Baidoa Media Center » Suugaanta
Daawo Sawirada fanaanada da’da yar Farxiya Kabayare oo soo bandhigtay uur ay leedahay.
Fanaanada da’da yar ee Soomaaliyeed, Farxiya Kabayare ayaa soo bandhigtay sawiro muujinaya inay leedahay uur dhowr bilood ah kadib markii ay guursatay 7 bilood ka hor.
Fanaanada oo ku dhaqan Waqooyiga Ameerika ayaa kusoo bandhigtay bogeeda internetka ee Facebooka sawirada muujinaya uurkeeda ayada oo aad ugu faraxsan.
Fanaanada iyo syegeeda Faarax Akhyaar ayaa sugaya ubadkoodii ugu horeeyay taasoo ka dhigaysa Farxiya Kabayare markii ugu horeysay oo ay uur yeelato.
Gabay cusub: Daryeel Shacab by abwaan Galayr. Waa gabay qiira wadaniyad leh.
Gabaygan waxaa uu ka turjumayaa Muhiimada Maamulka iyo dowladnimadu leedahay  iyo inay tahay arrin daruuriya oo sida qofku ugu baahan yahay, Cuntada,Biyaha iyo Hurdada uu ugu baahan yahay, Maamul iyo nidaam iyo kala dambayn inuu helo meel kasta uu joogo.
1.   Deelka gabayga, diiwaan murti leh, Dedan wax loo sheego
2.   Dan ka hadalka, doodii waxtara, Daacad  lagu taaro
3.   Damal geeynta, xaajada delegan, Duqayda loo saaro
4.   Dacwadeedu goortay dhacdana, La iska daaweeyo
5.   Dakanadii horaatana la dhayo, Daanadiyo boogta
6.   Diyo iyo wanaag lagu dabaqo,Ddeeble laga dhiibo
7.   durtaba saamax laga qaatee, Duco la raacsiiyo
8.   Dabkii baxayey baa lagu danshaa, Dirir colaadeede
9.   Dadkii kala durkaa lagu helaa, Dib u heshiintoode
10.Dirirkeedii suugaanta waa ,Daawo dhalinteede
11.Difaacii xumaantay ahayd , Doorka nabadeede
12.Dayr iyo gu’ dayey ahayd, Doog ka soo baxa e
13.Dalo iyo waxsheeg bay ahayd, Daacad loo hura e
14.Darka ceelka iyo bay ahayd, Dawlis aan go’ine
15.Dalaalimo wanaageey lahayd, Lagu daryeelaaye
16.Dugsi iyo aqoon bay ahayd, Lagu dareeraaye
17.Dayax nuurayiyo bay ahayd, Dab u iftiimaaye
18.Deegaan barwaaqay ahayd, Lagu dalxiisaaye
19.Doodeeda anigoo xidhoo ,  Daayey gebibeedba
20.Ayuunbaa durbaan lay tumay, Aan ku diirsadaye
21.Da,yartii dalkaygaan arkayo, Door ka soo baxaye
22.Niman danaha guud wada  ayaa., Daayin soo diraye
23.Diiwaanka ruuxii galaa, lagu daraasayne
24.Dariiqyadi xidhnaan jiray, raggaa layrarka u daaray
25.Ee nabadda  doonaaya iyo ,Dowladnimadeeda
26.Inaad dacal istaagan rabaa  ,Dood u mariyaaye
27.Dadku inuu nabdaan doonaya, Dib u heshiiyaaye
28.In dagaalka laga joojiyo, Dirirta naafaysay
29.Degelki burburey doogsadoo, Doogtii laga reeysto
30.Oo dabaqdheer laga dhisiyo ,Duni iftiimaysa
31.Oo daacad loo dhaqo shacbiga, Dacaladeed yaala
32.Dugsiga islaamkiyo la furo,  Door aqooneedka
33.In la daayo xumahaan rabaa  Samo la doonaaye
34.In dedaal waddaniyeed lagalo, Duunyo lagu doonin
35.Ama daraja iyo magac la rabin Daacadnimo uuna
36.Oo deeqna lagu sii baxshaan  Doonayaa abide.
37.Duqaydiyo caruurtaan rabaan Inaan dugsiinaaye
38.Dhalinta iyo dumarkaan rabaa, Inaan daryeelnaaye
39.Dadkaygoo dhan baan doonayaa , Inaan u duubtaane
40.Inta ruux damiir laan rabaa, Inay dareemaan
41.Intaas waa danti guud dadyahaw ,Lagama dayrshaane
42.Bal aan dulucda hoosiyo u dego, Ararta duubkeeda.
43.Dadkuna waa xigaaliyo duriyad, duudii soomaale
44.Danta lama huraan, waa dalkiyo,  diinta eebahaye
45.Dadkuna waa kuwii loo diraye , daayacayn abide
46.Dalkii waa kanoo dowladnimo , Laysku wada diidye
47.Nin waliba halkuu dego hadduu, Daacad u ahaado
48.Oo dayrtoo oo maamul iyo ,Doorsan ka abuuro
49.dadweynihiyo shacabkaa degani helo, Daryeel fiican
50.Miyaa laysku diidaa dunidu, Way ku socotaaye
51.Dakanadiyo dhiiladii horiyo, Dirirtaan soo dhaafnay
52.Dura waxii la soo maray dad, Weli doonayaa jira e
53.Darsi umaysan noqon  daanadiyo ,Duulankii hore
54.Dambiyadii Shalay doonayaan, Door labaad kale
55.Diin ruux ka been sheegaya,Damac hubaalaysan
56.Isku duubni ruux diidanoo ,Beelnimo u duuban.
57.Dibindaabyadii hore mid  fali ,Weli  dariiqeeda
58.Mid uun dooni duul wada dhashay, Diradireyntooda
59.Deegaanka Soomaaliyeed ,Deyr ku kala oodi
60.Miyaa ruux damiirliyo, dal jire ,Weli ku doodaaya.
61.Federaalku waa daano iyo ,Dabin gumaysaade
62.Waa inaan dib loo arag midnimo, Lagu dakayeeye
63.Waa inay difaac kala galaan, Deriska deegaane
64.Waa inaynu duulaan mar kale, La is duqeeyaaye
65.Waa iney dadkuna kala durkaan, Dirir Bilowgeede
66.Ninkii dowlad Soomaaliyeed ,Diiday maqalkeeda
67.Ee dano qabiil doonayoow ,Daalin baad tahay
68.Dersi nimaan ka baran daqaradii ,Gaadhay baad tahaye
69.Dood ruux qaboo weli darxumo, Doonayaa tahay
70.Dabka aad shidaa daalinoow, Wuu ku diliyaaye
71.Dabinkaad xidhaa dirdiroow, Waad ku dagantaaye
72.Daleeshaad dhigtaa xaajada, Ku darnaan abide
73.Darajiyo wanaag laguma helo, Docodocayn jaane
74.Allow yaa dar bay tuban tahaye, Dib uga soo foofsha
75.Allow yaa dubihii shalay ku dhacay,Daawasho u geeya
76.Allow yaa darxumadey mareen, Dib u xasuusnaada
77.Allow yaa digtii iyo damtii, Dirirta maantoole
78.Ee danabyadeedii midh tirey, Daaya  garansiiya
79.Naga daaya duul kala saftiyo, Dacarta laaqeeda
80.Oo dowladnimo waa jannee, Doona hadafkeeda.
81.Damal iyo hadh weeye dugsiga, Noloshu ay taale
82.Isku duubni guul weeye ,Doona Qarankeena
83.Danbi maaha ruux ii dantiyo ,Dowlad curiyaaye
84.Kuwa duubtay maantoo dedaal, Guula weeyaan
85.Haka daalinaan odhan lahaa waa, La degayaaye
86.Waxba gabaygu yuu ila durkine ,Waxaan ku soo dayray
87.Naftu waxay dareentaa dadyahaw ,Dowladnimo weyne
88.Dadku waxuu gaajaysan yahay ,Maamul daacada,he
89.Dantuna waa dadkoo wada dega ,Oon lays durayneeyne
90.Allahayoow adigaa daayimaoo ,Cidi ku diidayne
91.Adigaa  dunidan weyn iska leh  ,Dood lagaa geline
92.Rabiyoow dadkaagaan nahaye ,Nabad na daawaysa
93.Darxumada na haysiyo rabiyo ,Diifta naga qaada
94.Naga dami dabkaan iyo danbigay ,Gaadhay dunidoo dhan
95.Ilaahay degani noogu deeq, Dowladnimo taam ah.
96.Ducada naga Ajiib Daahiroow,Daacad baan nahaye
97.Dadkaagaan nahaye daayimoow , Diinta nagu toosi !!!
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Daawo qaybta 2aad riwaayad Maay ah.
Riwaayadaan ayaa waxaa dhawaan lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxa ayna ka turjumeysaa dhibka ay leedahay in jidka loo galo dadka safarka ah ama socotada ah lana dhibaateeyo ayada oo laga furanayo hantidii ay wateen.
Jilayaasha riwaayada ayaa qaar waxa ay yihiin fanaaniin horay uga tirsanaa kooxdii Arlaadii ee ka dhisnayd gobolada koonfurgalbeed Soomaaliya halka qaarna ay ku cusubyihiin saaxada jilitaanka iyo fanka.
Qaybta 1aad ee riwaayada ayaad ka daalacan kartaa wejiga hore ee websiteka baidoamedia.com ayada oo aad sidoo kalena ka daawan kartid youtube chanelkeena ah http://www.youtube.com/user/baidoamediatv?feature=watch
Baidoa media.
Fanaanka Shiine Aqyaar iyo fanaaniin ajaanib ah oo soo gaaray magaalada Muqdisho.
Fanaanka kooxda Waayaha cusub ee Shiine Akhyaar iyo koox fanaaniin ah oo ajnabi ah ayaa waxa ay maanta soo gaareen magaalada Muqdisho.
Fanaaniinta la socotay Shiine Akhyaar ayaa waxa ay kasoo kala jeedaan dalalka ay dagaaladu ka socdaan sida Mali, Ciiraaq, Afgaanistaan iyo kuwo kale.
Shiine Akhyaar oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay Muqdisho usoo gaareen sidii ay bandhig faneedyo ugu qaban lahaayeen magaalada.
Fanaaniinta maanta soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Banaadir.
Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyayba waxaa soo gaarayay fanaaniin Soomaali ah kuwaasoo bandhig faneedyo ku qabanayay magaalada maadaama uu xaalka amni ee magaalada soo hagaagayay mudooyinkii ugu dambeeyayba.
Baidoa media.
Maansada Dardaaran: By Cabdiraxiin Hilowle Galayr‏
Maansadan Dardaaran waa Maanso waano iyo waayosheeg ah, waa maanso farriin ah oo la hadlaysa guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo dhan, Madax iyo shacab, Mudane iyo Marwo, Waa maanso aan is idhi waxay waxtar iyo talo u noqon doontaa dhallinyarada, waxay xusuus iyo caqlicelin u noqondoontaa waayeelka, waxay tusaale iyo tusmo u noqon doontaa dadka qaybahooda kala duwan. Haddaba anigoo hordhaca Maansada kugu daalin waa tane Boggasho wacan
Maansada Dardaaran
Dambarsame hooray
Cirkoo da’ay maalmo
Nin dayr cad u joogo
U daaqana Geelu
Dambarka iyo Dhaayda
Maggow dihinkeeda
Lis iyo dararteeda
Dirkeed nin yaqaanna
Doobbuu ku lisaaye.
Suugaan dirirkeeda
Dawiyo nabad doora
Duciyo sama doona
Dardaaran adduunyo
Dantaada haddeera
Daartaada dambeeto
Digniin ku faraysa.
Haddaan dulucdeyda
U soo dego haatan
Dadbaa jira heedheh
Ku duufin habaabin
Ku doorin adoo dhan
Ku duugi hadhkiiye
Midbaa ku dilaaya
Dantiisana mooda
Midbaa ku duraaya
Dood fiican u haysta
Ka dayr dhegahaaga
Daymoona hortaada
Gadaal ha ku daalin.
Daryeel danahaaga
U duubo naftaada
Danee noloshaada
Xumaanna ka daahir
Difaacna wanaagga
Dalee socodkaaga
La duulna filkaaga
Ku dooro dadkaaga
Dareenka aqoonta
Damiirka wanaagsan
Dabeecadda fiican
Wixii danni keena
Naftaada damqaaya
Ka dool waligaaba.
Dan waa dabar heedheh
Ha diidin nasiibka
Ha doorin hankaaga
Haa doojin dabaylo
Hawiyo damac beena .
Haddaad dacwad faafin
Diin aad dad barayso
Daliil cad u keenso
Qofkii kugu diida
Dudmada ka ilaali
Danseeg ha ku sheegin
Dambiile dullaysan
Docdaad ka filaysay
Hadduu ka didaayo
Doc kale kaga kaalay.
Deegaanka agtaada Derisyo Ehelkaaga
Darxumo ha ku eegin
Daab weyn ha u qaadan
Dagaal ka ilaali
Ha dilin gacalkaaga.
Diif iyo dibindaabyo
Agoonta dalkaaga
Dugsi cilmi haysan
Dawiyo Dhakhtar haysan
Dudiyo aqal haysan
Dayaca u dhammaatay
Wuxuun ugu deeqa.
Haweenka daneeya
U dooda xaqooda
Ka dayra dhibaato
Diciifna ha moodin
Door weeye habboone
Dirkeena dad oo dhan
Dunjiga Ilma Aadan
Dunida cammiraaya
Kuwii dihday weeye
Dushoodana saaray
Digtoor wax is mooda
Halyeeyga la doorto
Geesiga diriraaya
Deeqsiga lagu faano
Ugaaska la duubo
Wadaad digriyaaya
Hooyaa dad ka yeeshay
Tafteeda ku duubtay
Ducana ugu laabtay
Marwaa ka danbaysa
Daboosha xuntiisa Daryeesha dhibkiisa Daaraysa Ifkiisa
War hooy dumarkeena
Diihaal ka ilaalsha
Ayaan la dagaalin.
Dalkiyo dhinaciisa
Haddaad mar ka duushay
Deegaan kale joogto
Haddaad ku danbayso
Dal waa ku dadkiise
Dowlaa wax taraysa
Dadkuna ka sugtaaye
Haddii dahnigaagu
Dubaaqu ku siiyey
Dambaad ku jirtaaye
La duubo dadkaaga
Ku deeq cilmigaaga
Ku deeq hantidaada
Ku deeq caqligaaga
Ku deeq kartidaada
Ku deeq fahankaaga
Ku deeq cududdaada.
Dadoow caqli maaha
Dowlaa wax dhisaysa
Ku daawo dhankaaga
Haddaadan dantaada
Intaad yar daboosho
Tan guud ku daraynin
Dhulkeenna dakaamay
Dushiisa xalaynin
Dorraato ka dhawrin
Waxaan la dayoownay
Duul meel kale jooga
Wallee dayaceena
Ma doorin karaane
Dadoow is xasuusta
Dalkiina daryeela.
Dadyahow hadafkiina
Dir sooca ka saara
Waxaad dura eedday
Duumaale ku xaaqay
Dubbihii dumintaada
Dadkaaga dhammeeyey
Dalkaaga ka reebay
Dadyoowga adduunka
Dirkii hebel weeye
Anaa ina duur ah
Dir Aarka Libaaxa
Intaad iska dayside
Daliilka Kitaabka
Culuumtiyo Diinta
Intii Daayim sheegay
U daaya qabiilka
Waxaad ku darteena
Dadoow iska daaya.
Danaystaha diida
Daneeyaha doona
Dulmiilaha doorsha
Kan daacada doorta
Danguud u adeega
Dareen ubadkaaga
Damaaci xumaale
Inuu dab u dhiibo
Ayuu dan bidaaye
Ninkii dersi maalin
Dadkeena barayaa
La duubta dhankiisa
Ninkii dahabkeena
Macaadinta duugan
Dad kale ka gadaaya
Ninkii degelkeena
Dantiisa ka doorta
Digtooni ka yeesha
Dadoow warxumaale
Ma doorshe la doorshay
Dambuun daldalaaya
Dadkiisa xumeeya
Dambaabidhe keena
Belaaya daneeye
Dirkiisa ha eegin
Durriyad ma wadaagno
Ninkii na dilaaya
Danaystiyo tuugga
Dadkuu xige maanta
Naftaada dilayaa
Dalkaaga gubaaya
Durbaan ha u qaadin
Dartii ha u doodin
Ceebtiisa ha duugin
Ha dedin xumihiisa
Dardaaran xaq weeye
Dadoow iyo waano
Naftiina la doono.
Bal daawo dalkaaga
Waxaa bad ku dayrin
Webiyo durduraaya
Bal daawo dalkaaga
Waxaa deleg buuxa
Ee Daa’in ku beeray
Bal daawo dalkaaga
Waxaa dhir dalaysan
Dushiisa ka taagan
Bal daawo dalkaaga
Mawaashiga duunyo
Lo’deena dawaysan
Adhiga dacal buuxa
Waxaa dayrcad jooga
Doobiga lagu maalo
Dar aan qalanayno
Bal daawo dalkeena
Duurjoogta Ugaadha
Wax Cawl iyo Deero
Dameer Farow buuxa
Biciid dananaaya
Bal daawo dalkeena
Qaboow ku dilaaya
Kulayl ku damqaaya
Diraac iyo Deyrta
Duggaa arki maysid
Bal daawo dalkeena
Waxaa nimco daadsan
Galleydiyo Diirta Sarreenka dalkeena Intaan iska diiddo
Intaad Dubeey aadi
Dalkaaga ku beero
Intaad dibad raadin
Ku daarinna Buufis Ku daah degelkaaga
Intaad wax dilayso
Dullaab ka ahaada
Intaad duminayso
Dhiskiisa u duubo
Dedaalka nafteena
Dalkeena dhisaaye
Duqayda haddeeriyo
Dhallinta daba joogta
Da’ yarta dhalanaysa
Dhegtii u daloosha
Dardaaran galaaye
Dantiinna ogaada
Dalkiina ogaada
Dadkiina ogaada.
Cabdiraxiin Hilowle Galayr Galayr1977@hotmail.com
Daawo muuqaal fanaanka da’da yar ee Mursal oo khaati ka taagan dad magaciisa adeegsada.
Fanaanka da’da yar ee waayadaan dambe heesihiisa laga daba dhacay, Mursal Muuse Cumar ayaa waxa uu ogeysiis u diray taageerayaashiisa iyo dadka xiiseeya fankiisa isaga oo sheegay inay jiraan dad si aan sax ahayn u adeegsada magaciisa islamarkaasna isku ekaysiiya inay yihiin isaga kuwaasoo aalada internetka gaar ahaan Facebooka ka furtay akoono sidaasna dad badan oo taageerayaal ah ay kusoo xirmeen.
Mursal Muuse Cumar, fanaanka Soomaaliyeed ee codka macaan ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay inay ayana jiraan dad si khalad ah u adeegsada magaca xaaskiisa Khadra oo ayana ah fanaanad kale oo ay heesaheeda si weyn u jecelyihiin dadka Soomaaliyeed.
Hadaba Mursal ayaa sida aad ka daawan doontaan muuqaalka hoose waxa uu si sax ah ugu sheegayaa asxaabtiisa iyo taageerayaashiisa cinwaanada saxda ah ee uu isaga leeyahay iyo sidoo kale midka ay isticmaasho xaaskiisa Khadra Silimo.
HOOS KA DAAWO OGEYSIISKA FANAAN MURSAL MUUSE CUMAR.
Baidoa media.
Afka Hala oontiro!‏
Aan ku billaabee, Soomaalidu waxay si toos ah u dareemaan baahida afka, markay qurbaha iyo waddamada dibadda yimaadaan ama mararka ay joogaan goobaha waxbarashada, ee intuu galo Maktabad, ama kaydka buuggaagta ay indihiisu qaban waayaan wax afkiisa ku qoran.
