Dabeecadaha dameeraha
Dameeraha waxey lee yihiin sumcad xamuun macangegnimo ah ama madax-adkeen;lakiin, tani waxaa sabab u ah ama loo caaneynayo waxey tahay xoog badanaatooda”self preservation”.
Way adagtahay in aad qasabto ama la degaalanto dameeraha in uu yeelo shay,waxaa alaga yaaba in khatar weyn kala kulanto;sikastaba ha ahaatee waxaa ay is fahami karaan,hal qof iraadadiisa iyo rafiiq la yeesho.
Inkastoo sida asal ahaan lagu bartey dameeraha dabeecadoodi iyo garashadoodi ama fahamkoodi sida runta u dhowna uu xadidan yahay, hadana waxey u muuqdaa kuwa ka jawaaba xaaladaha la soo gudboonato.dameeraha waxey ka mid yihiin xaywaanaadka aan isbedel sameyneyn ama damiin ah.
MEELAHA LAGA HELO DAMEERAHA(PRESENT STATUS):
Ku dhowaad 41 million oo dameero ah ayaa laga tirakoobey aduunka sanadkii 2006,waxa sidaas sheegdey ama fulisey ha’adda “FAO”in ay ku nool yihiin .waxaa uga horey wadanka china ,waa wadakan uga tiradda badan dameerah aduunka waxaa ku nool 11 million dareemo ah.waxaa xigga Pakistan, Ethopia iyo mexico.
| gobaladda | Tirada sinjiyadda dameeraha | Boqol kiiba(%). |
| Africa | 26 | 26.9% |
| Asia&pacific | 32 | 37.6% |
| Europe&causcus | 51 | 3.7% |
| Latin America&caribbean | 24 | 19.9% |
| Near&middle East | 47 | 11.8% |
| Nouth america | 5 | 0.1% |
NB.waxaa jiraa 185 sinji(breeds) oo dameero ah duunka,tiradoodina waxey gaareysaa 41 million.
TARANKA DAMEEERAHA
Dameeraha mida dhediga ah waxaa lagu magacaawa “Jennet”ama dameerey waxey uur qaadaa 12 bilood,markii garto.;inkastoo ay kala duwantahay xilliga dhalmadda (gestation period),waxey u dhaxeysaa 11 ilaa 14 bilood ayey sidi kartaa uur ku jirka.dhediga dameeraha inta badan waxey dhashaa hal “Foal”,dhalida labo foal waa nadir taas oo aya kaga yertahay fardaha boqol kiiba(7.3%).ayaa dameerada mataanadda dhalaa. Dhediga dameeraha waxey urgoodaan(oestrus ama heat period)inta u dhexeysaa 9 ilaa 10maal mood .
Dameeraha waxaa lagu tilaali karaa mid kale ee “Equidae” family giisu yahay waa fardaha.goor isku tilaalid( hybrid) lab-dameer(jack) iyo dhedi fardaha(mare), waxaa ka soo baxaaw waa Baqal(mule) iyo midka labo goor isku tilaalida u dhexeeya labka fardaha(horse) iyo dhediga dameeraha (jennet); waxaa ka soo baxaa Geynyo(Hinny).
Dameeraha iyo fardaha wixii ay isku dhalaan sida; Baqasha iyo Geynyadda ma tarmaan waa madhaleysi(sterile).sababtoo ah ,farasxka wuxuu leeyahay 64 chromosomes-hidosidayaal ah, bacdmaa dameeraha ay lee yihiin 62 chromosomes-hidosidiyaal ah.waxeyn soo saaraan ubad (progeny)leh 63 chromosomes-hidosidiyaal ah.
BY: Hassan basha Ismael
E-mail: Bashaa03@hotmail.com
BURAO-TOGDHEER.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com