LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Bay maamul waaba loo magacaabee maxaa Jubbadda hoose loogu magacaabi la’yahay?

Waa su’aal ay dad badan oo Soomaali ah is weydiinayaan mar haddii ay dowladu u magacawday maamul cusub gobolka Bay sababta ay Jubbadda hoose uga aamusantahay.

Baydhabo waxaa laga iclaamiyay shirweyne ay yeeshaan lixda gobol ee koonfurta Soomaaliya ee kala ah Jubbadda hoose, Jubbada dhexe, Bay, Gedo, Bakool iyo Shabeelada hoose, ujeedada shirkaas loogu baaqay ayaa ahayd in hal maamul oo xoogan ay wada dhistaan dadka ku dhaqan lixdaas gobol balse maxaa dhacay?

Dowlada federaalka oo hadba cidii ay u aragto inay dowladnimadu ka go’antahay fursad ka dhex raadsata ayaa waxa ay gudoomiye ugu magacawday gobolka Bay mid kamid ah gudigii qaban qaabada dhismaha maamul goboleedka lixda gobol kaasoo lagu magacaabo Cabdi Aadan Hoosow islamarkaasna kamid ah dhalinyarada gobolka kasoo jeeda ee mudooyinkii ugu dambeeyay dalka dibadiisa ku noolaa.

Dhanka kale, magaalada Kismaayo oo aysan saameyn ku lahayn dowlada Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Kenya iyo kuwa jabhada Raaskambooni ayaa lagaga dhawaaqay shirweyne maamul gaar ah loogu dhisayo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo taasoo  ka hor imaanaysa rabitaanka shacabka ku dhaqan goboladaas oo aan rabitaankooda wax laga weydiin.

Hadaba dowlada ayaanan shirka Kismaayo is hortaagin maamulna u dhisin gobolka Jubbada hoose halka shirkii Baydhabo ay tashwiish ku furtay.

Kismaayo iyo Baydhabo maxay ku kala duwanyihiin.

Kismaayo waxaa gacanta ku haya ciidamo beeleed ka tirsan jabhada Raaskambooni kuwaasoo lagasoo qoray deegaanada miyiga ah ee agagaarka Afmadow iyo Dhoobley iyo weliba deegaanada gobolka ay Soomaalidu degto ee Kenya.

Ciidamadaan ayaa waxa ay isku bahaysteen qaab beeleed ayaga oo garab ka helaya dowlada Kenya ayayna magaalada Kismaayo ku suganyihiin.

Gudoomiyaha maamulka KMG magaalada Kismaayo ayaan sinaba uga tirsanayd dowlada Soomaaliya isaga oo hada ah hogaamiye kooxeedka kaliya ee u dhaqmaya qaabka hogaamiye kooxeedyadii hore ee Soomaaliya taasoo u baahan inay dowlada Soomaaliya wax ka qabato.

Baydhabo dabcan waa magaalo si weyn looga taageero dowlada federaalka Soomaaliya, ciidamada ku sugan waa ciidamo dowlada toos u hoos taga inkastoo la oran karo waxa ay u badanyihiin dadka deegaanka balse hadana dowlada ayay si toos ah u hoos tagaan ugana amar qaataan.

Marka dowlada ayada oo ka faa’idaysanayso arintaas ayay shirkii Baydhabo carqaladeysay halka kii Kismaayana ay ka aamusantahay kaasoo 23ka bishaan loo ballansanyahay, balse waxaa hubaal ah inaysan socon doonin waxkasta oo aan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ku imaanin.

Soomaalidu waxay u baahantahay inay wada tashato goboladana sida ay dadku isku ogolyihiin isku raacaan mar haddii nidaamka federaalka ah la qaadanayo balse ma ahan inay koox ama qolo inta isku halayso ciidan shisheeye waxay doontaa sameyso.

Maah maah ayaa waxay oranaysaa ”Gurbaangtii atha hada meelii ky weeriya fadiyaa lakoo fadee” Af maxaa hadaan u dhignana waa ”Gurbaantaad xadid meeshaad ku tumi lahayd ayaa lagaa rabaa” marka Kenyaatigu waa ay baxayaan, Soomaalidana ayadaa iskusoo harayso ee wixii aan laga wada tashan masii socon doonaan?  Jawaabta waxaan u dhaafayaa aqristayaasheena sharafta leh.

 

Baidoa media Editorial.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply