneeysa,Maalintii khamiista oo ay taariikhdu eheyd 04/04/13,ayeey ugu baaqeen guud ahaan jaaliyada D/M ee ku nool UK,in ay ka soo qeeyb galaan,kullan loogu tashanaaya sidii Baroor-diiq loogu sameyn lahaa,marxuum halyeey,Dulmi-diid col,Dr,xasan Ma’ed Nuur(shaati-guduud),oo dhawaan ku geeriyooday dalka Jarmalka,si heer-qaran ahna loogu aasay magaalada Baydhabo,balse baaqoodaasi ma ehayn mid waafaqsanaa runta&xaqiiqada markii goobtii kullanka la isugu yimid oo ahayd(BlueOcan) ay kasoo jeediyeen Ajandihii meesha loo yimid mid aan ahayn,ayayy goobtii kasoo jeediyeen,kaas oo ahaa in maalinta Axada oo ay taariikhdu tahay07/04/13,in si wada jir ah loo qaban doono kullan balaaran,oo ay wada qaban doonaan Jaaliyada beelaha hawiye&tan qowmiyada Dighil&Mirifle ee UK,shirkaasi oo lagu taageeri doono mowqifkii Dow.fe.,ay ka qaadatay jubooyinka&cambaareyn loo jeedinaayo kooxda burcad-dhuleedka ku shirsan kismaanyo.

Goobtii waxaa ka dhashay sawaxan,buuq & doodo aad u kul-kulul oo xasaasi ahaa,ayaa oo ku wajahneyd sida ay suurta gal u noqoneysa in Beelaha Hawiye oo ah Burcad-dhuleedyada ka jira dalka ay iyaga ugu horeeyaan,damacoodana aan weli katanazulin,oo xasuuq,boob iyo wax walba oo xumaan ah ku haaya dadyowga ku nool Gobolka asal ee Sh/hoose,&xasuuqii Bay&Bakool ay ka geysteen oo weli aan lagu xisaabtamin sideen ula bahoobi karnaa,walaalayaal(Hilmaan dhawidiinaa ma………………

iyadoo intaasi dhibaatooyin ah jiraan,runtii goobtaasi(blue ocean)hadalo aad u kul-kulul ayaa ka dhacay,kaasi oo abuuri karo kala fogaansho Dighil&mirifle ka dhax dhaca,shakhsiyaadkaasi waxa ay ku adkeysteen dhagahana ay ka fureysteen,hadaladii goobtaasi lagasoo jeediyay,iyagoo ku adkeystay ka qaybgalka shirka maalinta Axada 07/04/13 ee ay soo qaban-qaabiyeen beelaha Hawiye,shakhsiyaadkii ku faanaayay (Anii wal eh) waxay kalasoo hoyden waji-gabax&ihaano.

Ugu dambeyntii Golaha Dib u xureynta(Asal Re-libration movement) waxa uu ugu baaqayaa shakhsiyaadkaasi in ay dhowraan,ilaaliyaan midnimada aadka u jilicsan ee Dighil&Mirifle,ayna ka foojignaadaan,kana fogaadaan waxkasta oo sababi kara ismaandhaaf ka dhax dhasha qowmiyada D/M,dhexdeeda.

(Silence say’s wrong)!.

Lecturer,Ali abdi Abucar(BAAB)

Madaxweynaha Asal-land state of Somalia

Safarka Raiisulwasaare Saacid Muxuu Xanbaarsan yahay?
Waxaa dalkeena soo maray dawlado farabadan waxaana hogaanka u qabtay rag kala duwan oo aan dhihi karno waxay kukala duwanaayen Shaqsiyada Aqoonta Dareenka wadaniyadeed,& Hawlakarnida intaba, waxaana filayaa dalkeena waxaa loo dhisay ugu yaraan 5 dawladood

Waxayna ahaayeen intooda badan dawlado KMG ah. Madaxdii dalkeena soomartay ayaan idin xasuusinayaa, Raiisulwasarihii ug horeyey Wuxuu ahaa Mudane Abdulahi Iise Mohamud, waxaana ugu danbeyey Abdi Farah Shirdoon (Saacid) waxaana udhexeeyey Shaqsiyaad farabadan. Madaxdaas qaarkood waxaa lagu xasuustaa wadaniyad, qaarkood dhisme iyo horumar dalka ay gaarsiiyen, sidoo kalena qaar ayaa

Lagu xasuustaa dhibatooyin iyo hagardaamo ay u gaysteen dadkooda iyo dalkoodaba.

Shaqsi kasta waxaa sheegaya taariikhda wuxuuna dhaxlaa waxqabadkiisii xumaan & samaanba, waxaana hada hawsha maamulka dalkeena majaraha u haya Mudane Raiisul wasare Saacid,oo ay dad badani kutilmaamen shaqsi waxqabad iyo dareen wadaniyadeed leh,in kalena ay kutilmaameen shaqsi jilicsan oo ilaashanaya mansabkiisa waxqabad muuqdana aan lahayn.

Labada qaybood ee aan kor kusoo sheegnay waxaa xoog badan koxda kudoodaysa inuu waxqabad fiican leeyahay, waxaana laga garan karaa

Shucuurtiisa xiliyada uu booqanayo gobolada dalka, wuxuuna u egyahay Madaxdii hore ee soomaliya xiliyadii dalku nabada ahaa.  Booqashadii Saacid ee Maamulka Puntland markaad fiiriso, hadana aad dhinac dhigto kuwii kahoreeyey waxaa kuusoo baxaysa inuu kalsooni

Muujinayo, maamulka degaanadaasina waxay u qaabileen si aan laqiyaasi karin  waxaana loosameyey hab maamus heer sare ah.

Shaqsigu inuu haybad leeyahay maamulkana uu hogaan uyahay waa inuu isku arkaa, hadiise uu isku arko shaqsi waqti yar shaqaynaya ee aan

Dhabar adayg badan muujinayn waa midaan waxtar fiican lahayn. Safarada xiligan uu dalka kumarayo mudane Saacid waxay u muuqdaan

Kuwo lagu abuurayo jawi Maamul iyo Nabadgelyo intaba.

Socdaalada Saacid ee lagu baadigoobayo horumarinta Maamulka Federaalka ee xiligaan ayaa u muuqda mid dar-dar kusocda, bisha marso     Keliya ayuu booqday ugu yaraan 6 gobol waana rikoor aan waayahan raiisulwasare soomaliyed samayn. wuxuuna mutaysan doonaa shahado Sharaf.Socdaalka Saacid iyo Sare uqaadista Maamulka Federaalka kudhisan waxaan kutaageeraynaa labada gacmood.

Madax Jawhar & Kismaayo wada booqata goorma ayaa noogu danbaysay,waxaana filaynaa in maalmaha soosocdana labooqan doono

Gobolada Togdheer & W/Galbeed. waxaana u rajaynaynaa Raiisulwasare Saacid guul siyaasaded, kooxda lashaqaynaysana waxaan ugu

Baaqaynaa inaysan bar-barkooda kabixin kubadu.

Suldaan Ali Abdulahi  Hassan

Sweden/ Västerås