Thursday, June 20th, 2013

Baydhabo oo lagu dilay nin taksiile ah.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa dil loogu geystay nin kamid ahaa taksiilayaasha magaalada kaasoo ay dilkiisa geysteen laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa isla markaasna wejiyada soo duubtay.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nuur Hilowle Macalin.

Nimanka dilka geystay ayaa goobta uu dilku ka dhacay ka baxsaday ayada oo aanay jirin cid loo qabtay dilka ninkaas taksiilaha ah.

Dhawaan ayay ahayd markii askari ka tirsanaa ciidamada tababarka uga socdo magaalada Baydhabo ay kooxo hubeysan ku dileen magaalada xili maalinimo cad ah.

Amaanka Baydhabo ayaa u muuqdo mid mar kale gacanta kasii baxayo kadib markii uu dhawaan soo hagaagay.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply