Bandhig Buugeed lagu qabtay magaalada Abu-Dhabi, Dalka Imaaraadka. (Sawiro)

Magaalada Abu-Dhabi ee dalka imaaraadka waxaa  bishan November 23-24ka, 2012  lagu soo bandhigay Carwo buugeeed aad u baaxad weyn oo ay Shirkadda Scansom Publishers goobta ku soo bandhigtay buug tiro badan oo qiyaastii gaaraysay 100+ muunadood oo kala duwan, oo la daabacay  10-15kii sano ee ugu dambeeyey. Waxaa buugtaas ka mid ahaa; Buugaanta carruurta, Suugaanta, Diiniga, Taariikhda, Ciyaaraha, Qaamuusyo kala duwan & buugaag kale. Qoraagaa Maxamad Sh. Xasan wuxuu  xogwarran fiican ka bixiyey  dalagga qoraal ee u soo go’ay afkeenna hooyo oo ay u tafo-xaydatay Shirkadda Scansom Publishers oo ku guulaysatay wax-soo-saarka ugu badan ee la daabaacay 15kii sano ee ugu dambeeyey.
Tiradaas uu qoraagu ku sheegay qiyaastii 300+ buug oo kala duwan oo la daabacy 15kii sano e ugu dambeeyey. Qoraagu wuxuu faallo ka bixiyay dhawr buug oo ka mid ahaa buugtiisa badan. Waxaa si aad ah loo jeclaaday marka uu akhriyay buugga maahmaahyada gaar ahaan qaybta tirooleyda-Saddexleyda. Waxaa kaloo aad loo jeclaystay marka uu ka hadlay godadka kala duwan ee laga gabyo (ilaa  qiyaastii 350 gabay oo kala duwan ayaa ku urursan Shanta Diiwaan ee Silsiladda Gurmad (Vol.1-5- 1997-2007). Waxaa iyana aad loogu riyaaqay Buugta kala duwan ee madasha lagu soo bandhigay  oo uu ka mid ahaa buugga Murti Dumar oo ay ku urursanyihiin suugaanta gabdhaha Soomaaliyeed. Maansooyinka aad loogu riyaaqay waxaa ka mid ahaa kuwa carruurta lagu koolkooliyo iyo heeso- hawleedka.

Bandhig buugeedkan oo ah midkii ugu horreeyey oo kutub baaxadaas la eg lagu soo bandhigay waxaa martigelisay oo suurtagelisay jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Abu-Dhabi. Waa jaalliyadii ugu horraysay ee lagu furo magaalada Abu-dhabi sannadkii 1967kii, sidaasna waxay ku mutaysatay inay tahay jaaliyadda ugu facweyn ee magaaladana laga yagleelay. Jaaliyadda waxay hoos timaadda wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee Imaaraadka waxaana sida dastuurkeeda ku xusan la qabtaa doorasho labadii sanaba mar. Hawlaha ay jaaliyaadu qabato waxaa ugu hilin culus:

-          Arday badan oo dan yar ah oo dugsiyada sare dhigata oo waxbarshadooda laga caawino

-          Luuqada afka-Ingiriisa oo ardyada xarunta jaalliyada lagu baro

-          Dhigista barashada cilmiga Kombiyuutarka ( Computor & IT Courses)

-          Ka qayb qaadashada munaasabadaha dhaqanka ee dalkan lagu soo bandhigo sida xuska sannadlaha ee ku aaddan dabbaaldegga xorriyada dalkan oo aad loo xuso

-          Ka qayb qaadshada xuska maalinta dhaqanka maalinta Afrikaanka ( Africa Day in UAE)

-          Ka qaybgalka carwooyinka dhaqanka ee jaamicadda Carabta

-          Shaqo u raadin dhallinyarada dugisyada iyo jaamicadaha  ka qalin jebiya

-          Gargaar u fidin dadkii abaaruhu waxyeeleeyeen ee dalka Soomaliya iyada oo u qaybisay Teendhooyin

-          Mustaqbalka waxaa u qorshaysan in xarunta jaaliyadda lagu dhigi doono Afka Soomaaliga oo ay baahi weyn u qabaan gaar ahaan xirfadleyda ka soo noqday dalalka reer Galbeedka oo badankood shaqooyin wanaagsan ku shaqaysta magaaladan.

-          Waxaa dadka waaweyn jaaliyadda loogu dhigaa quraanka iyo luqadda Carabiga

-          Jaaliyaddu waxay qabtaa hawlo badan oo kale oo wax-ku-ool u ah jaaliyadda reer Abu-Dhabi

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan ayaa waxaa aad u saameeyey dhibaatooyinkii ka dhacay dalka Soomaaliya. Odayadii waxay badankood noqdeen wax hawl gab ah iyo in badan oo allaystay. Sidoo kale dhallinyaradii xoogga ahaa ayaa iyaguna deegaan iyo waxbarasho sare u doontay dalalka reer Galbeedka ah oo badankood ka haajiray.  Arrimahaas oo dhan waxay ka mid yihiin waxyaabaha xooggii iyo xawaarihii jaaliyadda hoos u dhigay. Shaqooyinka badan ee dadku ka shaqaystaan waxaa ka mid:

-          Shirkadaha Batroolka oo ah meelaha ay ugu badan ee laga shaqaysto

-          Qayb ayaa iyaguna ka shaqeeya  shaqooyinka dawladda iyo

-          Qaybta ganacsiga oo  Dubai ay saldhig u tahay.

Ugu dambayn Shirkadda buugta daabacda  ee Scansom Publishers  iyo jaaliyaddu Waxaa la isku raacay in bernaamajku noqdo kulan sannadle ah oo la qabto hal mar sannad kasta. Waxaa mahad iyo abaal ballaaran naga mudan jaaliyadda,  Waxaa lib iyo abaalba naga mudan dhammaan dadkii gacanta nagu siiyey hirgelinta bernamajkan, gaar ahaan dadkan hoos ku xusay oo ka qaatay kaalin wax-ku-ool ah, waxana ka mid xubno badan oo jaaliyadda ka tirsanoo ay ka mid yihiin.

-      Cabdullaahi Cabdi Cawad

-      Maxamad Faarax

-      Kiin & Carwo

-      Dr. Caasha

-      Khadar Cali iyo

-      Qaar kale

 

Sidoo kale waxa taloyin wax ku ool ah madasha ka jeediyey odaydaasha magaalada oo ay ka mid yihiin:

-      Sheek Axmed Xaaji Abubakar

-      Maxamad Ismaaciil Muumin

-      Maxamad Cumar Cigaal

-      Ismaaciil Al-Xaaji Jaamac

-      Professor Maxamad Ibraahim ( Australia)

 

Ugu dambayn waxaa mahad gaar ah iyo qaddarin mudan xiriiriyaha bernaamajka oo kaalin lama illaawaan ah ka qaatay mudane Cali Xaaji Cige.

Hambalyo sannadguuradii 40aad kaddib markii qoraalka farteenna la hirgeliyey sannadkii 1972. Bandhig buugeed munaasabadan xigta wuxuu bartamaha bisha Disembar, 2012 ka dhici doonaa magaalada Jigjiga  haddii Alle idmo.

NB: U hiili afkaaga hooyo, ku anqari oo ku ababi ubadkaagaa.

 

Qoraaga: Maxamad Sh. Xasan Nuur , scansom@hotmail.com, scansom@scansom.com

 

 

 


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID