Wednesday, June 19th, 2013

Booliska Galmudug oo soo bandhigay jaakadaha walxaha qarxo lagu xiro iyo waxyaabo kale.(Sawiro)

Booliska maamulka Galmudug ayaa waxa ay maanta kusoo bandhigeen dhanka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo jaakad ay ku xirnaayeen walxaha qarxa taasoo lagasoo helay mid kamid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Ciidamada Booliska Galmudug  Korneel Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb ayaa saxaafada u sheegay in dad ku sugan xaafada Hormar ee dhanka Bari magaalada Gaalkacyo ay soo war geliyeen booliska sidaasna ay boolisku jaakada kusoo heleen isaga oo si gaar ah ugu mahad celiyay dadkaas.

Taliyuhu waxa uu sheegay inaanay jirin cid loosoo qabtay jaakada iyo walxaha qarxa ee ku xirnaa balse waxa uu sheegay inay baaritaano wadaan kuna daba jiraan dadkii lahaa jaakada.

Dhanka kale Taliyaha  Qaybta booliiska  Gobolka Mudug G/sare  Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka jaakadan iyo waxyabaha ku xardhan, Asagoona tilmaamay in si fiican looga soo shaqeeyay islamarkaana aad ka fahmi kartiti in labo badhan oo qofka ismiidaaminaya uu tabanayo ay ku yaalan meel u dhaw labada gacmood, taasi oo looga gol leeyahay qofka naftiis haligaa hadii gacanta bandhanka uu ku taban rabo rasaas looga dhufto in uu mida kale adeegsado islamarkaana uu is qarxiyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo ismiidaamin ah iyo kuwo wadada dhinaceeda la dhigay oo ay masuuliyiin ku geeriyoodeen sidoo kalena ay dad rayid ah wax kasoo gaareen.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply