Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa waxa uu ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee maamul goboleedka Galmudug xili uu dalka Soomaaliya ku jiro kala guur.
Jeneraal Cabdi Qaybdiid oo horay u ahaa taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa waxa uu doorashada madaxtinimada maamulka Galmudug kala wareegayaa madaxweyne Caalin oo dhawaanahaanba xanuunsanayay.
Cabdi Qaybdiid ayaa waxa uu doorashada madaxweyninimada Galmudug kula tartamay mqadaxweyne kuxigeenkii hore ee Galgmudug Cabdisamad Nuur Guuleed isaga oo 3 sano ee soo socoto hayn doono xilka madaxtinimo ee maamulka Galmudug.
Madaxweynaha cusub ee Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa waxa uu kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii magaalada Muqdisho isaga oo dhawaanahaanba ku sugnaa Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ah xarunta maamulka Galmudug.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com