Magacyada Gudiga Afurinta Masjid Jaamaca Baydhabo 1-Gudomiye: Sh.Nuur Dheere tell: 0615593718 2-Kuxigeen Shariif Cabdalla Eelaay : 0615578320 3-Xiriiriye Bashiir Maxamed Aadan 0615590121 4-Maxamed Sh.Aadam 5- Macaani Sh.Sahal 6- C/Rashiid Sh .Maxamed Tarafiko

LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Baraf xoogan oo dabeylo wato oo ka dhacayo dalka Sweden, (Sawiro)

Ayada oo uu dhawaan un bilawday xili barafeedka jiilaalka ee qaarada Yurub ayaa waxaa hadana ka dhacayo wadamada qaar baraf xoogan oo dabeylo wato.

Dalka Sweden oo kamid ah dalalka laysku dhaho Scandanavian ayaa waxaa ka dhacayo baraf dabeylo xoogan wato kaasoo meelaha qaar ka dhaliyay shilal ay dad ku wax yeeloobeen.

Magaalada caasimada ah ee Stockholm ayaa waxaa gadoomay bas ku safrayay wadada tagta gegida diyaaradaha Arlanda halka bas nooca labada dabakh ah uu ku rogmay wadada isku xirta magaalooyinka Uppsala iyo  Västerås.

Magaalada lagu magacaabo Hallstahammar oo ku taalo gobolka Västmanland ayaa waxaa lagasoo sheegayaa in basaskii ardayda kasoo qaadayay iskuulada ay imaan waayeen maanta oo ay dhacday inay waalidiinta carruurtooda kasoo kaxeystaan iskuulada.

Iskusocodka gaadiidka guud ahaan dalka Sweden ayaa ahaa mid gaabis ah maanta oo Arbaco ah maadaama ay dabeyl xoogan dhacaysay shilalkuna ay badnaayeen wadooyinkana baraf badan uu xiray.

Ilaa sadex qofood ayaa ugu dhimatay sababo la xiriiro shilal ay sababeen jawiga xun iyo dabeylaha maanta ka taagan guud ahaan dalka Sweden.

Raisalwasaaraha dalka Sweden oo lagu waday inuu maanta booqasho ku tago magaalada Hudiksval ayaa hakiyay safarkiisa sababo xaga dabeylaha iyo barafka daran ee ka dhacaya Sweden sidoo kale wasiirka waxbarashada Sweden Jan Björklund oo isna lagu waday inuu u safro magaalada Landskrona ayaa baaqday kadib markii ay baaqatay diyaaradii qaadi lahayd.

Guud ahaan waxaa sidoo kale hakad ku jiro inta badan isku socodkii tareenada iyo diyaaradaha dalka Sweden goboladiisa kala duwan ayada oo la saadaalinayo inay dabeylaha iyo barafku sii socdaan ilaa caawa.

cure of vitiligo/baraf5/” rel=”attachment wp-att-32936″>

Baidoa media.

zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.