Sunday, May 19th, 2013

Booliska Kenya oo soo magacaabay 15 lagashakisanayaal Alshabaab ah.

Afhayeenka booliska Kenya Eric Kiraithe

Booliska Kenya ayaa sheegay in 15 lagashakisanayaal Alshabaab xiriir la leh la rumeysanyahay inay dalka Kenya kasoo galeen dhanka magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya.

Afhayeenka booliska Kenya Eric Kiraithe ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in kasakow horumaradan cusub, ilaalahada xaga amniga ah iyo roondooyinka joogtada ah sare loo qaaday si loo hubiyo amniga.

”Kooxda waxa ay ka koobantahay sagaal Kenyan ah, labo Aasiyaan ah iyo afar Soomaali ah oo ay da’doodu u dhexayso 24 ilaa iyo 32 sano. Inta badan Kenyanka ayaa waxaa la sheegay inay deganaayeen aaga Majengo ee magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa kahor intii aanay u safrin Soomaaliya” sidaa waxaa yiri Kiraithe, afhayeenka booliska Kenya.

Mr Kiraithe oo ka war bixinayay halka uu marayo hawlgalka Operation Linda Nchi ayaa ugu baaqay dadka abaabulo iskusoo baxyada ama isku imaatinada dadweynaha inay booliska ogolaasho weydiistaan kahor inta aanay soo abaabulin wax isku imaatin dadweyne ah.

Dhanka kale Col. Oguna oo isna u hadlayay wasaarada gaashaandhiga dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Alshabaab ee ah inay dishay ilaa iyo 12 askari oo Kenyan ah isaga oo sheegay in tirada askarta Kenyanka ah ee lagu dilay dalka Soomaaliya ay gaarayso oo keliya 6 askari, ayada oo midna lagu la’yahay bada

halka 21 askarina lagaga dhaawacay tan iyo markii uu bilawday hawlgalka Operation Linda Nchi bishii Oktoober ee sanadkan dhamaadka ah.

Sikastaba ha ahaateen, Xarakada Alshabaab iyo ciidamada Kenya ayaa inta badan waxa ay isweydaarsadaan eedaymo iyo weliba sheegashooyin xaga qasaaraha ciidamada ah ayaga oo adeegsanaya warbaahinta.

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply