Booliska caalamka ee Interpol oo xaruntoodu ay tahay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska ayaa waxa uu kasoo saaray digniinta cas si meel loogu sheego loonasoo xiro madaxweyne kuxigeenka dalka Ciiraaq Mr Tariq Al-Hashemi oo dhawaanahaanba baxsad ahaa lagunasoo eedeeyay inuu soo abaabulay islamarkaasna maalgeliyay kooxo dadka dila oo ka hawlgala dalka Ciiraaq gaar ahaan magaalada Baqdaad.
Hashemi oo isaga oo ka maqan lagu maxkamadeynayo magaalada Baqdaad kadib markii lagusoo eedeeyay inuu masuul ka ahaa kooxo dadka dilo, ayaa waxa uu Talaadadii shalay ahayd sheegay inuusan sharciga ka sareynin diyaarna u yahay inuu maxkamad kasoo hor muuqdo haddii nabadgelyadiisa iyo dacwad cadaalad ah loo damaanad qaadayo.
” Wargelinta digniinta cas waa mid ku aadan dalalka gobolka iyo guud ahaan dalalka caalamka ee 190 xubnahana ka ah Interpol in lagu weydiisto inay gacan ka geystaan raadinta iyo soo qabashadiisa” sida ay sheegtay Interpol.
Mr Hashemi oo markii dad ugu war dambeysay ku sugnaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga oo lagaga daweynayay xanuuno xaga neefsiga ah ayaa waxa ay isaga iyo ilaaladiisa gaarka ah wajahayaan dacwado gaaraya ilaa iyo 150 oo ay ku jiraan dilal loo geystay dad siyaasiyiin ah iyo weliba dad kale.
Madaxweyne kuxigeenka Ciiraaq oo ah Sunni Muslim ah ayaa ku eedeeyay dowlada ay Shiicadu ku xoogantahay ee dalka Ciiraaq inay siyaasadeynayso dacwadaha loo haysto islamarkaasna aysan waxba kajirin eedaymahaas isaga oo mudooyinkii ugu dambeeyayba ku noolaa magaalada Irbiil ee dhanka waqooyi ee dalka Ciiraaq halkaasoo ay ku xooganyihiin Kurdiyiinta Suniga ah.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com