Waxaa kaaga sii daran marka ay joogaan wadamada ay hayaanka iyo barakaca ku tageen ee Galbeedka, waxaa qasab iyo sandulle lagaga dhigaa inay bartaan afka waddanka ay ku nool yihiin, iyadoo qaarkood loogu hanjabo haddey baran waayaaan in lacagta kaalmada ah ee la siiyo laga goosan doono, xilli walba oo uu gooyo barashada afka waddankaas.
In kasta oo ay aad u yar yihiin inta isku hawsha barashada afkeena hodanka ah, dhigmo iyo dhiwaqiisa, dhigaalba, dhaqan iyo hiddaba, suugaan iyo sooyaalba, oo dad badan u arkaan wax aan faa’iido laga gaarayn, balse ah, aragti gaaban iyo aqoon darro uu ka arradan yahay afkiisa.
Haddaan usoo dego ujeedka qormadayda, ayaan doonayaa inaan waxoogaa kaga hadlo shirkan lagu suntay af iyo eray bixin, aysanna ka marnayn in la soo bandhigi doono Qaamuuskii ugu weynaa ee abid ee laga qoro Af Soomaaliga, shirka waxaa lagu casuumay Madaxda Gobollada Shanta ahaa ee Soomaaliya.
Sida ay sheegeen raggii mudada dheer ka shaqaynayay qoritaanka Afka Soomaaliga waxay soo muteen dhibaatooyin iyo wacyi fara badan, oo ay kelliftey kala aragti duwanaanshaha, koox ama nin weliba, ee doorbidayey in la qaato fekerkiisa, waxaa ka mid ahaa markaas farihii la soo bandhigay dhawr farood in la qoray, sida: Farta Cusmaaniya, Kadariya, Gadabiirsiya, laatiin, IKK.
Waraysi uu siiyey Qoraa, Abwaan Xuseen Sh. Axmed “Kadare” oo ka mid ah ragga tirada yar ee hadda ka nool raggii qorey ee hirgeliyey afka Soomaaliga, warbaahinta Soomaaliyeed ayuu ku sheegay in la billaabay qoritaanka Afka Soomaaliga, ka hor xoriyada Dalka Soomaaliya, haddaba, waxa maalinba geeddi la guuro, oo guri la hadhsadoba, gu’gii 1972 dii ayaa la dhaqangaliyey in la qoro Farta Af Soomaaliga, ee ah tan aan maanta qorayo.
Aqriste, mid muhim ah aan ku wadaajiyo, oo ah, in badan inaad maqasho in Kaligi Taliye Maxamamed Siyaad lagu ammaano inuu far Soomaaliga qoray, aan ku weydiiye; ma tahay ammaan uu mudan yahay? Qofka noolaha ah waxa uu sameeyo, waay kala yihiin; Waajib laga sugayey inuu guto iyo is xilqaan uu u sigaatay buuxin kaalin bulshadeed, haddaba, midda sare, teebay noqonaysaa labadan?.
Waxaan doonayaa inaan qeexo af iyo inta la xiriirta, ee uusan ka maarmin adeegsi iyo ururinba, umadda aan intaas yeelan waxay qatar u u tahay in afkeedu lumo, maadaama baaritaanno badan lagu soo bandhigay in afaf badan ay dabargo‘ ku sigan yihiin, qaarna horeba u le’deen
Af, Suugaan, Hidde iyo Dhaqan
Hidde iyo Dhaqan
Dhaqan waa; muuqaal si dhab ah uga turjumaya waxay Qowmiyadi leedahay, ee ay kaga duwan tahay kuwa kale, ee ah; Af, Hidde, Dhaqan, Fal iyo Farsama, ee ku umaddi wadaagto, iskagana raalli tahay midna dadka adduunka la wadaagto midna keligeed leedahay, mid hore u jirey iyo mid la unkayo ama la unki doono Xaajo
ugub ama curad waa mid uun. Mid isbedesha oo laga guuro iyo mid soo kororta oo loo guuro. Dhaqankuse qaybaha nolosha ayuu galaa, gebi ahaanteed, oo ku dhisan hadday Qof Qoys ama Qaran noqon lahayd.
Dhaqanka Soomaaliyeed, marka la xuso, qofba meel ayaa u muuqata, qofbaa waxaa u muuqda Hugii iyo hannaankii dhar xidhashadii. Qof kalana waxaa u muuqanaysa oo uu xasuusanayaa, xishoodkii iyo hamrashadii gacalka iyo walaalaha. Mid kale ayaa waxaa u muuqanaysa, hiddihii iyo suugaantii. Mid kale ayaa waxaa u muuqanaya, Saanaddii hubka, Farsamadii iyo hawl nololeed, sida xoola dhaqashada reer guuraanimada, beerallayda iyo xeerarkii geedka looga dhaqmi jiray. Midbaa soo xasuusanaya, Dabshidkii, Xidigintii IQB. Dhaqanka Soomaaliyeed maaha mid qalin qof iyo buug midna koobi karayo, balse, isku soo doo wada duube, waa dhaqan umadi gaar u leedahay oo asal iyo astaan u ah.
Af
Afku waa kan wax weliba ku jiraan, waa dhawaqa Carrabka iyo Dhuunta ka soo baxa ee ka soo fula dareenka maskaxda, ee aynu u isticmaalno erayeynta nolol maalmeedka, isu tagga erayo dhawr ah ayaa noqda weedh, oo dhawaqiisa markaad maqasho kuu samaynaya macnaha iyo ujeedka aad garan doonto waxa uu yahay, Af waa wax umad u gaar ah oo ay u adeegsato heerarkeeda nololeed, waxaynu ku salaynaynaa Afku waa dhawaq ay isku fahmaan bulsho weliba oo isku dad iyo deegaan wadaagta ama ku mideysan afkaas ay ku hadlayaan afku waa hadal, Hadalkiina waa midka u sii kala baxaya; Hawraar, Hal-abuur, Hasaawe, ama Tix iyo Tiraab, hadalkaa umadeed ma jiro qof gooni u leh, ma jiro eray ka mid ah qof diidi kara adeegsigiisa, waa hanti la wada leeyahay, dadkana waxaa loogu jecelyahay, kan dhawra ee dhaqaaleeya, ee isku hawla, dayaca iyo darxumadana ka jira.
Afku wuxuu leeyahay Jirrid ama Gun, Laan iyo Faraq, intaasoo qaybood waxay kordhinayaan aqoonta afeed, walax kasta iyo qalab kasta wuxuu ku salaysan yahay afkaas iyo cidda afkaa lihi waxay u taqaan, waa magacyo iyo erayo taxan oo tilmaan iyo abbaar lagu yaqaanno, oo kuu iba bixinaya la iskuna af garanayo oo ku suntaysa ujeedka iyo oraahda qofka kale watey, weydiimo iyo war ama wacaal hadba kay doonto ha ahaatee, waa kan ay wax weliba ka soo farcameen.
