Wednesday, June 19th, 2013

Boqol dhalinyaro Soomaali ah oo ooda laga qaaday kadib markii dembi lagu waayay.

In kabadan 100 dhalinyaro Soomaali ah ayaa xabsi ay ku jireen lagasii daayay dalka Yemen kadib markii lagu waayay wax dembi ah, dhalinyaradaan oo lagasoo qab qabtay gobolada Ebyan iyo Shabwa oo ay dhawaan ciidamada dowlada Yemen kala wareegeen ururka Ansaaru Shareeca oo xiriiir toos ah la leh ururka Alqaacida.

Ciidamada Yemen ayaa waxa ay dagaalo mudo socday kaga qabsadeen ciidamada Alqaacida gobolada Shabwa iyo Ebyan ayada oo xiliga ay ciidamadu galayeen deegaanada qaar waxa ay kasoo qab qabteen halkaas dhalinyaro boqol ka badan oo Soomaali ah kuwaasoo looga shaki qabay inay qayb ka ahaayeen ururka Alshabaab iyo urur weynaha Alqaacida.

Dhalinyaradaan oo mudo bil ka badan baaritaano lagu hayay ayaa lagu waayay wax dembi ah taasoo keentay in markii dambe lasii daayo dhalinyaradaan oo lagu sheegay inay tahriib ahaayeen.

Dalka Yemen ayaa dhalinyarada Soomaalida waxaa looga qaaday xasaasiyad daran kadib markii nin isku qarxiyay taliyihii ciidamada dowlada Yemen ee koonfurka dalkaasi lagu sheegay inuu Soomaali ahaa inkastoo markii dambe wax cadeyn ah loo waayay arintaas.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply