
Ayada oo horay loogu ballansanaa inaysan hogaamiye kooxeedyadii hore ee Soomaaliya qayb ka noqon baarlamaanka cusub ayaa hada waxaa muuqato in arintaasi ay meesha ka baxday kadib markii ay kasoo dhex muuqdeen liisaskii lasoo gudbiyay ee xildhibaanada hogaamiye kooxeedyo hore.
Xubin katirsan gudiga hubinta xildhibaanada ayaa waxaa lagasoo xigtay inuu ku andacooday inay hogaamiye kooxeedyo dhowr ah aanay wax lug ah ku lahayn dagaaladii ka dhacay dalka oo ay ahaayeen dad goboladooda difaacanayay sidaas darteedna ay kusoo galeen liisaska cusub.
Xubintaan oo aanan rabin innaan magaciisa soo xigano ayaa sheegay hogaamiye kooxeedyada beelaha Digil iyo Mirifle oo ay kamid yihiin Maxamed Ibraahim Xaabsade, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Maxamed Isaaq Afaraale Fanax iyo Aadan Maxamed Nuur Saransoor aanay ahayn hogaamiye kooxeedyo oo ay ahaayeen dad goboladooda ka difaacanayay dad kale oo kusoo duulay inkastoo hadalkaasi uu yahay mid xaqiiqda ka fog marka loo eego lugtii ay ku lahaayeen dagaaladii ka dhacay gobolada Bay iyo Bakool iyo weliba sida weyn ee ay uga qayb qaateen.
Aqoonyahano u dhashay beelaha ay kasoo jeedaan hogaamiye kooxeedyadaan marka kale soo galay baarlamaanka cusub ayaa aad uga xumaaday arintaan ayaga oo eedeedana dusha u saariyay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku xisaabtamayo codadkooda marka la gaaro doorashada madaxweynaha iyo kan gudoomiyaha baarlamaanka.
Sidoo kale beelaha kale ee Soomaaliyeed ayaa ayagana qaarkood waxa ay kusoo dareen liisaskooda xildhibaanada cusub qaar kamid ah hogaamiye kooxeedyadii hore taasoo weli muujinayso in Soomaaliya ay la hayste u tahay hogaamiye kooxeedyadii hore.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com
Tuuga dhaga dhaadgeer waaye umasa ayey xasuuqwwn umad ma difaaceen