Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hada kamid ah dadka u taagan xilka madaxweynanimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagasoo duubay fiidiyow gaaban oo la arkayo isaga oo handadaya wasiirka arimaha dastuurka iyo federaalka Cabdira.xmaan Xoosh Jabriil.
Arintaan ayaa waxa ay muujineysaa sida uu Shariif Xasan usoo xushay xildhibaano aan aqoon durugsan lahay gaar ahaan kuwa Digil iyo Mirifle isaga oo sidoo kalena odayaashii dhaqanka jeebka ku ritay lacagana ku harqiyay.
”Waxaad sheegaysiina suuqa wada yaaliin kuligoodna waa lasoo gadayaa, ma adaa diidi kara” ayuu ku dhahayaa Shariif Xasan wasiir Cabdiraxmaan isaga oo ula jeeday shahaadooyinka Cabdalla Shideeyaha lagu sameeyo.
Hoos ka daawo fiidiyowga.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com
HADDII XARIIFKAAN SIDAAN KU DOONAAYO INUU BEEL DHAN KU HOGAAMIYO WAXAAN ORAN LAHAA ” BEESHAAS ALLAHA U NAXARIISTO, WAA MID AAN JIRIN “.
NINKAAN DEMBIYADIISA WAA MARAKHAATI MA DOONTO OO MAQAL IYO MUUQAALBA LEH, MIN QORAALLO, JEEGAG IYO AFKIISA OO KU CADEEYNAAYO INUU WAX KASTA SI FAALSO AH KU SOO IIBSAN KARO.
BAL ARRINTAAN WAXAAN U BANDHIGAYAA KUWA ISKU SHEEGAA BEESHA CAALAMKA , UMADDA SOMALIYED IYO INTII XOOGAA XISHOOD AH KU HARSAN ILLEEN SOMALIA XISHOODKA WAABA KA DHAMAADAYEE, WAA MAXAEY WAXA LOO SUGAAYO XARIGA XARIIFKAAN IYO INTA UU KU SHAQEYSTO?