Friday, May 24th, 2013

Barnaamijka Xanaanadda Xoolha Qeybta 2aad‏

Taarikhadda Cilmiga xanaanadda xoolaha.

Cilmigani waxaa soo adeegsan jirey masaaridii  iyo hunuudi hore(Egyptian& Indian

ancient);labo caalim oo waagas  noolaa oo laka oranayo paprus of kahun iyo vedic literature, ayaa waxey ahaayeen  kuwii wax ka sheegey cilmigan xanaandda xoolaha (1900BCE).

 

AABAHA CILMIGA XANAANADDA XOOLAHA.

Wuxuu ahaa”AROMAN VERTERNARIAN” la oran jirey “RUNATUS VEGTIUS” oo noolaa (45O-5OOA.D),wuxuu ikhtiraacey ama hindisey  buugii uga horeeyey ee cilmiga xanaanaadda xoolaha oo la oran jirey buugaas”BOOK OF VET ARTS”.

Aragtadiisa curadda xoolaha ku dhacaa iyo ilaalintooda ayaa xoogsaarey boogiisa;waxaa isbedel ku sameeyey dadka iyo xoolaha caafimaadkood,waxaan loo aqoonsadey in uu yahay “the father of vet.medicine”.

Sidoo kale waxaa jirey isna qof kale oo RAMON ahaa la oran jirey”slave androcyle” ayaa waxaa soo jiitey suulka cagta libaaxa oo mar walibana cidyaha u jari jirey beertiis dhexdeeda waxaa loo aqoonsadey in uu yahay “the first veterinarian”.

 

AAS-AASIHII COLLEGE KII UGA HOREEYEY LAGA BARTO CILMIGA XANAANADDA XOOLAHA.

Cilmigani xanaanadda xoolaha casrigani waxaa laga keeney ama asal u ah wadanka faransiiska.

Sanadkii 1664 kii nin la oran jirey”Jacques labessie De solleysel.wuxuu daabacey buug cilmiga xanaanadda xoolaha ah oo dhameystiran,daabacaadani ama shaqadaan uu qabtey waxey aheyd mid aad u horeysey,qarnigii 17th.

Qofkii aas-aasey college ayaa ahaa nin faransiis ah oo  la oran jirey”claude bourgelate”,oo noolaa (1712-1779),mr.bourgelate wuxuu xooga saarey heerarka cilmiga xanaanadda xoolaha ,waxaa si weyn u xiisayey fardaha.

Sanadkii 1751 kii waxaa uu qorey buuga ah”Equine medicine”,-equine-Waxaa la isku oranayo waa fardaha, dameeraha, baqasha ,geeyadda iyo dhamaan xaywaanaadka “mono-gastric” ga ah.

Sidoo kale waxaa baaritaan ku sameeyey “glander”;waa ibela ku dhacaa qanjidha jirka neefka ama dadka waana ka guul gaarey ciribtirka cuduradda fardaha ciidamadda faransiiska waagaasi.dabadeedna waxaa uu ka codsadey in uu furro “college vet.medicine” lagu barto cilmiga xanaanaad xoolaha.sidaas darteedi college kii uga horeeyey aduunka lagu barto cilmiga xanaanadda xoolaha ayaa dhibadda looga taagey magaaladda lyon faransa sandku markuu ahaaa 1-junaury-1762.

 

Hassan Basha ismael

                                  Bashaa03@hotmail.com.

                                  BURAO -TOGDHEEER.

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply