Wednesday, May 22nd, 2013

Barnaamijka Cilmiga Xannaanadda Xoolaha Qeybtii 7aad& Hassan Basha Ismael.‏

Dameeraha (Equus AFricanus sinus) waxey ka mid yihiin xaywaanaadka lagu rabeysto guryaha,wuxuu ka tirsan yahay family ga “Equidae”.dameeraha waxey ka mid ahaan jireen ama loo siticmaali jirey xaywanaadka lagu shaqeysto mudo laga joogo uga yaraantiin 5000 sano.

Waxaa jiraa in ka badan 41million oo dameera ah dunida,intoodi badan waxaa laga helaa wadamadda aan hormarsaneyn  ;taasi oo asal ahaan loo adeegsado  xamuul saarid ama raarid.

Tirooyin yar oo dameero aha ayaa laga xannaaneyaa wadamada horumarey.dameerka kan labka aha waxaa lagu magacaawa “jack” ama “Dameer”,kan dhediga ahna waxaa looga yeeraa “jennet” ama “Dameerey”, Dameerka aan qaan gaarin waxaa la yiraahdaa “Qeyl “.

Dameeraha markii ugu horeysey oo la rabeysto(gurujoogeyn) waxey ahay qiyaastii 3000BC ama 4000BC.meelaha lagu rabaayideyey ayaa  ahaa“Egypt” ama “Mesopotamia”(waa dhulka u dhexeeya labadda wabi ee Dijila iyo furaat ee ku yaalaan dalka ciraaq),ka dib waxey ku fideen daafaha aduunka, goortii la rabaayadeeyey (African wild Ass) iyo meelo kale sida koonfurta Asia.

TAARIIKHDDA DAMEERAHA( HISTORY OF ASSES).

Dameeraha casrigani waxey ka oo unkameen wadamadda Numbia iyo Somalia.waa jinsi  hoose kaas oo ka soo faracamey (African wild ass).dameeraha waxey  guri jog noqdeen Fourth  mellinium BC, waxaana laga heley meesha la yirado” Ma’adi” oo masar ah.waxaa la rumeysan yahay in uu noqdey guri joog ka dib markii la dhaqdey lo’da, idaha iyo riyaha waqtigii seventh iyo eight mellinium BC.sida dhabta ah dameeraha  ayaa markii uga horeysey rabaayadeeyey dadka xoolo dhaqtada ah ee reer numbia.

Sanadkii 2003 qabriga boqor Namer ama boqor hor-aha (the two first egyptian pharaohs)ayaa  la faagey waxaa lagu arkey toban dameero qal-fooftoodi oo la duugnaa; tani waxey ku tusineysaa sida ay u dhaqan jireen dameeraha masariidii hore, inta badan arin waxey u sameyn jireen dadka uga garaadka sareeya(xaakamiinta).

Dhamaadkii Fourth  mellinium BC, dameeraha waxey ku fideen  koonfur-galbeed Asia waxey siweyn uga tarmeen bartamaha dhulka Mesopotapia( waa dhul u dheexeeya labadda webi dijila iyo furaat).sanadkii 1800BC waxey u soo gudbeen Syria ,muscat iyo yaman.

Dameeraha markii uga horeysey ee ay gaaraan America waxey ka gaareen doon uu watey ninka la yirahdo  “second voyage of Christopher”waxaa la dhigey “Hispaniola”sanadkii 1495.

Damareeahii  uga horeey ee waqooyiga  America  gaaraan waxey ku gaareen labo siyaabadood: dhanka Mexico waxaa keeney Juan-de Zumarrage, kaas oo yimi sanadkii 6th-December-1528, waa goortii ay dameerah ay gaareen meesha manta loo yaqaabo United state  of America waxaa keeney “ Rio-Grande” waxaa la socdey “Juan de onote”.


 BY:Hassan basha isamel

 E-mail:bashaa03@hotmail.com

 BURAO-TOGDHEER.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply