Tuesday, May 21st, 2013

Baydhabo oo saakay si weyn looga Ciiday.

Ayada oo si weyn maanta looga ciidayo guud ahaan dunida Islaamka gaar ahaan dalka Soomaaliya ayaa waxaa si heer sare ah looga ciidayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Kumanaan dadweynaha reer Baydhabo ah ayaa waxa ay salaada ciida ku tukadeen garoonka kubbada cagta ee Dr Ayuub stadium halkaasoo sidoo kale ay kusoo tukadeen masuuliyiinta gobolka Bay iyo kuwa degmada Baydhabo.

Dadka oo ay wejiyadooda farxad weyn ka muuqatay ayaa isku salaamayay ciid wanaagsan iyo ciid mubaarak ayada ay carruurtuna kusoo lebisteen dhar aad u qurux badan.

 

Xafiiska Baidoa media ee,

Baydhabo Janaay.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply