Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegayo inay cabsi weyn maanta ka jirto magaalada kadib markii laga war helay inay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kasoo ruqaansadeen degmaada Balcad ee isla gobolkaas.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya oo ku hubeysan taangiyada dagaalka iyo khalab kale ayaa wadada soo aada magaalada Jowhar kagasoo dhaqaaqay laba dhinac oo kala ah jidka laamiga iyo mid jid cari ah oo wareeg ah.
Ciidamada ayaa waxa ay wararku sheegayaan inay hada ku suganyihiin deegaan lagu magacaabo Boorow oo 17 km u jira magaalada Jowhar.
Dhanka kale waxaa kacsan xaalada magaalada Jowhar ayada oo ay iskuulada magaalada xiranyihiin ganacsigana albaabada layskugu laabay.
Sidoo kale ciidamadii Alshabaab ee horay ugu sugnaay magaaladea Jowhar ayaa badankood ka baxay magaalada inkastoo ay weli ku suganyihiin goobaha maamulka magaalada.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com