LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Caada dhaqameedkii Istunka oo dib uga bilaabanaysa degmada Afgooye.

Waxaa mudo 4 sano ah kadib dib uga bilaabanayso degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose caada dhaqameedkii cayaaraha Istunka oo ay degmadaasi caan ku tahay.

Boqolaal dadweynaha magaalada Afgooye kamid ah ayaa maanta iskugusoo baxay xaafadaha kala duwan ee degmadaas ayaga oo u diyaar garoobaya cayaaraha Istunka oo la filayo inay dhawaan dib uga bilawdaan magaalada Afgooye kadib markii ay horay u mamnuucday Xarakada Alshabaab oo in mudo ah ka talinaysay degmadaas.

Gudoomiyaha degmada Afgooye Cabdulaahi Axmed oo la hadlay dadweynihii iskugusoo baxay degmada Afgooye ayaa waxa uu sheegay inay dadweynaha reer Afgooye dareemeen neecaaw nabadeed isla markaasna ay dib u bilaabayaan caada dhaqameedkoodii cayaaraha Istunka.

Sidoo kale Cali Sheekh C/llaahi “Cali Afgooye” oo horay uga tirsanaa baarlamaankii dowladii KMG ahayd ee dalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay maamulka dowlada Soomaaliya ka saarida degmadaas Xarakada Alshabaab isaga oo sidoo kalena dadweynaha kula dar daarmay inay nabadgelyada ka shaqeeyaan kalana shaqeeyaan dowlada Soomaaliya arimaha xaga nabadgelyada ee degmada iyo guud ahaan kan maamulka Shabeelada hoose.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID