Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya inay ugu yaraan shan carruur ah ku geeriyoodeen tobaneeyo kalena ku dhaawacmeen miino nooca anti tankiga ah oo ay ku cayaarayeen.
Carruurta dhimatay iyo kuwa dhaawacantay ayaa intaba waxa ay waxyeeladu soo gaartay kadib markii ay miinada oo ay meel kasoo qaadeen kula qaraxday gudaha degmada Balcad.
Cabdi Jiinow Calasow, gudoomiyaha gobolka Sh.dhexe ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in carruurta dhaawaca ah ay kamid yihiin kuwo ay xaaladoodu liidato.
Balcad ayaa waxa ay kamid tahay goobaha ay dhawaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Xarakada Alshabaab oo mudo sanado ah ka ariminaysay halkaas.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com