Haddaba umaddeena Soomaaliyeed ayaa nasiib u yeelatey inay noqoto umad isku af ah oo aysan jirin afaf kale duwan oo ay isticmaalaan.
Afka iyo Muhiimaddiisa
Waxaa dhacday inaan la sheekeystay, rag asxaabtayda ah oo kal kala yimid waddamo kala duwan, sida: Kameroon, Everycaosta iyo waddamo kale oo Afrikaan ah, oo dhammaantood ku hadlaya Afka Fransiiska, maalin maalmaha ka mid ayaan weydiiyey maxaa la yidhaahdaa Afkiina hooyo magaciis? Wuxuu mid weliba iigu jawaabay afkayga hooyo waa Fransiis! Waxaan is idhi ismaydaan fahmin, waan ku celiyey, wuxuuna iguu jawaab celiyeen waa Faransiis, markaasaan weydiiyey, 1884 ka hor, intaanu cadowgii gumaysigu iman Afrika maxaad ku hadli jirteen? Waxay iigu jawaabeen, waxaanu lahayn, luuqado kala duwan, oo markaad 50 Km socotaba aad gelayso luuqad kale oo aan tii kale meel ka shaabihin, wuxuu markaa nin weliba ku qasbanaa inuu barto inta jiiraan la ah, luuqadahooda si ay isu fahmaan oo ay u kala adeegtaan, waxay yidhaahdeen, luuqaddan Fransiiska ayaa waxii oo dhan meesha ka saartay, waxaanu leenahay hadda hal Af oo la yidhaahdo Fransiis. Waxaay i weyiideen maxaad ku hadashaa adigu? Waxaan idhi waxaan leyaahay luuqad la yidhaahdo Soomaali oo qoran oo caalami ah, dad intaas xaddi le egna ku
hadlaan, kadib ayay iigu jawaabeen, Awooyaashaa ayaa kuu hiilliyey, oo la dagaallamay Gumaysiga, balse, haddii aydaan Talyaani, Ingiriis iyo Fransiis, iska celin lahayn, luuqaddiisu way lumi lahayd, waxaanad ku hadli lahayd af nin Yurubiyaan ahi leeyahay sida anaga oo kale, maalintaas waxaa halkaas iiga baxay inaan haysto wax aan dheerahay qayrkay oo ah, Af, Hidde iyo dhaqan ii gaar ah, oo aan cidina ila wadaagin, waa wax lagu faano, inkastoo dad badan oo Soomaaliya oo aqoonyahanno isku sheega u maleeyaan ilbaxnimo luuqadaha ajaanibka ama afafka qalaad.
Suugaan
Suugaantu waa qayb ka mida laamihii iyo faraqyadii aan soo sheegnay ee afku lahaa haddaba, waa maxay Suugaani?
Suugaan waa eray kulmiyana: hawraar kastoo hannaan, habdhac iyo heenso u gaara leh. Suugaannna asal ahaan waxay ka timaaddaa hadal, hadalkana waxaa loo kala saaraa: Tix iyo Tiraab ama Hawraar iyo Hal abuur.
Maansadu waxay u kala baxdaa qaybo badan, sida: Gabay, Guuroow, Geeraar, Jiifto, Shirib, Masafo, Saar, Buraanbur, Hees, oo dhawr nooca ah, Hees Hawleed, Hees Ciyaareed, Hees Carruureed iyo Heesaha cusub, ee iminka lagu xareediyo. Suugaanta waxaa kale oo ka mid ah Maahmaahda, Murtida, Halxiraalaha iyo Hawraaraha Halqabsiga ah, ee sida joogtada ah loo adeegsado mid walba xilligeeda iyo xuskeeda gaarka ah lagu xusho.
Qoraalka Afka
Qoraalku waa dhigaal afeed u gooniya afka lagu qorayo, isagoo la wadaagi kara xarfaha ama shaqallada qoraallo kale, oo laga adeegsado adduunka, ayey haddana, ku kala duwanaan yihiin; dhisme, dhigaal iyo dhawaq intaba. Sida maanta keenna oo ka mid qoraallada lagu qorey (Latin) haddana, qof walba oo dhigaalka Laatiinka yaqaan ayaa awood u lahayn inuu fahmo afkeena, lagase yaabe inuu kicin karo ama ku dhawaaqi karo, hadduu isku dayo inuu aqriyo, inta uu ka oggaanayo isbedelka xarfaha laatiinka ee ay luuqadaha ku qorani adeegsadaan, waa halkuu ka yidhi Abwaan Cabdule Raage Taraawiil.
Labaatan iyo laba aamustiyo, shaqal irmaaneeya
Amraniyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge
Isku-dare, xiriiriye falkaab, ereyadeenii ah
Ebyaniyo haddaan magac-u-yaal, ku arkay joornaalka
Mar haddii afkaygii la qoray, aabbe iyo hooyo
Mar haddaan ammaahsigi ka baxay, lagu agoontoobay
Abaal waxa leh nimankii fartaa, soo abaabulaye
Amiirnimo sin iyo garab jirtay, nagu abuureene
Afafkaa qalaad iyo maxaa, eregta ii dhiibtey
Anaa macallinoo raba dad loo, furo iskuulaade
~ Cabdulle Raage Taraawiil, 1972
Qoraalkii ayaa wuxuu noqday koobaha noo kaydiya, Dhaqanka, Afka, iyo Suugaanta, hadda qoraalkii Afka Soomaaliga oo laga joogo muddo hadda gaadhaysa, 40 sanadood ayaa waxaa dhawaanahan, la maqlayey in la doonayo in la horumariyo, Afka, xeerarka dhigaalka iyo qoraalka afka soomaaliga, hab iyo hannaan iyo higaad
iyo hawraar la isku raaco oo loo qaato tan keliya ee loo adeegsan karo, marka wax la qorayo.
Waxaa la sheegay in lagu qoray Jamhuuriyada Jabuuti aan walaalaha nahay Buug la yidhi waa Qaamuuskii ugu weynaa ee afka Soomaaliga.
Berigii hore waxaa dhammaan umadda Soomaaliyeed isku raacday in la qoray Af Soomaaliga, balse, uu qabyo yahay, Qoraal ahaan, dhigaal ahaan iyo Dhismo ahaanba, aanna bal kuu balbalaadhiyee, aqriste, wuxuu la mid yahay qoraalka aan maanta haysannaa, Guri guudkii laga dhisay oo dadan, oo aan lahayn daaqado, albaabo, iyo xakabado lagu fuulo, sidoo kale aan lahayn, qaybihii nasashada iyo raaxada, oo lagama maarmaan u ah nolosha, tusaalahani wuxuu sheegayaa in umadda Soomaaliyeed leedahay qoraal afeed la yaqaan, balse, aan dhammaystirnayn una baahan qabyotir xooggan oo aan loo kala hadhin.
Waxaan ka wada dhereg sannahay, umadda Soomaaliyeed ayaa nin weliba wuxuu isu yaqaana keligii Soomaali, oo gobol walba haddaad tagto ama la sheekaysato bulshada ka timid waxay isku sheegayaan inay yihiin; dadka ama gobolka ugu faraca wanaagsan ee ku hadla af Soomaaliga ugu quruxda badan uguna hoddansan, anigu anigoo dhalinyaro ah, ayaan waxaan tegay 11 Gobol oo dalka ah, oo ku kala yaalla, Waqooyi, Bartamaha, Koonfurta dhaw, iyo Galbeedka. Intii u dhaxaysay, 1988-1998 Waxaana nasiibku ii saamaxay inaan wax ka oggaado, kala duwanaanshaha, Farac afeedka ama laamaha afkeena, ma jiro, farqi weyn oo u dhaxeeya marka laga reebo qaab odhaaheedka carrabka oo kala yara geddisan, balse, erayga Soomaaliga ahi ma kala gedisnaa karaa, Tusaale ahaan: “Waa Cadhaysanahay, Waa caraysanahay, waa caraysnahay, balse, waxaa jirta inay dhammaan gobollada Soomaaliyeed, dhinacyada Suugaanta, ciyaaraha, heesaha xoolaha, qaab nololeedka reer guuraaga iyo beeralayda iskaga mid yihiin.
Waxaa jirta haddaba isu dhawaansho dhinaca afguriyada ah, bal aan is raaciyo intii isku koox ah ama wadaagta, farac af Soomaaliyeed iyo dhawaq isku mida.
Gobollada: Waqooyiga, Sool, Sanaag, Togdheer, Hargaysa, Awdal oo isku qayb ah.
Gobollada: Barriga, Nugaal iyo Barri, qayb Sanaag ah iyo Qayb Sool ah
GobolladaDhexe: Mudug, Galguduud iyo Hiiraan.
Gobollada: Shabeelooyinka
Goboladda: Jubbooyinka iyo Qayb Gedo ah
Gobollada: Bay, Bakool iyo Qayb Gedo ah
Gobolka: Banaadir. Dhammaan Afguriyadaa oo dhan ayaa looga hadlaa iyo Af Magaalada dadkeeda u gaar ahna waa jiraa.
Waxay isku farac afeed ama af guri isku yihiin hadba inta is oollin xigta kuma aanan salayn anigu sida ay isu xigaan dhinacyada dhalashada ee sida ay isula degaan ayaan ku saleeyey oo isugu afguri iyo dhawaq dhaw yihiin.
Dhinaca Dhaqanka Farqi uma dhaxeeya
Gu’gii 1993 ayaan waxaa tegay degmada Xarardheere, waxaa nasiib u yeeshay inaan soo raaco geel la waraabinayo ceelka degmada xarardheere, anigoo aqoon in badan arkay geel la waraabinayo, qalabka iyo dhaqamada geela qaybo ka mid ah ee gobolka Togdheer weliba Hawdka in badan tegay ilaa deegaamada, Balli dhiig, Buuhoodle, Duruqsi, Oodweyne, iyo tuulooyin badan oo ka sarreeya, sida Gaashaamo, Yucuboole ilaa Marqaan, dhulkaas oo aad iyo aad geela looga dhaqdo, dabeecaddihiisa iyo dhaqamadiisa aad looga xiiseeyo.
Markii geelii la soo tubey ayaa la kala horey, oo horweyn iyo irmaan loo kala saarey. Waa sidaan ku iqiinnaye, Irmaankii markuu fulay ayaa horweyntii ama
gaanihii isagana la soo tubay, waa loo heesayaa, wuxuu yidhi wiilkii xarardheere geela ku waraabinayey, sidan:
“Sool inaad tegi soddona aad qadi saas biyaha ku cab”.
Waxaan weydiiyey miyaad taqaana Axmedoow Sool, iyo Nugaal? Wuxuu yidhi: “waqooyi iney iga xigtaan ogahay, balse, heestu waa hees caan ah”
Waxaa kale oo loogu heesayaa geelaas, markuu soo fulay:
“Xabado badan oo xinjiri taal, xayaad ololaay”
“Faruur dhabashada, nin fudfudiyo fuluhu ka cabsoo”
“Xalaal iyo xoog suu ku xero galo midna kuma xuma”
Waxaa isoo baxday wiilka jooga Galguduud ama Mudug bari iyo kan jooga Buuhoodle ama Taleex Xiis iyo Maydh, iyo Berbera inuusan jirin farqi dhaqan oo u dhaxeeya dhinacyada xoola dhaqashada iyo reer guuraanimada, balse, maxaa jira, waxay kala leeyihiin deegaamadaasi, Af guriyo farac afeed aad markiiba fahmayno nin weliba gobolkuu ka yimid. Gobollada kale ee dalkuna waa la mid.
Haddaba waxaan uga socdaa intaasoo sheeko ah, Af guriyeedkaas ayaa maanta qof weliba warqada uu qorayo ama xafiiskiisa ka baxaysa ku qoraa mana jiro, af dhexdhexaad ah ama dhigaal umadda oo dhami ka dhaxayso tusaale.
Tusaale kale intan oo weedhood keebaa sax ah keebaase qalad ah?
Eeddo xaawao waxay iibisaa Tomaandho
Eeddo Xaawo waxay gaddaa Yaanyo
Eeddo xaawo waxay ka ganacsataa Mirooleey
Waryaa habeen horaato maxaa iigu gooysay,?
War habeen hore maxaad iigu jartay?
Waraa habeen hore maxaa iigu gambisay?
War heedheh, habeen hore maxaad ii lug goysay?
Iyadoo la isla fahmayo dhammaan ujeedka erayadan, ayaa haddana, jirin mid ah kii la isku raacay ee qoraal ahaaneed ama sida gaarka ah loo xushay, halkaas waxaa ka soo baxaa inuusan jirin, qoraal la isku raacsan yahay, balse, uu jiro keliya qoraal Soomaali ah oo nin weliba u xor yahay sida uu wax ugu qoranayo.
Waxaa jira erayo qoloba si u taqaan, oo mararka qaarkood, kaftan iyo jareexo badan dhaliya, la islana ogyahay qolo weliba sidey u taqaan, intii ka danbeysay Xornimada waxaa timid is dhex gal badan, oo dhinac walba ah, sida dhinacyada guurka, deegaanka, iyo wada noolaanshaha, waqtiyadii dhibaatooyinka iyo dagaallada sokeeyana waxay fududeeyeen, inuusan jirin, qof Soomaaliya oo lahjad kale la yaabaya oo meel walba la isugu geeyey dadkii ayna isugu tageen iyagoo isku qasban.
Waxaan aamin sanahay in la gaadhay waqtigii ay Soomaalidu ku midoobi lahayd Guddi loo saaro oo baadhitaan qota dheer ku sameeya, is waafajinta afka, dhaqanka iyo dhigaalkaba, iyagoo dhinacna u burinayn. Tusaale ninbaa waxaa lagu ammaanayaa hebel nin ka af soomaali badani ma jiro, haddii uu u yimaado nin reer baydhabood ah, ama wallaweyn ama Kuntuwaarrey ka yimidna Af gurigiisa ma yaqaan, deegaan weliba wuxuu leeyahay, ciyaaro, heeso, suugaan, way yartahay dadka inta taqaana, dhammaan deegaamada dalka oo dhan, marka qolo walba iyo gobol walba dadkooda suugaanta, iyo afka iyo dhaqanka iyo taariikhda ku xeeldheer ha la xulo, hana la wada maro, deegaamada Soomaaliya, ilaa Herer ilaa Jabuuti Gaarisa ilaa iyo Ceelaayo waa iney cagta dhigaan, gobol walba waxaa laga helayaa
Af Soomaali iyo erayo aan laga helayn gobollada kale, markaas ayaa la dhihi karaa waxaa la qorey 50% Qaamuus ah, haddii Afka badhkiis la qorana inta kalena waa soo xero gelaysaa.
Waxaa kale oo aan kula talin lahaa Guddiyadaas haddiiba la magacaabo, iney u daneeyaan dhalinta waxbaranaysa, kuwa qurbaha ku dhashay iyo cid walba oo u baahan, oo Qaamuuska la qoro waa in la geliyaa, aaladaha casriga ah, ee is turjubaana “Universal translator” Google Translator” oo ka caawin doona qofka inuu helo ama barto si sahlan kelmadaha ku adkaada ama qaab qoraaleedka saxan ee afkiisa.
Waxaa loo baahan yahay in la helo guddi madax banaan oo baadhitaan dheer oo gaaraya 10 sano iyo ka badan daraaseeysa, ka dibna dhidibada u aasa Af Soomaali la isku raacsan yahay, Dhawaq iyo dhigaal iyo habdhac iyo hannaankiisaba oo leh xeer, dabar iyo xad aan laga gudbayn, si tuducda qaldan markiiba loo tibaaxo iyadoo loo adeegsanayo qodobbada iyo xeerarka ay u sameeyaan guddigaasi.
Ku hadalka nin weliba xor ayuu u yahay, af gurigiisa iyo faraciisa, balse, nin hal gobol lama laba gobol aan dhinac u dhaafin lama dhihi karo waa nin aqoon dheeraada u leh Af Soomaaliga, saa maba yaqaan walaalkiisa kale faraca Af Soomaali ee uu ku hadlo iyo adeegsiga erayadiisa, iyo qalab iyo qaab nololeedkisaba.
Suugaanyahanka Soomaaliyeed, iyo Qoraaga Soomaaliyeed waa kaydka iyo marjaca Af Soomaaliga waxaanan ku boggaadinayaa dhammaan bahda Suugaanleeyda ah inay ilaaliyeen, oo dhawreen hanti qaran iyo Qowmiyadeed, qalinlleeydana intii wax qortey iyo kuwa hadda qori doona waan ku dhiirrigelinayaa, waxaanse u sheegayaa afka maaha tuulada aad degan tahay iyo tan kuu dhaw iyo inta reerkiinu ku hadlaan ee waa umadda Soomaaliyeed oo dhan.
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Gopa Maay eh: By Isaak Hasanow, Isaak Unicef. (Fiirsoy fiidiyowka)
Aayow amaantota uurkey ky taallo afkey my sheena
Aglyghey ku wiingta ilmighey my deera amarsythee ma
Aayow Amaanta Ally Wiinaghey ma afyaal my koopa
Aayidki Quraamed Al-baqry meelshewa amaanta taalle
Aay ley terrii i Ummaa ley terriiby Aayow ley ky jeede
Afka ng kakiine arrabka nuglaaytoley uurka ky taaloy
Isgoowty Aayow Ahmadki (SCW) aathis eedyny athuudshe
Aayow ng haayneby onok my booreng alaly my weerteng
Asal mariithi andhuufa haayey uurakawa ii qhaadey
Uurki ulees-shey ulees ly saarayi aminti sugoowshe
Aragey i ooytey addingy'y kooykey abshirsithoowshe
Aayowti apaalshe iddo mugsheeny ng oofsymaany
Ooytey i boorkey ng jeedsho kasaasi Aayow ley mahaayne
Hakiing hellythaasey afky tob siyaayi Aayow ley mahaayne
Ereti Aayow ijaar ma haayne amaah ma haayne
Aragshe i nuurshe iyaayowshe haatoley indishe ky taaley
Illis mey ng dheerty arzaaq ba ng aangne Aayowti eraasey
Afkyshe ng diidey iing aapaghaayasi Aayowtey ma haayne
Aajiskey i boorkey ooytitey hami
Sarcoidosis Remission – Aden Protocol
ined Aayowti dhibaasey
Eleeng roog ha jeedey iry hangky guumasi Aayow ley ma haayne
Uthuughey tiraasey athoodkey dhigaasi Aayowtey ma haayne
Uf iing eraane iingku ash-ashaany Aayow ley ma haayne
Alool kiingky qhaad i uur kiing humaathaw Ally ming abuurne
Aasygha by haatho irita my mooghathaw Aayowti eraasi
Apoow i apooyow koli aawow haatony ooftiye ng haayne
Epedkaa by wiinawy Aayowti oroothiye onok ley ku haayti
Aayowti Aawow seddy kol eleengtis ajiibow lahaayti
Amarshe kang diithaw athaabky ooghaw ey kiingku aare
Apaal ho ly sheeghaw Aayowa ng leethey ummuthey ogaatha
Aayowtis ka aasiyaaw athaabki naared aatha la aatha
Aduung mal ky waara amuushy mal huraayo aakiraay my dheere
Efis i masaamah Ally iingku tuukti Aayow iing yabooh
Ajallaa ho kooyto lyky oofsythoony ilintey dareeras
Obsy my qhabaaso Ally-wiinagheeyaa emaanshey eta
Amaanta my gooya Ally-tuuk my dhaafa Aayowtey ogaaw
Ahsaabta hariirsho ahsangki my gooya Aayowey ogaaw
Ally-wiinaw ky tuughey Aayow apaalshe orootha ky weel
Arshiga oroothis Janatul-Firdowsa aruurshe ky weel
Ally-wiinaw ky tuughey Aayow apaalshe orootha ky weel
Arshiga oroothis Janatul-Firdowsa idiye ky weel
Isaak Hassanow, B.BusEcon, MsSocSci
Melbourne, Australia
Unishef@live.com
December 14, 2012
zp8497586rq
Gabayga: Midnimo‏. By: Abwaan Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Gabaygan waxaa la yidhaahdaa: (Midnimo) wuxuuna ka hadlayaa marxaladda maanta dalku marayo, midnimada iyo iskaashiga waxaan ahayn horumar lagu gaareyn, dibindaabyo, Duullaan, dagaal iyo darxumo ay dib dhac uun keenayso, balse, waxaad mooddaa, rag cusub oo iminka hawshu billow u tahay iney jiraan, oo iska indha tiriya, Cadow la kaashado iyo Gumaysi Gobonimo la dhaafsado inay tahay arrin maankii fayoow iyo maskaxdii caafimaad qabta marnaba ka suuroobeyn, anigoo markaa si guud u hoga tusaynayaa waxaan idhi:
1.    Miinleey ma cugan Maxamedoow, Gabay mankiisiiye
2.    Murti  gabaya hadal maaxad lehiyo, Erayo muuneysan
3.    Mufti iyo aqoon ruux lehbaa, Lagu  mabsuudshaaye
4.    Maansooyin dedan iyo xigmado, Malabka doocaana
5.    Miisaan aqooneed lehiyo, Hadal murwaadkiisa
6.    Maskaxdiisa ruux gelinayaa, Loo marshaa abide
7.    Bal aan mariyo maantoo kalaan, Maqalka buuxshaaye
8.    Aan macneeyo hadal waa mergi, Run ugu miisaamo
9.    Bal aan mudo halkaan maagganahay , Miiskana u saaro
10. Masallaha u dhigay xaajadee, Hela muraadkayga
11. Mabda’baa wax lagu maamulaa, Maanintii saxane
12. Midigtuba awood muuqatiyo, Muruq ma keenteene
13. Haddaan bidix miciinkeeda noqon, Milif ma qaaddeene
14. Waa laba is mudanoo midnimo, Abid ka maarmeyne
15. Ushaa laga mitaalayo kelida,  Maleh awood weyne
16. Haddeyse midho bataan maalintaa, Liici mahayaane
17. Midabyada Dibidii lagu makalay,  Maalin lagu leefey
18. Markii uu Libaaxii makriyey, Kalana meelaystay
19. Maskax li’i masuug kala galay, Noqatay mawdkoode
20. Haddii maya yidhaahdaan marnaba, Lama muquunsheene
21. Marinkoodii duulkii marana, Ma laha taariikhe
22. Maqsadkoodu wuu lumi haddaan, Mawlahood bixine
23. Soomaaliyeey maqal midnimo, Ma hurto weeyaane
24. Maabkeenu ceebuu noqdiyo, xarun ma yeedhaane
25. Dunidaa misaal laga dhigtaa, Muunad oo kale
26. Murankii dhacaba waxaan maqlaa, Magaca Soomaale
27. Maan laawayaaliyo xumaa, Nalagu Muujaaye
28. Milgahaan lahayniyo dadnimo, Muustey sharaftiiye
29. Magacii xornimo suulyayoo, Waa la moogyahaye
30. Inta nala makalay baa haddana, Nalagu maadtaaye
31. Masiirkeeni diidniyo midnimo, Qaranku muuqdaaye
32. Hadba doqon maqaarsaaraba, Maayad soo kicine
33. Minankaan lahayniyo dhulkii, Mawle nagu beerey
34. Marsadiyo dekadihii dalkaa, Muran ka joogaaye
35. Masaaybaa hungurinaysiyo, Maxas Wayaana ahe
36. Macdantii dhulkaygiyo mulkiye, Maal waxii haraye
37. Magaaliyo miyiba degelkannaga, Waa la meersadaye
38. Miyir li’idaa shacabkaa dhashiyo, Madax jacaylkoode
39. Damac macangag wado baa hirgaley, Meelna aan jirine
40. Madfaciyo dagaal lagu madhoo, Maydku kuman dhaafo
41. Mahadhadii mudada soo jirtaad, Marinkeed haysaane
42. Muddo badan talaa murugsanayd, Muranna taagnaaye
43. Majaraha maroorsamay sanadoo, Maanku gaylamaye
44. Meertooyin baa inagu dhacay, Laga madluumaaye
45. Mool bay gashayo maaro iyo, Miirna laga waaye
46. Maandeeq xornimadaan helnaye, Magacii loo doorey
47. Midabkeeda ruux jecel ayaa, Hela mudnaanteede
48. Musciriirba qaaraan ka dhigan, Oo mooggan baa badane
49. Manfaceeda duul aan aqoon, Maqalna sheeggeeda
50. Ooy Macawis kala liidataa, Meesha soo tubane
51. Masku abid mariidkiisa iyo, Muriyo waabeyda
52. Micidiisa ruuxuu la helo, milil xanuunkeede
53. Haddii aaney mawdkiisa noqon, Wey ku milantaaye.
54. Wax ka dhigan mitaalkaa gunnimo, Ruux macaansadaye
55. Nin midiidin doortoo midnimo, Diiday magaceeda
56. Oo aan muwaafaqa lahayn, Cadow misaalkii dheh
57. Magacii awoowgii u dhigay, Ruuxa maanacay dheh
58. Maqsadkii shalay lagu dhacaa, Muran ka joogaaye
59. Dhulkaygii maqnaa iyo dalkii, Cadowga loo meershay
60. Malkadii jigjiga iyo Wajeer, Herer maqaamkeeda
61. Nin Mujaahidkii Guray maqlaa, Maba haweysteene
62. Geedkii masaartu ay jartaye, Mawlaxyada gooysay
63. Ee muusaanabaye hadlaye, Mariyey maahmaahda
64. Anaa kugu mataansane wallee, Imaad maruugteene
65. Mawdkayga geed kugu mudanbaa, Kuu sahlaye maadso
66. Gumaysiga ninkii magansadaa, Lagu maseeyaaye
67. Oo mooddo duul aaminoo siin, Martabad weyne
68. Miisaanka hadalkaygii waa, Soo mijilayaaye
69. Aan majiiro yuu ila mirqinoo, Moosinka u aaso
70. Oo aan u meeldayo run waa, Loo mashxaradaaye
71. Allow yaa ma kala maarantee, Meel isugu keena
72. Allow yaa midnimo waa dawee, Hela maqaankeeda!
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Daawo Hees galbis ah oo loo qaaday aroosada fanaanad Farxiya Kabayare.
Hees galbis ah ayaa waxaa loo qaaday fanaanada Farxiya kabayare oo dhawaan ku aqal gashay dalka Mareykanka. Heesta ayaa waxaa ku luqeynaya fanaanada da’da yar ee Hodan Cabdiraxmaan.
Baidoa media.