Monday, May 20th, 2013

Qaabka kala horeynta madaxda sare ee xaga saadaasha madaxtinimada iyo warar hoose.

Raisalwasaaraha wakhtigiisu dhamaaday ee dowladii KMG Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa lagusoo waramayaa inay u dhowdahay inuu ku guuleysto doorashada madaxtinimo ee dalka ka dhici doonta dhawaan.

Ilo wareedyo ka ag dhow masuuliyiinta sare ee dowlada KMG Soomaaliya ee uu xiligeedu maanta ku egyahay ayaa u sheegay baidoamedia.com in ilaa iyo hada liiska la gudbiyay ay u badanyihiin taageerayaasha raisalwasaare Gaas halka xildhibaanada dib loosoo celiyayna ay u badanyihiin kuwii taageersanaa madaxweyne Shariif.

”Waxaa iska cad haddii aanay wax is bedelin in Gaas uu noqonayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya” sidaas waxaa u sheegay shabakada warbaahinta baidoamedia center qof codsaday magaciisa innaan la adeegsan balse si weyn uga war hayo xaalku meesha uu marayo.

Doraad ayay ahayd markii ay ambassador Mahige iyo madaxweyne Shariif si wada jir ah u sheegeen inaysan suurta gal ahayn in cid si gaar ah aanay gudiga farsamada dib u celin karin inkastoo arintaasi aanay wax ka qabanin gudiga farsamada.

Inta badan xildhibaanada hada lasoo gudbiyay ayaa lagusoo waramayaa inay badankood u gadanyihiin oo uu kharash ku bixiyay raisalwasaare Gaas si ay codadkooda u siiyaan marka la gaaro doorashada madaxweynanimada Soomaaliya oo la oran karo waxaa naga xiga oo keliya maalmo yar.

Isla gudiga farsamada ayaa lagusoo waramayaa inay si weyn ula shaqeeyeen raisalwasaare Gaas sidii lagusoo gudbin lahaa xubnaha isaga taageersan.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaan la ogeyn waxa uu ka yeeli doono arintaan oo haday marto rajadiisii ahayd in dib loosoo doorto meesha ka saareyso, dhanka kale Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna u taagan xilka madaxtinimada ayaan rajo badan lahayn waayo waxaa gudoomiye baarlamaan u taagan Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari kaasoo ay u badantahay inuu noqdo gudoomiyaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo haddii uu ku guuleysto gebi ahaanba meesha ka saareyso rajadii Shariif Xasan ee ahayd inuu mar un madaxweyne ka noqdo Soomaaliya.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply