LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Baroortu orgiga ka weyn, ma Jawaaribaa la eedaynayaa mise Luuqada Maayga ayaa lala dagaalansanyahay?

Waxaa wax lagu qosla ah warbixin dheer oo ay qortay mid kamid ah websiteyo beeleedyada Soomaaliyeed taasoo si weyn u eedaysay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Allbanaadir.com websiteka lagu magacaabo ayaa waxa uu eedayn aan sal iyo raad toona lahayn kula kor kufay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed iyo wasiir kuxigeenka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Ibraahim Isaaq Yarow.

Eedaynta ayaa ahayd in gudoomiyaha baarlamaanka uu musuq maasuq ku dhaqaaqay oo uu wasiir kuxigeenka warfaafinta mudane Ibraahim Isaaq Yarow kula heshiiyay in wariyayaal luuqada Maayga ku hadla laga shaqaaleeyo wasaarada warfaafinta weliba la siiyo mushaar ka badan kan ay qaataan wariyayaasha kale ee ka howlgala wasaarada warfaafinta!!

Bal Soomaaliyeey warkaas meel u bixiya, ”Mushaar ka badan midka ay qaataan wariyayaasha kale” Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa shaqaalaysiinaya wariyayaal ku hadla luuqada Maayga”

Website beeleedkaan lagu magacaabo Allbanaadir ayaa waxa uu iloobay in dastuurka Soomaaliya uu ku qoranyahay in luuqada Soomaaliga ay tahay Maay iyo Maxaatiri, waxa uu iloobay in mudooyinkii ugu dambeeyayba aanay jirin barnaamishyo ku baxa luuqada Maayga oo ay luqada Maxaatiriga oo keliya ahayd mida lagusoo tebiyo barnaamishyada TVga iyo Idaacada qaranka.

Luuqada Maayga waxaa looga hadlaa lixda gobol ee ugu wax soo saarka badan koonfurta Soomaaliya ee kala ah Jubbooyinka, Gedo, Bay, Shabeelada hoose iyo Shabeelada dhexe.

Mideeda kale haddii ayba jirto xitaa in wariyayaal ku hadla luuqada Maayga laga shaqaalaysiiyo warbaahinta qaranka oo ma musuq maasuqbaa? Oo Soomaaliya sow Soomaaliya malahan mise Soomaaliya Maxaatiri ayaa iska leh?

Website beeleedka Allbanaadir.com waxaa haboon inuu ka fiirsado wararka uu qorayo. Haddii uu dagaal kula jiro luuqada Maayga waa inuu bareerihiisa cadaystaa, haddii kale waa inuu faraha kala baxaa masuuliyiinta dowlada Soomaaliyeed oo uusan u kala qaad qaadin mid mid wax aanan jirina ka qorin.

Hadalada websitekaas waxaa kamid ahaa” Waxaa dad badan oo indheer garad ah ay wax layaab leh ku tilmaameen in Gudoomiyhii baarlamaanka oo xanbaarsanaa sharafta golaha sharci dejinta Soomaaliya oo laga doonayay in uu u doodo dhamaan umada Soomaaliyeed uu ku dhiirado in uu shaqsiyaad ehel la ah waliba intooda badan shaqooyin ku heesta magaalada uu shqooyin u raadiyo”

Oo cidii luuqada Maayga ku hadlaysaba ma isku jufaa? Oo inta Maxaatiriga ku hadasho ma isku ehelbaa? Allbanaadir kuwa qoroow waa inaad dadka kala barataan, dagaal beeleedka aad wadaan iyo ” Waxayga lihi waxaagana kula lihidana” joojiya ileen Soomaaliya hadaa la rabaa in dib layskugusoo celiyee.

Luuqada Maaygana adinka idima weydiinayso inay qaybta kaga aadan qaranimada Soomaaliyeed qaadataa. Dadka ku hadla luuqada Maaygana Illaah ayaa Soomaali ka dhigay ee cidna ugama marti ahan arintaas.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *


*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>