Thursday, June 20th, 2013

Baarlamaanka oo meesha ka saaray mid kamid ah sharuudihii hor yaalay musharaxiinta madaxweynanimada Soomaaliya.

Ayada oo uu baarlamaanka Soomaaliya maanta kulan adag ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga dooday qodobo xasaasi ah oo uu kamid yahay qodob oranayay in musharaxa madaxweynanimada Soomaaliya iskusoo taagayo uu saxiix ka haystaa ilaa 20 xildhibaan.

Dood iyo falan qeyn dheer kadib waxaa laysku afgartay ina halka 20 xildhibaan ay awal ahayd hada uu noqdaa 3 xildhibaan oo keliya taasoo micnaheedu yahay in musharaxa madaxweynanimada Soomaaliya uu 3 xildhibaan saxiix ka haystaa si uu uga qayb qaato tartanka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Fadhiga maanta oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxa uu kusoo idlaaday si fiican ayada oo arintii hogaamiye kooxeedyada ee laysku haystayna loo saaray gudi ka kooban 10 xildhibaan oo ay shan ka imaanayso shanta beel ee Soomaaliya halka shanta kalena uu guddoonka baarlamaanka kusoo darayo.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply