Ku:- Maqaalyada, Suldaanada iyo Hogaamiyeyaasha Qowmiyadda DigilMirifle. Guddiga Farsamadda ee Xulashada xubnaha Baarlamaanka cusub.
Wakiilka UN-ta u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Beelaha Afarta Boqolhore ee UK oo Baaq ku wajahan Qeybsashada Qeybta Xubnaha Baarlamaanka Cusub ee DigilMirifle u diraya Malaaqyada, Suldaanada iyo Hogaamiyeyaasha hadda hawshaas ka mas’uulka ah.
Marka hore waxa aan dhamaan dadka aan kor ku soo sheegay ku amaaneynaa sida wanaagsan ee ay geedi socodka nabadda Soomaaliyeed uga qeybqaateen iyo sida ay guud ahaanba cadkii ay DigilMirifle sadka guud ee Soomaaliya ku lahaayeen ay qeybtooda uga soo xalaaleysteen. Waxaan si gooni ah ugu amaaneyneynaa doorka wanaagsan ee ay shirar badan oo ay ugu dambeeyenntii Istanbuul iyo labadii is xig-xigtay ee Xamar (Mogadishu) lagu qabtay oo kii u dambeeyey dhamaad yahay marka ay liiska xildhibaanada DM u gudbiyaan Guddiga Farsamada.
Waxaa na soo gaaraya war sheegaya in si uu sadbursi ku jiro Qoqmiyadda DM dhexdeeda wax loogu qeybinayo iyada oo beelaha qaarna laduudsiinayo sida beelaha Yallale iyo Harow, beelaha qaarna sed yar la siinayo, beelaha qaar kalena sed dheeraad ah la siinayo oo ay min saddex ilaa afar ay qaadanayaa. Waxaa kale oo jira in beelo beelaha qeynta 5-aadna sed ka hela oo sedka Miriflena wax ka qaatay sida beesha Eyle iyo Asharaaf oo kale.
Waxaan madaxda DigilMirifle ee uu ugu horeeyo Shariif Xassan Sheikh Aadan ugu Baaqaynaa in aysan sii socon cadaalad darro dhawaanahan la caadiyeystay oo beelaha qaar xaqooda la duudsiinayo qaarna loo lisayo xaq aysan laheyn tirro ahaan iyo tayo ahaanba.
Waxa aan ku baaqeynaa in:
1. La hubiyo inay Yallale iyo Harow ay min hal xildhibaan la siiyo
2. La hubiyo in beelaha min labo ama min saddex ama min afar saami ahaan loo siiyey ay midkoodii kasta uu qof haweeney ah uu xildhibaan ka soo dhigo si saamiga haweenka ee qeybta DigilMirifle loo helo.
3. La hubiyo in haddii ay suurtogal tahay beelaha min saddex ama afarta saami ahaan loo siiyey ay min xal xubin soo celiyaan iyaga oo eegaya mas’uuliyada ka saran dhowrista xuquuqda wax wada qeybsiga ee ummadan ay ka midka yihiin.
4. La hubiyo in tirrada xildhibaanada la siinayo beelaha Eyle iyo Asharaaf laga fiirsado inay xaq yihiin iyo in kale maxaa yeeley labaduba qeybta Shanaadna xildhibaano bay ka helaan.
Ugu damneytii waxaan ognahay in uu hadal ka taagan yahay tayada xubnaha xildhibaanada ay madaxda DigilMirifle soo xolayaan iyo inay ikhtiyaar u leeyihiin iyo qofka ay soo magacaabayaan lagu qasbo ama lacag laga siisto. Hase ahaatee, afarta Boqol Hore ahaan, madaxda DigilMirifle, anaga oo aan kala reebeynin waan ku wada kalsoonahay waxaanse ugu baaqeynaa inay, iyaga oo caqligooda iyo caqiidadooda kaalmeysanaya, ummada u magacaabaan rag iyo dumar tayo iyo aqoonba leh oo dadka, dalka iyo diintaba wax u qaban kara.
Guddiga Farsmada ee xulashada xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya waxa aan ugu baaqeynaa inay ixtiraamaan aqbalaana xubnaha ay madaxda DigilMirifle u soo gudbiyaan. Goorta keliyaha ee ay su’aal ka keeni karaanna noqto uun haddii ay tayo ahaan ama taariikh ahaan u arkaan in magac xildhibaan ahaan loogu soo gudibiyey uusan ku habooneyn marka la eegayo shuruudaha ku xiran xulashada xubnaha baarlamaanka cusub. Haddii ay taas dhacdana waa in aan booskaas beeshii saami ahaanta ay madaxdoodu ugu soo qoondeeyey lumid ee Malaaqa ama Suldaanka ama Boqorka beeshaas fursad labaad iyo waqti cayiman oo uu qof kale oo beeshiisaas ah ku soo magacaabo.
Ilaah siraadka wanaagsan ha nagu wada hanuuniyo.
Wakiilada Afarta Beelaha Boqol Hore:
1. Malaaq Cabdullahi Moallin – Malaaqa beelaha Boqol Hore ee UK
2. Mudane Aadan Cali Buulle, Guddoomiyaha Beelaha Boqol Hore ee UK
3. Mudane Maxamed Abdulqaadir Adan (Zope) – Guddoomiye Ku Xigeenka Beelaha Boqol Hore ee UK
4. Mudane Cabdullahi Macalim Cabdi, Guddoomiyaha Gollaha Guurtida ee beelaha DigilMirifle ee UK
5. Mudane Ilyaas Saciid Cali – Afhayeenka Beelaha Boqol Hore ee UK
6. Mudane Mustafa Mohamed Sheikh – Xoghayaha Beelaha Boqol Hore ee UK ahna Xoghayaha Warfaafinta ee Guddiga Fullinta Beelaha DigilMirifle ee UK
7. Mudane Cabdiraxmaan Mustaf – Xoghayaha Maaliyadda ee Beelaha Boqol Hore ee UK
8. Mudane Ibraahim Macallin (Kaduud) - U qaabilsanaha Arrimaha Bulshada ee beelaha Boqol Hore ee UK
9. Mudane Cabdi Adan (Cabdi Dheere) - Wakiilka Beelaha Boqol Hore ee Lodnon,UK
Baidoa media.