Magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa dil loogu geystay qof rayid ah ayada oo ay dilkiisan geysteen rag dabley ah oo aan heybtooda la garanaynin.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay suuqa sarifka lacagaha qalaad ee bartamaha magaalada Baydhabo.
Dilka ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxa uu qayb ka noqonayaa dilal qorshaysan oo dhawaanahaanba ka socday gudaha magaalada Baydhabo ayada oo inta badana loo saariyo dilalka ka dhacayo magaalada Xarakada ALshabaab oo horay ciidamadeeda looga saaray Baydhabo.
Dhawaan ayay ahayd markii ay rag hubeysan ku dileen gudaha magaalada Baydhabo malaaq Cabdow Yoonis oo kamid ahaa malaaqyada gobolka Bay.
Saraakiisha dowlada KMG Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaanan wax war ah kasoo saarin dilalka ka dhacay magaalada ayada oo uu maamulka gobolka Bay iyo kan degmadaba markastaba sheegaan inay wax ka qabanayaan amaanka magaalada.
Xafiiska warqabadka
Baidoamedia.com
ee Baydhabo .
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com