Wednesday, May 22nd, 2013

Bandow ka jira Beledweyne iyo ciidamada Itoobiya oo qaraxyo lagula eegtay magaaladaas.

Waxaa saakay ka jira bandow guud ahaan xaafadaha magaalada Beledweyne ee caasimada gobolka Hiiraan ayada oo qaraxyo lagula eegtay halkaas ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan magaalada.

Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ayaa lala eegtay ciidamada Itoobiyaanka xili ay biyo dhaamis usoo aadeen ceelal ku yaala magaalada gudaheed.

Wararka qaar ayaa sheegayo in qaraxyadaas ay qasaarooyin kasoo gaareen ciidamada Itoobiyaanka.

Magaalada ayaa waxaa lagusoo rogay bandow ayada oo aanay jirin wax dhaq dhaqaaqyo dadka iyo gaadiidka ah.

Inta badan ciidamada Itoobiyaanka ayaa sanadihii hore qaraxyo lagula eegtay magaalada Beledweyne xiliyada ay biyaha usoo doonayeen magaalada Beledweyne.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply