Ayada oo ay maanta shireen mudanayaasha baarlamaanka islamarkaasna uu shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa mudanayaasha loo qaybiyay qoraal ku saabsan xeer hoosaadka uu yeelanayo baarlamaanka ayada oo uu sidoo kalena khudbad dhinacyo badan taabanayso halkaas kasoo jeediyay proff Jawaari.
Mudanayaasha baarlamaanka oo ay tiradoodu dhamayd 202 ayaa markii dambe waxaa kusoo biiray xildhibaano kale ayaga oo codsaday in raisalwasaaraha cusub mudo laba cisho ah gudahood lagu hor keeno baarlamaanka maadaama ay sharci tahay, arintaasoo uu gudoomiyaha baarlamaanka sheegay inuu ka codsan doono madaxweynaha.
Xildhibaanada ayaa isla dhex marayay in marka hore raisalwasaaraha la hor keeno baarlamaanka kadibna golihiisa wasiirada halka qaarna ay qabaan in hal mar lawada hor keeno raisalwasaaraha iyo golihiisa wasiirada si codka kalsoonida loogu qaado.
Mudanayaashii soo xaadiray kulankii maanta ayaa waxaa loo qaybiyay ajandayaasha uu ku shaqayn doono afarta saano ee soo socoto kuwaasoo ay kusoo aqrin doonaan mudo sadex cisho ah.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com