Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa u magacaabay xilka raisalwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Garaad(Saacid) oo ah nin ganacsade ah islamarkaasna ay si weyn iskugu dhow yihiin madaxweynaha dowlada Soomaaliya.
Cabdi Faarax Garaad(Saacid) waa siyaasi kasoo jeeday beesha Mareexaan ayada oo maanta munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Somalia lagula dhawaaqay inuu yahay raisalwasaaraha xukuumada cusub ee Soomaaliya.
Raisalwasaaraha cusub ayaa waxaa u dhaxday xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi oo haysato abaal marinta Nopel Peace Prize ayada oo ah xildhibaanad fir fircoon.
Weli waxaa ka socoto xarunta madaxtooyada Villa Somalia munaasabada xilka raisalwasaaranimada loogu dhawaaqay mudane Cabdi Faarax Garaad(Saacid) ayada oo la filayo inuu sidoo kale khudbad ka jeediyo halkaas raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com