Wararka ka imaanaya magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa iyo tobaneeyo dad Soomaali ah lagu qab qabtay halkaas kadib markii ay hawlgalo ka fuliyeen xaafadaha qaar ay dadka Soomaalida ku dhaqanyihiin ee magaaladaas.
Goobjooge diiday innaan magaciisa soo xigano ayaa waxa uu u sheegay shabakada warbaahinta baidoamedia.com in dadka lagasoo qab qabtay xaafada ay Soomaalida ku badantahay ee Booleey Mikaa’iil iyo weliba xaafad cusub oo ay hada Soomaalid aad u degtay laguna magacaabo Jaamuu.
” Dadka la qab qabtay waxaa kamid ahaa nin Soomaali ah balse haystay dhalashada Ingiriiska kaasoo laga horqabtay xarunta xawaalada Dahabshiil ee xaafada Booleey” sidaas waxaa yiri goobjoogaha oo codsaday innaan magaciisa aanan sheegin.
” Ninka waxa uu ku qaylinayay ” baasaboorkayga i siiya” isaga oo ku hadlayay luuqada Ingiriiska waayo intaan la qaban kahor baasaboorka ayaa laga qaaday” ayuu yiri goobjoogaha.
Ilaa iyo hada lama oga halka loola kacay dadka Soomaalid ah ee lagu qab qabtay gudaha magaalada Addis ababa ayada oo aysan jirin cid masuuliyiinta dowlada Itoobiya katirsan oo ka hadashay qab qabashadaas.
Magaalada Addis ababa ayaa dhawaanahaanba waxaa ka socday baaritaano iyo hawlgalo xaga amniga ah oo ay wadeen ciidamada booliska federaalka dalka Itoobiya kuwaasoo dadka Soomaalida ahna kasoo qab qabtay goobo kala duwan oo magaalada ah oo ay dadka qaar guryahooda kala baxeen sida ay wararku sheegayaan.
Dowlada Itoobiya ayaa waxa ay u dirtay ciidamadeeda gudaha dalka Soomaaliya ayaga oo ay ciidamada Itoobiya gaareen magaalooyin ay kamid yihiin Beledweyne, Baydhabo iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan, Bay iyo Galgaduud.
Sida ay wararka Addis ababa ka imaanaya sheegayaan, ciidamada booliska federaalka Itoobiya ayaa waxa ay ka wadaan magaaladaas hawlgalo ay si gaar ah ugu beegsanayaan dadka Soomaalida ah gaar ahaan kuwii ay kaga shakiyaan inay xiriir ala leeyihiin ama taageersanyihiin Xarakada Alshabaab.
Baiadoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com