LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Bukaanka ku jiro isbitaalka magaalada Baydhabo oo maanta deeq lacageed la gaarsiiyay. (Sawiro)

Ayada oo uu si xawli ah ku socday barnaamishka FOOLKAA DHIGOOY FAYTAAWAA KAJHARTEE oo ay ka bilaabeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay dhalinyaro is xilqaantay oo magaalada u dhalatay ayaa waxaa isasoo tarayay deeqaha la gaarsiinayo bukaanka ku jiro isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo.

Barnaamishka FOOLKAA DHIGOOY FAYTAAWAA KAJHARTEE oo markiisii hore ku bilowday dib u dayactirida isbitaalka magaalada ayaa hada waxyaabaha uu qabanayo waxaa kamid ah in deeqo la gaarsiiyo bukaanka isbitaalka magaalada.

Hadaba deeqdii ugu dambeysay oo iskugu jirta lacago dollar iyo Shilin Soomaali ayaa waxaa maanta loo wada qaybiyay guud ahaan bukaanka ku jiro isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo.

Deeqda oo katimid Jaaliyadda dalka Sacuudiga gaar ahaan magaalada Damaam ayaa waxaa si wada jir ah ugu qaybiyay bukaanka isbitaalka Maama BINTOW SHARIIF oo kamid ah maamooyinka magaca ku leh magaalada Baydhabo iyo weliba dhalinta barnaamishaka FOOLKAA DHIGOOY FAYTAAWAA KAJHARTEE.

Bukaankii maanta loo qaybiyay deeqaha lacagta ahaa ayaa u mahadceliyay gudiga FOOLKAA DHIGOOY FAYTAAWAA KAJHARTEE iyo sidoo kale jaaliyadda magaalada Damaam ee dalka Sacuudi Carabiya.

Hadaba waxaa loogu baaqayaa guud ahaan jaaliyadaha kale ee caalamka inay ku daydaan walaalahood jaaliyadda Damaam ee dalka Sacuudiga gacana ka geystaan horumarinta isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo iyo weliba caawinta bukaanka ku jiro isbitaalka oo aysan qaarkood awoodin waxyaabaha nololsha aas aasiga u ah.

Waxqabadka dhalinta FOOLKAA DHIGOOY FAYTAAWAA KAJHARTEE ayaa noqon doona mid ay taariikhdu xusto maadaama ay qabanayaan howl mutadawacnimo ah oo ay dadkooda iyo dalkooda wax ugu qabanayaan.

Hadaba si aad ula xiriirtid gudiga dhalinyarada ah ee FOOLKAA DHIGOOY FAYTAAWAA KAJHARTEE waxaad isticmaali kartaa teleefoonada hoose ayada oo ay la socdaan magacyadooda.

Ibrahim Axmed Ibrahim 00252615515623

Aadan keerow 00252615235514

Daahir Mayow 00252615010005

Xassan Gaduudow 00252615571712 iyo

Cabdicasiis Sheikh Nuurow 00252615593932

 

Baidoa media.

 

 

 


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply