Wednesday, June 19th, 2013

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shiraya.

Shir ajandaha looga hadlayo aanan la shaacin ayaa uu yeelanayaa maanta oo Isniin ah baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayada oo uu iclaamiyay kulankaas gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Proff. Maxamed Sh Cusmaan Jawaari.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka golaha shacabka oo uu ka dhacayo shirka saakay ayada oo ay soo buuxiyeen agagaarka golaha shacabka ciidamada AMISOM kuwa dowlada Soomaaliya ee milatariga, booliska iyo nabad sugida.

Kulankaan ayaa noqonayo kii u horeeyay ee uu baarlamaanka Soomaaliya yeesho tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud.

Habeen hore ayay ahayd markii dil loo geystay xildhibaan sodog u ahaa madaxweynihii hore ee dowladii KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed kaasoo ay dilkiisa sheegatay Xarakada Alshabaab oo dagaal kula jirto dowlada Soomaaliya iyo ciidamada taageeraya ee AMISOM.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply