Saturday, May 25th, 2013

Banaanbax lagagasoo horjeedo Mahiga oo salaada Jimcaha kadib maanta lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta salaada Jimcaha kadib lagu wadaa inuu ka dhaco banaanbax ballaaran oo ay kasoo qaybgalaan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka, banaanbaxa ayaa waxaa lagagasoo horjeedaa siyaasada ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Ambassador Mahiga iyo weliba arimaha dastuurka qabyo qoraaleedka ah ee la rabo in loo sameeyo dalka Soomaaliya.

Sheekh Axmed Dhicisow oo kamid ah culumada magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in banaanbaxa ay fasax uga haystaan wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowlada KMG Soomaaliya isaga oo dhanka kalena xusay in banaanbaxa ay soo qaban qaabiyeen Madasha wadaniyiinta Soomaaliyeed, Sheekh Dhicisow waxa uu sheegay in banaanbaxa lagagasoo horjeedo Mahiga oo qas ka wado dalka Soomaaliya iyo dastuurka la damacsanyahay in dalka Soomaaliya loo sameeyo kaasoo uu ku sheegay in la damacsanyahay in dalka Soomaaliya gumeysi lagu geliyo.

Dhanka kale hay’adaha amniga ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxa ay war kasoo saareen banaanbaxa la damacsanyahay inuu maanta ka dhaco taaladii Sayidka hortiisa kaasoo ay ku sheegeen inuu dhibaato keeni karo ayaga oo uga digay dadka inaysan kasoo qayb gelin banaanbaxaas.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply