Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho iyadoo fadhigii maanta lagu dhisayay guddi hoosaadyo.
Kulanka maanta oo ahaa kalfidhigii kowaad kulankiisii Tobanaad ayaa maanta lagu qabtay xarunta golaha shacabka iyadoo uu shirguddoominayay Afhayeenka Baarlamanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Gudoomiyha Baarlamanka oo ugu horreyn ka hadlay kulamkaasi ayaa warbixin ka siiyay mudanayaasha baarlamanka kulamo uu la qaatay wafdi ka socday hay’ado caalami ah oo uu kala hadlay dib u dhiska xarunta golaha shacabka.
Kulankii maanta ayaa lagu magacaabay guddi soo dhisa guddi hoosaadyada muddo 14 maalmood gudahood ah, iyadoo sidoo kale halkaasi lagu dhaariyay 2 mudane oo cusub, iyadoo tirade guud ee Baarlamanka oo ah 275 uu ka dhimanyahay hal mudane oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kaas oo loo qabtay muddo 30 maalood ah in uu ku dhaarto.
Intii uu socday kulnkii maanta ayaa mudanayaal ka tirsan Baarlamanka waxa ay soo jeediyeen tallooyin ay ka mid ahaayeen in wax lagaqabto ammaanka mudanayaasha isla markaan la raadiyo xuquuqda mudanyaashii hore.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com