Tuesday, June 18th, 2013

Bayaan taageero ah oo ay soo saareen beelaha Boqolhore ee UK.

 

Bayaan deg deg ah oo ka soo baxay Beelaha Afarta Boqolhore ayaa si buuxda loogu taageeray magacaabista Degmooyinka Cusub ee uu soo magacaabay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Magacaabista Degmooyinka Buula Jadiid iyo Dolondoole ayaa waxaa Beelaha Boqolhore ee dalka Ingiriiska ay ku soo dhaweynayaan Farxad iyo Niyad-wanaag, isla markaasna waxay u dirayaan Mahadcelin siyaasiyiinta beesha ee xilka wey iska saaray howshaan culus oo ay beesha ku heshay labadaan degmo ee kala ah Buula Jadiid iyo Dolondoole.

Bayaanka soo dhaweynta ee ay soo saareen Waxgaradka Beelaha Boqolhore ee Ingiriiska ayaa waxaa dhinac socda fariin loo dirayo dhamaan Jaaliyadaha bulsho weynta Boqolhore meel kasta oo ay dunida ka joogaan, in ay u diyaar garoobaan horumarinta iyo sare u qaadista haday ahaan lahaayeen dhinacyada Waxbarasho, Caafimaad iyo Dhisma intaba.

Ugu dambeyn Beelaha Afarta Boqolhore ee dalka Boqortooyada Ingiriiska waxay soo dhawaynayaan go’aanka uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu ugu magacaabay Degmooyin Dolondoole iyo Buula Jadiid ee ka kala tirsan gobolada Baay iyo Bakool.
Dadka Ku Saxiixan Soo Dhawaynta Magacaabista Degmooyinka Cusub Waa Sidaan Hoos Ku Qoran:
Wakiilada Beelaha Afarta Boqolhore ee Dalka UK:

1. Malaaq Cabdullahi Macallin   – Malaaqa beelaha Boqol Hore ee UK
2. Mudane Aadan Cali Buulle, Guddoomiyaha Beelaha Boqol Hore ee UK
3. Mudane Maxamed Abdulqaadir Adan (Zope) – Guddoomiye Ku Xigeenka Beelaha Boqol Hore ee UK
4. Mudane Ilyaas Saciid Cali – Afhayeenka Beelaha Boqol Hore ee UK
5. Mudane Mustafa Maxamed Sheekh – Xoghayaha Beelaha Boqol Hore ee UK
6. Mudane Cabdiraxmaan Mustaf – Xoghayaha Maaliyadda ee Beelaha Boqolhore ee UK
7. Mudane Ibraahim Macallin (Kaduud) -  U qaabilsanaha Arrimaha Bulshada ee beelaha Boqol Hore ee UK
8. Mudane Cabdi Adan (Cabdi Dheere) -  Wakiilka Beelaha Boqol Hore ee Lodnon,UK

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to Bayaan taageero ah oo ay soo saareen beelaha Boqolhore ee UK.

  1. Saaxiibayaal waa mahadsantahiin taageerada gobolka cusub ee la magacaabay Laakin waxaa u baahanhay mr kaduud numberkiisa Waxaa I gala soo xariir kartaa tel waa 6147722397 columbus Ohio USA

Leave a Reply