Monday, May 20th, 2013

Beelaha Leysaan iyo Gare oo magacyadii dib loogusoo celiyay ku bedelay kuwo kale. (Aqriso magacyada)

Ayada oo horay loogusoo celiyay qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed liisaskii xildhibaanada ee ay u gudbiyeen gudiga soo xulitaanka xildhibaanada ayaa waxa ay beelaha qaar dib u celiyeen isla magacyadii oo aan weli laga qaban halka kuwo kalena ay ku bedeleen xildhibaanadii hore kuwo cusub.

Hadaba beesha Leysaan ee Digil iyo Mirifle ayaa waxaa dib loogusoo celiyay rag uu kamid ahaa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo loo haystay dembiyo dagaal inkastoo aanay jirin maxkamad kusoo oogtay dembiyada lagu haysto.

Beesha Leysaan ayaa waxa ay soo gudbisatay xildhibaanada kala ah,

Cabdulaahi xaaji Xasanow Manuur. wasiirkii ugu dambeeyay ee arimaha dibada ee xukuumadii raisalwasaare Gaas

Isaaq Sheekh Banaani iyo

Mad Fanax

 

Beesha Gare ee isla Digil iyo Mirifle ayaa sidoo kale soo gudbisatay

Abuukar Mardaadi wasiirkii hore ee gaashaandhiga, Cabdi Kaafi iyo xildhibaan kale oo aanay noo suurta gelin innaan magaciisa helno.

Waxaa sidaas xildhibaanimadii ku waayay Maxamed Ibraahim Xaabsade oo sanadihii ugu dambeeyayba soo ahaa xildhibaan inkastoo ay jiraan rag isaga lamid ah oo waayay xildhibaanimada kuwaasoo ay kamid yihiin Maxamed Qanyare Afrax iyo kuwo kale.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply