Wednesday, June 19th, 2013

Bambaanooyin lagu weeraray maqaayad laga shaaho oo ku taalo Muqdisho iyo dhimasho halkaas ka dhacday.

Ayada oo uu amniga magaalada Muqdisho yara xasilnaa maalmahaan ayaa waxaa mar qura shalay dhowr meel oo magaalada kamid ah lala beegsaday bambaanada gacanta laga tuuro.

Xalay fiidkii ayaa waxaa maqaayad ku taala xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa lagu weeraray ilaa iyo sadex bambaano oo ah nooca gacanta laga tuuro ayada oo ay ku geeriyoodeen laba ruux halka sadex kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas bambaano.

Maqaayada ayaa xiliga la weerarayay waxaa wada fadhiyay oo ka shaahayay askar katirsan dowlada Soomaaliya iyo dad rayid ah ayada oo ay markaas kadib soo gaareen goobta ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya kuwaasoo rasaas badan dhinacyada u riday isla markaasna bandow kusoo rogay xaafada Suuqa xoolaha.

Shalay gelinkii dambe ayay ahayd markii sidaan oo kale bambaano lagu weeraray goob ay ka socotay xaflad todoba baxa waxa ay Soomaalidu u taqaano oo ah maalinta todobaad ee arooska oo inanta aroosada ah la shaash saaro ayada oo ay ku dhaawacmeen halkaas ugu yaraan sideed ruux halka ilaa laba kalena ay ku geeriyoodeen.

Weeraradii bistooladaha ahaa ayaa isku bedeli rabo nooc bambaano taasoo haddii ay sii socdaan badin karto qasaaraha soo gaarayo dadka rayidka ah.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply