Geelo waa noole xoogbadan oo Eebe ugu nimceeyey Aadanaha.geela ayaa ah kan uga xoogan noolasha reer miyiga,sababtoo ah isaga oo xoogan oo adkeysina lu leh degaanadda xaalufka ah ama lama degaanka ah.
Xoolah noole,gaar ahaan geela,siweyn ayaa looga qadariyaa, daaqsataduna ay u siinayaan ahmiyad.waxaa qofka dhaqdaa ku soo kordhiyaa hodantinimo iyo magacweyn oo bulshadda dhexdeeda ah.
UJEEDOOYINKA LOO DHAQDO GEELA.
· Caano ahaan
· Hilib ahaan
· Gaadiid ahaan sida; rarista iyo dhaansashadda
· Qodista beeraha
· Soo saarista biyaha ceelasha dhaadheer.
Waxaa jiraa labo sinji oo geela aduunka ah
1. sinji leh hal kurus sida nooca soomaalidu dhaqdaan (Arabian camel/dromedry).
2. sinji leh labo kurus sida; nooca lagu dhaqdo wadamadda carbeed(Bacterian camel).
Abla-ableyta geela santiifik ahaan.
| kingdom | animalia |
| phylum | chordata |
| class | mammalian |
| order | artiodactyla |
| family | camelidae |
| Genus | camelus |
| species | Camelus dromedies or camelus bacterian. |
N.B:xoolaha labo qajaaf liyaasha ahi waxaa waaye:(geela,lo’da iyo ariga).waa (artiodactyla) waaye duul koodi.
Geela hal kurus laha ahi waxuu sidaa uurka 390 maalmood, bacdamaa kan labo kuruslaha uu sido 405 maalmood(gestation period).
GEELA SOOMAALIYA
Wadanka soomaaliya ayaa ah wadanka uga geela badan aduunka waxaa lagu qiyaasey 10 malion. geela soomaalia ayaa waxaa lagu tilmaamey boqol kiiba(43%) in ay dhaqadaa soomalida aduunka intiisa kale waan geela looga jecel badan yahay waaye daafaha aduunka sinjigiisa.
Waxaa ku xigga wadan suudaan oo ah qobol kiiba (18%) markii la isku daro wadartooda ay tahay (61%) ,taas oo ka dhigan tahay geela uga tiradda badan in lagu helo caalamka islaamka.
ASTAAMAHA GEELA SOOMAALIYA
Waxaa jiraa astaamo ama magacyo farbaddan oo ay soomaalidu geelahood uga yeraan
Geela uga caasan waxaa ka mid ah HORR IYO SIIF-DACAR.
Geela iyo lo’da waxaa la isku aranayaa ishkin .geela lab
ka ah waxaa la yiraaahdaa Rati,kani dhedga ahni waxaa la yiraahdaa hal.marka
Ay yaryeryihiina waxaa la yirirahdaa NIRIG iyo QURBAC
Astaanta waxaa saameyn ku leh degaanka( environmental ama ecological).tusaale ahaan geela ku nool kuufurta soomaaliya waa uu waaweyn yahay,dhaadheer yahay iyowuu culeys badan yahay, mar loo eego kan ku nool waqooyiga .
Geela waqooyiga soomaaliya ku nool waa ay gagaaban yahay,,geelani waxey lii yihiin dhoqor jilic san marka ay joogaan dhulka hoose( howd)laakin marka joogaan dhulka sare (buuraha) ,dhoqortoodi way adagtahay.
Hassan Basha Ismael
Bashaa03@hotmail.com
BURAO-TOGDHEER.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com